Sookoobidda Buugga “ The Science of Getting Rich~ Falsafadda Hodan Noqoshada” (WQ: Cabdirisaaq Sandheere)

Sookoobidda Buugga “ The Science of Getting Rich~ Falsafadda Hodan Noqoshada”

 

Hordhac

 

Buuggan ka la yidhaa “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada” Waxa qoray  Wallace Delois Wattles, oo noolaa intii u dhexaysay ( 1860–1911). Waxa uu ahaa qoraa Maraykan ah. Buugga sannadkii 1910kii ayuu soo saaray; waxyar dhimashadiisii ka hor ayaa la daabacay buugga. Shirkadda Elizabeth Towne Company ayaa daabacday.

 

Qoraagu waqti hore ayuu noolaa. Nin lacagle ayuu ahaa waqtigii danbe ee noloshiisa, oo hanti buu samaystay. Sida inantiisu sheegtay hantiile ayuu ahaa. Buug kale oo la yidhaa “The Science of Being Well “ ayuu isna qoray.

 

Buuggu waxa uu sharraxayaa falsafadda ama qaabka uu qofku hodan ku noqon karo. Tabaha iyo qaababka uu sheegayo qofkii raacaa inuu hodan noqonayo ayuu qoraagu qabaa.

 

Nuxurka Buugga

 

Qeybta ugu horreysa qoraagu waxa uu leeyahay “ Inaad hodan noqoataa waa xaq aad leedahay.’ Waxa uu qabaa in qofku inuu hodan noqdaa ay tahay wax uu xaq u leeyahay. Se xaqaasi doonis ayuu ku xidhanyahay.

 

Qofku si guud saddex ayuu ka koobanyahay: Jidh, maskax, iyo ruux. Mid ahaan haddii la horumariyo oo ta kale laga tagaa maaha wax soconaya ayuu qoraagu leeyahay. Waanna qalad in qofku doono inuu mid ka mid ah dhiso oo ta kale iska daayaa ayuu qoraagu leeyahay.

Qoraagu Saynis ama qaab hodan loo noqdo oo la barto sida Aljebrada IWM ayaa jirta ayuu leeyahay. Waa xeerar ayuu leeyahay. Dadka hantida lihi xeerarkan ayay raaceen, oo weliba habab kala duduwan u qabteen ayuu ku doodayaa. Xeerark qaabka loo qabto iyo dhinaca laga eego ayay hodantinnimadu ku xidhantahay.

 

Hodantinnimadu maaha wax deegaanku keeno. Laba qof oo meel ka wadashaqeeya, ayaa mid hodan noqonayaa midna sabool. Dad ganacsi wadaleh ayaa mid hodan noqonayaan midna sabool. Waxa kaladuwayaa waa hababka ay wax u qabtaan ayuu qoraagu leeyahay.

Ma jirto shaqo ama xirfad gaar ah oo HODAN lagu noqdaa ayuu qoraagu qabaa.

Hodannimadu mid gaar ah kuma xidhna, sida qofku u qabto ayay ku xidhantahay.

 

Qoraagu waxa uu iswayddiinayaa “ Jaaniska miyaa la kooteeyay?” Maya, ayuu kaga jawaabayaa. Cid gaar ah oo KOOTO fursadda ama jaaniska loo kooteeyay ma jirto, waa loo simanyahay. Qofiyo siduu ugu dadaallo.

 

Xeerarka Hodannimada

Dhawr xeer ama falsafadood oo aan buugga ka soo dhex ururiyay ayaynnu isla eegi:

1-      Falsafadda ama Sayniska Hodan noqoshadu waa ‘ Fekerka.’ Fekerku waa meesha wax kala qaabaysa ee hagta qorshaha. Qoraagu waxa uu leeyahay waa inuu qofku si ballaadhan u fekero.

2-     ‘ Nolosha ballaadhi ama si kaladuwan wax u QABO.’ Wax wanaagsan qabo oo ficil la imo. Waxa aad qabanaysana run hakaa ahaado. Isna hab kaladuwan u qabo. Wixii aad ka soo fekertay u baddel ficil.

3-     Shaqada habab kaladuwan u qabo.

4-    Si wanaagsan shaqada u qabo.

5-     Ganacsiga ama shaqada xaqbaad u leedahay.

6-    Shaqadaada muuji.

 

Gebagebo

 

Hodannimada qoraa kasta, iyo dhaqaaleyahankasta oo wax ka yidhi dhinac buu ka eegay. Qoraaga buuggu isagu dhinacyadaa aynnu isla eegnay ayuu ka eegay. Waxa uu qabaa in qofkii sida uu sheegayo tallaabooyinkaan qaadaa inuu hodan noqonayo. Waa aragtidiisa oo uu tijaabiyay. Adna bal tijaabi.

 

Muuqaal ahaan halkan ka daawo #Xogkorodhsi  ( https://youtu.be/AJzDM37CqeA).

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

16 Febraayo, 2020.