Soo koobidda dhiganaha “Dal Dad Waayey Iyo Duni Dameer Beeshay,Soomliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?” (WQ: Hamze Mohamed Muse)

Soo koobidda dhiganaha “Dal Dad Waayey Iyo Duni Dameer Beeshay,Soomliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?” ee uu qoray Maxamed Daahir Afrax
Qoraaga marka aad maqashaba waxa maskaxdaada ku soo dhacaysa sheeko Faneedda uu ku caan baxay Ee Maana-Fayaay; waa sheeko faneedda ugu caansan carriga Soomaaliyeed,waxa uu qoray 1979,illaa maantana waa la raadinayaa.
Waa qoraa qalin cuddoon,dhiganihiisani waxa uu ka war bixinayaa dal khayraadka iyo nimcadu dul ceegaagto se ka goblamay dad dheefsada barwaaqada taalla,waa sababta uu ugu magac daray buugga ‘Dal Dad Waayey’, waxa uu ku horkeenayaa sababaha ay la saldhigi laadahay Soomaliya in ay kow ka tahay Duni aan oggolayn in Soomaliyi dib ugu soo noqoto khariidadda aduunka isla jeerkaana ay meeqaamkeeda soo ceshato,beesha caalamka waxa uu ku eedeeyey in ay majaxaabinayso dawlad adag oo ka hanaqaadda Soomaaliya,in ay wax u tarto iska daaye,waxa ay jallaafaynayaan ifafaala kasta oo ay ka arki karaan dawlad Soomaaliyeed oo rukunno adag ku taagan,waa Sababta aad ladhka buugga ugu arkayso ‘Duni Damiir Beeshay’,waa caalam ku saleeya waxqabadkiisa qawda maqashii wax na ha u qaban.

Waxa aad arki isaga oo ku leh Soomaliya waxay la xasilli laadahay waa ‘Dubbe shisheeye iyo daab Soomaaliyeed’
Mararka qaarkood waxa aad is odhanaysaa waa Cabdiqaadir Aroma oon biyo is marin sida uu wax u dhaliilayo, waa qoraa aad ka arki karto qoraalkiisa in uu xitaa isagu is dhaliilayo,tilmaamayana qaybta uu ku leeyahay burburka Soomaaliya,habka uu buugaa qoriddiisa u raacay isaga ayaa inoo tilmaamay oo waxa uu ina leeyahay “ wax ka qoridda arrimaha Soomaalida waa in ayna noqon hab-tebineed e, se waa in qoraagu dareenkiisa cabbiro ama la yimaaddo bareerayaal ku dhisan hal-abuur cusub oo dadka ka fikirsiiya”. Dhiganaha inta bilaysaaba waa habka uu inoogu qoray buugga,maankaaga ayuu carrinayaa
.
Lakabka seddexaad ee ladhka buuggu ka kooban yahay ayaa ah “Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?”
‘Haa’ iyo ‘Maya ba “ uu ku jawaabayaa qoraagu, waa tan warcelintiisu:

“haddii ay xugman tahay in ay Soomalidu ka baxdo darxumada maanta haysata, waa in ay horta garataa in loo baahan yahay in maskaxda dadka laga nadiifiyo jeermiga dilaaga ah ee uu reebay dhaqan-siyaasadeedkii fekerka Soomaalida hoggaaminayey dhawr iyo labaatankaan sano. Jeermiga dhaqan-siyaasadeedkan astaamihiisa waxaa ugu waaweyn saddexdii aan gogol-dhigga ku soo sheegay:
Qabiil-ku-burbur,qori-caabud iyo kursi-u-qooq. Dadadaal kasta oo xal waara loogu raadinayo dhibaatada Soomaliya wuxuu noqonayaa ‘hal bacaad lagu lisay’ haddaan mudnaanta koowaad la siin joojinta dhaqan siyaasadeed astaamahaas leh,haddaan lagu baraarugin baahida loo qabo in dadka maskaxdooda laga nadiifiyo cudur-bulsheedyadaas caqabadda ku ah dadaal kasta oo is-beddel-doon ah; haddaan loo guntan sidii saddexdaas cudur loogu beddeli lahaa seddex caafimaad:

(1) Qabiil-ku-burburka oo lagu beddelo Qaran-doon ama dareen waddaniyadeed oo dadku ku hirtaaan, sharaftoodana ka dhex arkaan;

(2) Qori-ku-faanka oo lagu beddelo Qori-ka-faan, nabad-ku-faan,Garran iyo gar-qaadasho;

iyo (3) Kursi-u-qooqa oo loo aqoonsado in uu yahay hunguri-xumo laga xishoodo,bulshadu ceeb u aragto, laguna beddelo sharaftu in ay ku jirto tala-wadaag iyo tartan xalaal ah oo lagu tartamo daryeelka danta guud laguna kasbado taageerada dadka intiisa badan oo codkooda lagu helo doorashooyin dimoqraadi ah.”

Seddex qolo ayaa uu ku eedeeyay in ay magaca Soomaaliyeed bi’iyeen, waxaanay kala yihiin :
a) Gar-wadeenka Siyaasadda,
b) Garwadeenka Dhaqaalaha
c) Garwadeenka Fekerka/Tacliinlayda.

Aragtida uu Somaliland ka qabaa waa mid ka geddisan sida ay u hadlaan dhammaan inta ka hadasha ee codkooda la maqlo.

Haddii aad akhrido marnaba ka xiiso goynmaysid oo sida birlabta ayaa uu kuugu dhagayaa dhiganahani.

Waxaa bishaaro san ah in qoraaga iyo dhiganayaashiisuba dhawaan dalka inoogu iman doonaan.

No photo description available.

Hamze Mohamed Muse
Hargeysa,
Somaliland