Soo-galootiga (WQ: Cumar Cali Cabdillaahi “Cumar-Dheere”)

Xalqadda Koobaad ee filim Derder ah
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Haah dheh
Markuu dalqada furay bukaanku, dib ayuu u booday diktoorkii
Maxaa dhacay?
Adeeraw Ilkahaaga maxaa ka qaldan?
Wax maxay ah?
Ilkahaagu waa kuwii dugaagga. Oo dalqadaadana waxa ku qoran “ Soo Galooti”
Dugaaguna waa maxay?
Waa dad cunka
Ma wax kalaad cuntaan idinku oo aan dad ahayn?
Adeer yaad tahay maadan dad ahayn
Ma ahi?
Oo hee haddaa?
Adeer walax duulaysaan hadda ka degay, Maarisna waan ka imidday, shaqaan ku jiraa. Dadbaan goobayaa la ii soo tilmaamay oo naga soo fakaday. Ii dhakhso khayr hel eh.
Wax yar i sug. Dawaan kuu soo qaadayaaye.
Dhakhtarkii orodkii uu qaaday muu soo noqon. Fadalkuu kacshayna waxa la mooday xanfalay.
Muddo ka dib markii u neef goostay , jeebkiisa waxa uu ka helay waraaq ay ku qorantahay” caawa labada ayaan guriga kuugu imanayaa ee ha seexan aad dawadii i siisid e. Saw magacaagu Garruun ma ahayn? Taleefan numberkaaguna 123? Saw ma deganid guriga sii jeeda ee daaqada cas leh, ganjeelka madaw leh iyo gidaarada cagaaran?. Haddaad is waydiiso cidda ii sheegtayna, waa shaqadayada dadka dhulka ku noolna waan haynaa xogtooda. Jaaw nabadgalayo. waa inoo caawa iyo labada saq dhexe xilliga saacadda meeraha dhulka oo ku beegan shan iyo tobanka subaxnimo ee meeraha maaris.”
++++++++++++++++++++++++++++++++
Markii dhakhtarku diday, waxa uu bukaankani u tagay gabadh joogtay shay-baadhka oo uu ka codsaday in ay dhiig ka qaaddo. Markii ay irbadda xididka la heshay waxa ay moodaysay in ay bir daloolisay shanqadha ka baxday xididka oo aad moodaysay qasabadda birta ah ee biyaha. Iyada oo rumaysan la’ jabaqda ay maqashay ayay ku war heshay in midabka dhiigga soo raacay irbaddu ee ku dhibqaya tuunbadu yahay cagaar ay ku dhex jiraan wirqo caddaan ah oo la moodo dheeman. Markaas ayay garawsatay in qofka ay u adeegaysaa aanu ahayn dadkii dhulka. Ha yeeshee may garan wax uu yahay. Walaal waan dhammaystay, waad mahasantahay ee soo noqo galabta jawaabta aan ku siinnee ayay hadal ka haleeshay. Markii ay ka sii baxaysay albaabka waxa ay go’aansatay in ay gadaal daymooto. Fajac! Waxa ay aragtay kursigii oo madhan oo waraaq dul saaran dabaysha daaqadda ku beegani qaadqaadayso. Mar labaad waxa ay shaki galisay waxa ay aragtay. Dib ayay u soo noqotay si ay waraaqda u akhrido. Waraaqda waxa ay ku aragtay wax ka yaabshay “ Walaal mahadsanid. Waan dareemay in aad la yaabtay sanqadha xididkayga iyo midabka dhiigayga. Walaal waxa aan filayaa in aad ballanta aad qaadday ka soo baxdo oo galabta aan jawaabta kaa helo. Xaadsan waxa aan filaya in aad ballanta buuxin doonto”.
Argagaxii ay qaaday kalkaalisadii waatii magaaladu daba ordaysay intay libdhaysay. Dadku in gabadha jin galay ayay ku gabagabeeyeen culimadii madarasaduhuna waa kuwa ilaa hadda Quraan ku akhrinaya.
++++++++++++++++++++++++++++++++
Lama yaqaan cid gaysay irbaddii dhiiggu ku jiray qolka ay yaallaan agabka shaybaadhku. Markii shaybaadhuhu arkay midabka dhiigga iyo waraaqda la socota ee ay ku qoranyihiin xanunada aanu hore u maqal ee laga baadhayo bukaankan, waxa uu go’aansaday in badday doonto ha jiidhee uu hawsha gudo galo. Markii u horraysay ee uu wayneeyaha ku eegay dhibic ka mid ah dhiigga, waxa uu la yaabay qoraalka farriinta ah ee dhibicda ku dhex qoran oo ahayd “ Mahadsanid shaybaadhe “Gaabow”. Waxa aad ka mid tahay xubnaha soo fakaday. Waanad ogtahay meesha lagugu celinayo. Dadka aad ku dhex dhuumansyo ma aha sinjigeenna. Waad ogtahay in aanad la mid ahayn. Mana garanayo sida ay kuu aamineen iyo sida ay kuu dareemi waayeen. Fadlan markaad dhammayso hawshaada igu sii hor sug meheradda”. In kastoo Gaabow dadku ku yaqaaneen qun-yar socod iyo degnaansho, maalintan waxa uu isaga oo kab lulaya mid laalaadinaya oo xawaaraha jabaqda ku ordaya derderay dad badan oo meheradda hor joogay…Jaan iyo cidhib meel uu dhigayna ilaa hadda lama sheegin.
++++++++++++++++++++++++++++++++
Saddexdan qof hortood, waxa meesha isaga huleeshay gabadhii fadhiday miiska soo dhawaynta oo markii bukaanku soo joogsday miiska dushiisa aragtay in indhahiisu sida laydh cilladaysan marna demayaan marna shidmayaan. Markii uu su’aalay in dhakhtarku joogo, waxa ay ka codsatay in uu fadhiisto inta ay u soo hubinayso. Hayeeshee yartaasi waatii bajaajta kalideed qaadatay e ku nasatay duleedka magaalada. Gaadhi cod-baahiye la saaray ayaa maalin kadib baafinayay gabadhaas oo aan hore wax cillo iyo xanuun ah loogu sheegin.
++++++++++++++++++++++++++++++++
Waardiyaha oo ahaa nin oday ah oo da’ ah oo tusbaxle ahlu diin ah, isagu dabaysha qabatay wuu fahmay in meesha wax ka salagsalag leeyihiin, saacad ka horba intaan beladu imman waaki masaajid ka ag-dhaw meesha safka hore salaad iyo Alla-bari la tegay.
++++++++++++++++++++++++++++++++
Meharaddii way haawanaysaa waxaana lagaga tegay agabkii iyo dawooyinkii. Ta u darani waxa ay tahay in magaceeda oo ahaan jiray “ Dawaale” intii dhibtani timiday ay dadku ku arkeen magac cusub oo ah “ Dawaarle”. Dadkii macmiilka ahaa ee meheradda soo galay dhacdadan ka dib waxa ay sheegeen in ay maqlayeen gooh, sawaxan iyo qaylo ay dhan ay u qaadaan garanwaayeen. Qof kastaana isaga oo anfariirsan ayuu cagaha wax ka dayay.
++++++++++++++++++++++++++++++++
Haddaba meheraddan oo ku taalla xaafadda Jarka oo ka tirsan magaalada Borama, waxa dadwayanaha la war galinayaa in la xaraashayo barri aroor sagaalka wakhtiga meeraha Maaris. Cidii danaynaysaa ha soo gashato muraayad madaw, hana ku soo cadaraysato fur-cadde.
Qiimuhu waxa uu isla beddalaya urta cadarka iyo midibka muraayadda. Fadlan soo kaxaysa cid ku hagta marka iibku dhammaado.
++++++++++++++++++++++++++++++++
Waad mahadsantihiin reer dhuleed.
++++++++++++++++++++++++++++++++
#HUUNNO?