Sompower Shirkadd hirgalisay koronto tayo leh (Xamse Maxamed Aw Xuseen)

Waxaan idinku salaamay dhammaan akhristayaasha iyo xiiseeyayaasha Maqaalkan salaanta ay isku salaam dadka jannada (Ahlu jannada) ee ah Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi, Wabarakaatu  hadii aan ugu guddo galo ujeedda iyo duluc adda odhaahdaydani daaran tahay waa  horumarinta , hirgalinta iyo tayaynta koronta iyo adeega hufan ee ay  bixiso shirakadda  Sompower  kaas oo ay ka haqabtiray bulsho-weynta ku dhaqan caasimadda iyo gobolada dalka inay helaan adeeg koronto oo ku filan  kaas oo aan habeen iyo maalin toona go,ayn  kuna fushadaan baahiyahooda kala duwan iyagoo aan ka warwareyn koronta go,da iyo dab daciif ah oo kicinaya dhaman adeeg kasto oo ay  u baahdaan , halka ay shirkadaha yaryar ee magalada shida ayna awood u lahayn inay ka haqab tiraan  adeeg koronto oo ku filan  bulshada ,si kasta ha ahaate waxaa kale oo aan Iyana meesha ka madhneyn horumarinta bulshada  iyo shaqo  abuurka da’da yarta , iyadoo shaqo abuur u sameysay dhalinyaro tiro badan oo kor loo qaaday tayayadood iyo kobcintooda dhaqaale , sidoo  kale  waxay  meesha ka saartay xadhigihi iyo dabkii  khatarta ku hayay bulshada  iyadoo dib u habeyn ku samaysay adeegii qaadayay  korontada  , bilacada  iyo amaanka caasimada oo ay ka qayb qaadatay sida  lambadaha lagu xidhay wadooyinka  hal bowlaha u ah iyo kuwa xafadaha dhexdooda ah  kuwaas oo qayb ka qaatay nabad gelyada xafadaha.

Dhanka kale Shirkadda Sompower waxay  u daneysaa dadka danyarta ah ee aan awood dhaqaale u haysan inay shitaan koronto  taasi oo ay ka qaado qiimo aad u jaban si ay ula mid noqdaan dhigooda dhaqaalaha haysta , sida aynu ka war qabno bulshooyinka ku dhaqan magalooyinku   korontu waa adeeg laf  dhabar u ah  oo aan laga maarmi kareyn

Qalinkii : Hamza Mohamed Aw Hussein

Hargeisa, Somaliland