Sookoobidda Buugga: “The Future is Asian” (WQ: Axmed Sulaymaan)

Buugga la yidhaahdo The Future is Asian..Mustaqbalka waxaa leh Eeshiyaanka ee uu qoray Parag Khanna waxa uu ka koobanyahay 433 baal/bog iyo toban cutub, waxaanu soo baxay sannadkan 2019-ka.

Qoraagu waa Indian asalkiisu ku koray UAE, Germany iyo Maraykanba waxaanad si weyn uga dareemaysaa inuu ku joogsanaayo Pakistan oo uu waddankiisa uga hiilinaayo.

Qoraagu ayaa ku bilaabaya in hinqashada qaaradda Aasiya dib loo celinaayo laba qarni ka hor markii uu yidhi Napeleon”Let her sleep, for when she wakes she will shake the world’ oo noqonaysa way hurudaa qaaraddaasi markay se baraarugto dunida ayay gilgili doontaa. Aasiya waxay kala jiidantahay inta u dhaxaysa Mediteraneanka, badda cas, illaa pacific oceanka, qaaraddan waxa uu qoraagu sheegayaa inay ka mid yihiin wadamo badan oo laga yaabo in qaaraddo kale lagu tiriyo sida Russia, Turkey iyo welibana Ustareeliya, qaaraddan ayaa ka kooban 53 waddan iyo 5bilyan oo ruux oo 1.5bilyan ka mid ahi ay yihiin Chinese, maanta wadamada galbeedku waxay la tiicayaan jirrooyin ay ka mid yihiin daynta xadhkaha goosatay, rising inequality, culture wars iyo qaar kale oo badanba. Aasiya dhaqaalaha adduunka waxay ka tahay 50% of world GDP iyo saddex meelood laba wadamada koriinka dhaqaale samayanaya. Turkey iyo Russia ayuu qoraagu ku eedaynayaa inta badan inay Yurub la saftaan marka UNta la joogo isla jeerkaasna ay reer galbeed iska dhigaan, waxa kale oo Aljazeera ku eedeeyay in erayga Middle east ay aad u buunbuuniso waxkalena maahee luuqadaas afka ingiriisida ayaa dawakhisay.

Saddex qarni ayaa waxaa kala jiray Americanization, Europeanization iyo kan ugu dambeeya oo uu sheegay inuu yahay kii Asianizationka, waxyaalaha dadka reer Aasiya mideeyay ayuu sheegayaa in ay ka mid tahay luqaddu isagoo sheegay in afka chineseka, hindida iyo carabidu ay yihiin kuwa ugu tuntunka roon, isla jeerkaasna dadyawga qaaraddaasi ay iska guursadaan, diimahaana ay kala hasytaan badi diinta Budhismka, Hindusmka, kirisitanka iyo diinta xaniifka ah ee Islaamka oo dadka reer Aasiya ay haystaan 1.6 bilyan qofi halka qaaradda Afrika ay 300 milyan oo qof muslim yihiin.

Dhanka ganacsiga ayuu qoraagu sheegayaa in 2014-kii Japan iyo Russia uu dhex maray ganacsi dhan $35 bilyan, halka India uu dhex maray $20 bilyan, kala iibsiga hubka nuclear reactorska ayaa dhex maray India iyo wadamada Sucuudiga iyo Qatar. Turkigu muddo kun sanno ah ayay garaacayeen albaabka Yurub laakiin wejigabaxii ay taas kala kulmeen waxay dib ugu soo luudeen qaaradooda iyagoo fursado dhaqaalena ka helay, ganacsi lagu qiyaasay $27 bilyan ayaa dhexmaray wadamada Turkeyga iyo China mudadii u dhexaysay 2007-2014-kii, Israel ayuu qoraagu xusayaa inay xidhiidh dhaw la leedahay wadamo carbeed oo ay ka mid yihiin Qatar iyo isu tagga imaaraadka carabta, Israel ayaa xidhiidh dhaw la samaysatay waddanka India, luuqadda carabiguna waxay ku faafaysaa jaamacadaha waddanka China. Iran oo ay reer galbeed is eedeen ayuu qoraagu sheegayaa in maalgashi Total ay waday markii xisaarka la saaray ka dib China la wareegay ceelashii, Trump-ka imika ka arimiya Maraykanka ayaa sameeyay hay’ad loo soo gaabiyo USIFDC oo leh miisaaniyad dhan $60 bilyan oo lagu taageerayo ganacsiga Maraykan iyo Aasiya.

Dhinaca aqoonta iyo waxbarashada ayaa qaaradda Aasiya ay sare u kacaysaa Maraykan laftiisa ayaa ardayda uu sannadkii Aasiya u diro lagu qiyaasaa 100,000 arday, Dhaqaale buuran ayaa Maraykan laftiisa ka soo gala ardayda reer Aasiya ee u soo aqoonta doonta.

Intaas iyo inakale oo badanba waxaad ugu tegaysaa buuggaas magaciisu kor ku xardhanyahay.

Wasalaam.