Sookoobidda buugga ‘ Dead Aid ~ Gargaar Gunnimo” (WQ: Cabdirasaaq Sandheere)

Hordhac

Buuggan lagu magacaabo ‘ Dead Aid’ oo aynu ku af Soomaaliyayn karno ‘ Gargaar Gunnimo’ ama ‘ Gurmad Gunnimo.’ Waxa qortay qoraa Dambisa Moya, oo ku caan ah ka hadalka arrimaha la xidhiidha gargaarka, bini’aadannima, dhaqaalaha, iyo siyaasadda. Cinwaankiisa guud waa “ Dead Aid”, Cinwaan hoosaad waxa buugga u ah “ Why Aid Isn’t Working, and How there is another way for Africa?”

Dambisa, waxa ay ku dhalatay kuna barbaartay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka. Dugsigii hoose, dhexe, sare iyo jaamacadda qaybta koowaad waxa ay ku qaadatay isla dalkeeda hooyo ee Zambia. Shahaadada Masterta waxa ay ka qaadatay Jaamacadda Harvard, Kulliyadda Dawladnimada; halka Shahaadada sare ee PhD da ay ku qaadatay Jaamacadda Oxford, gaar ahaan kulliyadda Dhaqaalaha. Baanka Adduunka ayay muddo lataliye ka ahayd. Sidoo kale, siddood sano ayay ka shaqaynaysay Goldman.

Buuggu waxa ay qortay 2009kii. Waa buuggii u horreeyay ee Dambisa qorto. Sida New York Times ay qortay, wuxuu ka mid ahaa buugaagtii ugu iibsiga badnayd ‘ Best Seller.’ Buugga,si guud waxa ay ku naqdinaysaa, gargaarka waddamada shisheeye siiyaan Afrika. Waxa uu ka koobanyahay laba qaybood. Waxaanna soo hoosgala 10 cashir, ama cinwaan oo ladhka buugga la xidhiidha. Bog ahaan waa 188 bog.

Nuxurka

Hordhaca hore, waxa ay ku doodaysaa inaynnu ku noolnahay dhaqan ah gargaar, oo Afrikaan ahaan ay inna quudiyaan reer Yurub. Haddii hore loogu sii dhaadhaco, waxa aynnu dareemi in kuwa hodanka ahi ay caawiyaan kuwa saboolka ah. qaabka ay u caawinayaanna waa inay ahaato habka gargaar, ayay leedahay. Gargaarku wuxuu ka mid noqday qayb ka mid ah maddadaallada warshadaha. Mar kale, waxa ay leedahay gargaarku waxa uu noqday dhaqan alaabeed (badeecadeed). Waxa ay sidoo kale qabtaa in GARGAARKU qofkii saboolka ahaa sabool ka sii dhigayo, qofkii soo korayayna ay hoos u sii dhigayso.

Qeybta 1aad waxa ay ladh uga dhigtay ‘ the World of Aid ~ Adduunyada Gargaarka.’ Waxa ay kaga warramaysaa sida waddamo badan u noqdeen meesha qashinka lagu qubo, oo hanbadii waddanka hodanka ah ka hadha la keeno.

Waxa ay qaybinaysaa gargaarka. Sida ay qabto saddex qeybood oo aad u waaweyn ayay u qaybinaysaa:

1- Gargaar degdeg ah, ama mid Bini’aadannimo:Kani waa ka dawladuhu isasiiyaan marka qaran masiibo weyni ku habsado, sida Daadad, abaaro, dabaylo, IWM. Waxa ay tusaale u soo qaadaynsaa Sunaamidii 2004tii ku dhufatay waddamo ka mid ah qaaradda Eeshiya, gargaarkii loo fidiyay mid degdeg ah, oo bini’aadannimo ayuu ahaa ayay leedahay. Waa mid sal ku haysa arrin degdega ka jawaabiddeed.

2- Gargaar Sadaqo ama caawimeed: Waa midka ay si caadi ah la iskugu caawiyo, ee la isku siiyo, ee dadku isasiiyaan, ama ururradu dawladda siiyaan.

3- Gargaar habaysan: Kan waa midka ururrada shisheeye ay siiyaan dal, iyaga oo hab soo marinaya. Ama dawladi ay siiso dawlad kale, ama Xarun wayn oo sida Baanka adduunka ahi uu siiyo dawlad.

Qeybta saddexaad ee ah ‘ Gargaarka habaysan’ ayay sida fiinta ka qaylyasaa Marwo Damisa, oo ay aad u dhalliilaysaa. Waxa ay xusaysaa inuuna buuggu khusayn labada qaybood ee hore ee ‘ Bini’aadannimada, iyo Sadaqada’ se uu khuseeyo qeybta kale ee ‘ Gargaarka habaysan.’

Sooyaal kooban oo ku saabsan gargaarka ayay sheegaysaa. Waxa ay xusaysaa in gargaarku bilaabmay saddexdii Toddobaad ee u horreeyay Bishii Julaay sannadkii 1944kii, kulan ka dhacay Mounta Washintong Hotel, Bretton Woods, New Hampshire, USA. Dagaalkii adduunka ka dib Toddoba qaybood oo waaweyn ayaa loo qaybiyaa:

1- Curashadii Bretton Woods, sannadihii 1940maadkii: Qorshaha Shirkii Bretton Woods wuxuu ahaa sidii dhaqaalaha caalamka loo qaabayn lahaa, sidoo kale la samayn lahaa ganacsi saddex geesood ah, iyo in la dhiso qaab iskaashi dhaqaale oo ka hortagaya in uu soo noqdo Burburki Dhaqaale ee waynaa ee dhacay 1930meeyadii.

2- Cahdigii Qorshihii Marshal, sannadihii 195omaadkii: markii reer Yurub dhismeen ee dagaalladii ka soo kabteen, waxa ay isku dayeen inay diiradda meel kale saaraan oo adduunyada kale gargaar u fidiyaan, gaar ahaanna xooggasaaraan Afrika. Afrika inay gargaarka u godlatay, oo u bislaatay ayay xusaysaa qoraayaddu. Qaaradda waxa ka buuxa bulsho aan waxba baran, shaqaale mushahar yar qaata, qaab wanaagsan cashuurta uma qaadaan, suuq caalamiyana ma helaan. Markaa dadkii ku qalabaysnaa fekradihii iyo khibraddii Marshal, iyo waddamadii Hodanka ahaa ayaa Afrika fakaag gargaarka laga beegsado u arkay. Halkaas ayuu gargaaru ka bilaabmay ayay leedahay Domiso.

3- Cahdigii Warshadaynta, sannadihii 196omaadkii: Bilowgii sannadihii 1960maadkii 100 Malaayiin oo Doollar ayaa la keenay Qaaradda Afrika.

4- Sannadihii 197omaadkii gargaarkii shisheeyaha ayaa loo baddelay wax lagaga jawaabo saboolnimada: markii hore waqti gaar ah ayuu iman jiray. Se markan inuu waxkasta gargaar shisheeye lagaga jawaabayo ayay xusaysaa Damisa.

5- Sannadihii 1980maadkii gargaarkii shisheeye ayaa loo baddelay wax ama agab (tool) lagu dejiyo oo lagu qaabeeyo Afrika (Horumar wiiqid): Xilliyadan gargaarkii dalka ayuuba soo farageliyay oo in lagu xisaabtamo, waxna lagu qaabeeyo ayuu keenay. Qorshuhuna wuxuu ahaa in horumarka la wiiqo. Horumarkii inuu hoos u dhacay ayay xusaysaa marwo Dambiso Moya.

6- Sannadihii 1990maadkii qorshaha gargaarka shisheeye wuxuu ahaa in dawladnimada jawaab la geliyo: Gargaarkii iska soo dabadhacayay ee waddamo badan oo Afrikaan ah lagu harqiyay in waxyaabo badan jiritaanka dawladnimo Waddamada Afrkaanka ah ayay keentay. Sida ay Damiso xusayso su’aaaha la iska wayddiiyay waxa iyana ka mid ahaa: Afrikaan dawladwanaaga iyo anshaxa ma jaamacadaha Reer Galbeedka ayaa lagu soo baraa?!

7- Sannadihii 2000, Qorshaha gargaarka shisheeye waxa soo baxday in la khammaaro: Qodobkan u danbeeya illaa haddaa waaka socda ee Afrikaan saameeyay. Gargaarkii la soo diray inay qaar ka mid ah kuwii loo soo dhiibay dhexda u fadhiistaan, oo iyagu wax ka sii qaataay yay sheegaysaa. Sidoo kale, muddooyinka danbe dhibaatooyinka Afrikaanka gargaarka ayaa lagu xalliyaa.

Dambisa, waxa ay xusaysaa in ka badan 2 Tirilyan oo Doollar 50kii sano ee u danbeeyay in waddamada Hodanka ahi siiyeen waddamada saboolka ah, Afrikana tahay qaataha ugu badan gargaarkaa.

Dambisa, waxa ay xusaysaa inuuna GARGAARKA SHISHEEYE shaqaynayn. Waxa ay tidhi: “ Gargaarka shisheeye ma shaqaynayo.” Iyada oo tusaale soo qaadanaysa, waxa ay xusaysaa in Afrika 4okii sano ee u danbeeyay gargaar shisheeye ku socday. Xagga dhaqaalaha, wax uu ka rido mooyee waxba uma soo kordhin.

Sababaha uu la shaqayn la’ayahay dhawr qodob ayay xusaysaa. Aynnu waxyar ka soo qaadanno:

1- Musuqmaasuq.

2- Dagaallo inay dalka ka qarxaan, oo ummadda wada deggani gargaarka isku qabsadaan ayaa laga yaabaa.

3- Waxsoosaarka ayuu curyaamiyaa, oo isku hallayn ayuu keenaa.

4- Gargaarku maalgeshiga iyo waxkaydsashada ayuu yareeyaa.

Dambisa, waxa ay ku doodaysaa in gargaarka shisheeye uu yahay ‘ Dilaaga qarsoon ee koboca.’ Waxa ay qabtaa in gargaarkaasi curyaaminayo waxsoosaarka dalka, iyo dhaqaalana. Sidoo kale, waxa ay xusaysaa inuu qayb laxaadle ka qaato dhiirrigelinta musuqmaasuga iyo isdabamarinta.

Qeybta 2aad ee buugga waxa ay ladh uga dhigtay ‘ Adduunyo bilaa gargaar ah.’ Sida aynnu hore u soo sheegnay, waxa uu buuggu diiradda saarayaa inay tahay GARGAARKA HABAYSAN (Systematic Aid), se aynna ka warramayn labadii gargaar ( kii Bini’aadannimada iyo Sadaqada) ee kale. Markaa halkan waxa ay wax ka odhanaysaa waddadama gargaarka la siiyo haddii laga joojiyo, maxay ku baddelanayaan. Sidayna ahaan lahaayeen.

In waddamada gargaarka gurtaa wax dhaama ku baddeshaan ayay soo jeedinaysaa. Dhawr qodob oo kale in baahida gargaar shisheeye lagu daboolo ayay qabtaa. Marka la joojiyo waxa ay ku baddelanayso ayay sheegaysaa. Qodobbadaa waxa ka mid ah:

1- In xal hantiyeed la keeno: Qaab hanti lagu abuurayo waa in la keenaa ayay qabtaa Dambisa.

2- Ganacsi waa in la abuuraa oo la ganacsadaa ayay leedahay Dambisa.

3- Bangiyo in la samaysto, ayay soo jeedinaysaa.

4- In qorshe horumarineed la keeno way qabtaa.

Qoraa Dambiso, waxa ay iswayddiinaysaa “ Maxay Afrikaanku qabanlahaayeen ama maxaa u hirgeli lahaa haddii GARGAARKA LAGA Joojiyo?”

Dhawr arrimood ayay qabtaa. Waxa ka mid ah waxyaabaha Afrika u hirgeli lahaa:

1- Dhaqaaluhu wuu horumari lahaa waddamo badan oo Afrikaan ah.

2- Musuqmaasugu wuu yaraan lahaa.

3- Hal’abuurrada ganacsi (Enterpreneurs) wuu horumari lahaa.

Waa natiijada la filayo inay soo baxdo, haddii gargaarka laga joojin lahaa Afrika ayay ku doodaysaa Dambiso.

Waxa ay ku soo koobaysaa in Afrika horumarkeegu ku xidhanyahay:

1- Sida ay u baraarugto ee u miyirqabto. Ikhiraac ama ibafurid cusub inay la yimaaddaan.

2- Inay daacad u noqoto waxa u shaqaynaya ee ka soconaya horumarkeedana u sii dhawaynaya, misana aynna isku wareerin wax aan soconayn.

Hal qodob ayay ku soo koobaysaa, oo ay leedahay ‘ Hal shey Afrikaanku ha ogaadaan, kaasi oo ah inaan GARGAARKU shaqaynayn.’

Gebagebo

Waxa aynnu buugga si guud u qaybinnay laba qaybood. Qeybta 1aad wax aynu ku soo bandhignay gargaarka iyo qaybihiisa, ka aynnu sheegayno ee GARGAARKA habaysani sida uu aafo ugu yahay ummadda. Xilligii gargaagrku aad u soo batay. Sababaha keena inuu gargaarku shaqayn la’yahay, iyo sidoo kale in gargaaarku dilaa qarsoonyahay.

Qeybta labaad waxa aynnu kaga warrannay ‘ Adduun bilaa Gargaar ah’, qaabka uu noqonlahaa, haddii gargaarka la joojiyo waxa ay waddamada Afrikaanku ku baddelan lahaayeen, iyo waxa u hirgeli lahaa waddamadaa.

Buuggu mawduuc muhiimaddiisa leh ayuu lafagurayaa. Dhinac wanaagsan ayuu ka istaagay. In la akhriyo oo qofkii wax intaa dhaafsiisan rabaa inuu buugga ku noqdo ayaan kula talinayaa.

Isaga oo Daawasho ah halkan ka daawo:

Buuggii 5aad: Sookoobidda iyo Gorfeynta Buugga ” Dead Aid ~ Gargaar Gunnimo.” Cabdirasaaq Sandheere ( https://www.youtube.com/watch?v=xkEBxUseW78 ).

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

18 Dec, 2019.