Qeexitaanka erayga โXabashโ, waa eray Af-Carabi ah oo la micno ah huwan ama is-bahaysi. Sababta loogu bixiyey ayaa ah dadyowga kala duwan ee dhulkaasi ku nool. Reer Yurub waxa ay iyana u yaqaanan โAbbyssiniaโ. Saddexdii hoggaamiye ee ugu dambeeyey ee ka dhashay qoomiyada Axmaarada ee Itoobiya xukumayey waxa ay dejiyeen siyaasad Soomaalida lagu dafiro dhulkooda oo la sheegto inay Itoobiya ka tirsanaayeen oo ay ka fallaagoobeen. Qoomiyadda Axmaaradu Soomaalida waxa ay u haystaan inay iyagu leeyihiin oo ka tirsan yihiin qoomiyayaha ku hoos jira. Waana colaad guun ah oo soo taxnayd laga soo bilaabo 1890 ilaa 1991. Bal dhacdooyinkan dhugo si aad u fahanto colaadaasi soo jireenka ah:
Qoomiyadda Axmaarada.
= Intii u dhaxaysay 1890 ilaa 1897 waxa ay ciidamada Boqor Mililig ay Soomaalida ka dhaceen boqol kun oo Loโ ah, laba boqol oo kun oo Geel ah, lix boqol oo kun oo isugu jira Riyo iyo Ido. Beelaha ugu badan ee uu xoolaha ka dhacay waxa ay kala ahaayeen, Geri, Jid-waaq, Ciise iyo Gadabuursi. Xoolo dhicistan waxa keenay abaar ka dhacday guud ahaan Itoobiya intii u dhaxaysay 1888 ilaa 1892, sida ku xusan buuggaโ The Great Ethiopian Famineโ ee uu qoray Richard Pankhurst.
= Buugga โEthiopiaโs Manifest Destinyโ wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya.
= โRennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi โdhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahayโ?. Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay loโda u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. โSomalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters.ย And there is not a Muslim country, as everyone knowsโ.ย Ka eeg faahfaahintaโ Tiirka Colaadda 2005, Cabdiqaadir Aroma.
= Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa โFrench Somali Coastโ waxa loo beddelay โAfar and Issa Territoryโ.ย Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayeyโ Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshayโ.
= Inay qoomiyada Axmaaradu Saylac la wareegtoย waxa ka warramay John Spencer oo la-taliye u ahaa boqor Xayle Salaasa waxaanu yidhiโ. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kiiโ. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika โSoomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaaโ.
Qoomiyadda Tigreega:
27-kii sanno ee ay dalka Itoobiya ka talinayeen waxa ay adeegsan jireen madaxdii Soomaalida ee Kililka iyo hoggaamiye-kooxdyadii Soomaaliya ka jiray. Kililka Shanaad ee Soomaalida ayaa ay dhib badan ka dhacday iyo Muqdisho oo ay weerareen in badan kuntan kun oo ciidamada Itoobiya ah oo ay badnaayeen madaxda Tigreegu. Shicib badan ayey dagaalladii u dhexeeyey Maxkamadaha iyo ciidanka Itoobiya ku dhintay. Tigreega intaasi ayaa loo tiriyaan dhibta ay geysteen. Hasayeeshee meel ay dhulka Soomaalida ku sheegtaan taariikhda meel laguma sheegin. In kasta oo ay deegaan ahaan ka fog yihiin Soomaalida.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
ย Hargaysa, Soomaalilaan, Calicoomay@gmail.com