Bulshada Somaliland waxay si wayn u xiisaynaysaa hab-maamuuska iyo qaabka ay Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo u soo dhawayso Mujaahid Axmed Mire oo muddo 20 sanno ah ka maqnaa Somaliland. Wuxuu inta badan ku maqnaa aqoon-korodhsi kana gaadhay heerka PHD, taaso muujinyasa in uu ka gudbay dhaqankii askarinimada “Militarism”.
Shacbiga Somaliland waxay xasuustaan sidii ballaadhnayd ee xukuumadda Somaliland usoo dhawaysay Prof Samater oo muddo 23 sanno ah kasoo hojeeday xornimada iyo ictiraafka doonka Somaliland. Markuu Xamar kasoo quustay ayuu Somaliland kusoo noday. Odhaah Soomaaliyeed ayaa waxay tidhaahdaa:
“Saca faarso nacay, soddon maalintu qado, sandulo kusoo noqon.“
Shacabka Somaliland waa gob, qalbi furana waxana lagu qaabilay boqolaal kun ayaa u soo baxay, diyaaradna waxa lagaga soo gelbiyayBerbera to Hargeysa. Wuu yaabay oo fajac iyo amakaak ayuu ka qaaday.
Mujaahid Axmed Mire 10 sanno ayuu duurka ku jiray, dagaal qadhaadhna wuxuu la galay Taliskii Siyaad Barre, dhaawac halisina madaxu kasoo gaadhay. Markii calanka Somaliland la dhidbay, ayaa waxa uu u dhoofay si tacliin sare iyo aqoon u raadsado. Illaahay mahadii, asaga oo nool ayuu Somaliland kusoo noqonayaa.
Haddaba, waxa la gudboon mujaahidiintii halganka, xukuumadda Muj Axmed Siilaanyo, golayaasha iyo asxaabta qaranka, dhammaan bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan, inMuj Axmed Mire loo soo dhaweeyo si ka meeqaam saraysa ama la mid ah qaabkii loo soo dhaweeyay Prof Axmed Ismaaciil Samater.
Drs Hoodo Yusuf, London.UK.