Soomaalida iyo Hoggaaminta (W.Q. Cabdixakiin Cabdillaahi Aadan-Dheere, Qormadii 1aad)

Waxaan maanta qalinka u qaatay in aan ka hadlo oo mugdiga ka saaro macnaha guud ee hoggaamiyaha iyo sababaha uu bulshada ugu soo dhex baxo, madaama hoggaamiyuhu yahay wax ummadda iyo bulshaduba aaney ka maarmeyn.

Qeybta koowaad ee qormadan waxeynu ku eegi doonaa Soomaalida iyo hoggaaminta, tan iyo maalintii laga soo bilaabo maamulkii Maxamed Siyaad Barre, wixii ka qaldanaa iyo sida ay ku dambeyn doonaan.

Tan iyo maalintii aadamaha la unkay waxay lafiiq la ahaayeen hoggaaminta, taariikhda aadamaha haddaad dib raacdo wixii ugu badnaa ee saameyn laxaad leh ku yeeshay waxay ahayd hoggaamin xumo. dawlad dhaqaale xumo ku habsatahay, ummad burburtay, doon degtay, dal hallaagmey, intuba waxa tixraac looga dhigayaa hoggaamin xumo.

Taa macnaheedu waxa weeye weli waxa aynaan fahmin xaqiiqda dhabta ah ee ku qotonta hoggaaminta, haddaba waxeynu maanta si huwan u tafsiili doonaa hoggaaminta iyo mooganaanta soomaalida.

Tiro kasta ha ahaate, ummad ama bulsho kasta waxay u baahan tahay hoggaan arrimeheeda ka arrimiya, laga soo bilaabo qoys ilaa dawlad. Haddaba waxeynu isweydiinaynaa, hoggaamintu ma dhalad baa mise waa samays?

Bulshadu wey ku kala aragti duwan tahay su’aashaas jawaabteeda, laakiin dadka qaarkood waxay ku dooddaan in hoggaanku yahay dhalad cagsigooduna waxay yidhaahdaan waa samaysa.

Waa maxey hoggaamiye?

Hoggaamiye: waa qof leh awood maamul leh, si uu gaadho ujeeddo ama hadaf isla xilli cayiman. Hoggamiyuhu waa qof waxkasta iyo dhibaato kasta u badheedha, waa qof firfircoon, waa qof wax cusub abuuri kara, waa qof wax beddeli kara, waa qof hiiraal fog leh.

Waa qof xaalad adag dalka ka saari kara, una min guuri kara xaalad kaloo mid cusub. Waa qof wax cusub soo kordhin kara, isagoo khatar kasta u badheedhi kara.

Waxaasi waa dhalasho macnaheedu, waana waxyi markasta la socda qofka si uu hawlihiisa ugu fududeeyo, Thomas edson, wuxuu ahaa halyaygii u tafaxaytay ikhtiraacida laydh ka (kaaha)  , edson wuxuu ku guul dareystay sameynta laydhka tiro dhan 999-jeer, ilaa markii kumaad uu u hirgelay. Dhalasho wax layidhaahdaa haba yaraate ma jirto, haddii ay dhalasho tahay edson waxaas oo rafaad ah muu mareen, ee sida waxyiga ayay ugu soo degi lahayd. Nebbigeena NNKH ayaa la odhan lahaa wuu ku dhashay nebinnimadda.

Caqligaa dhalashada ka horreeya markasta , Qofka bini’aadamka waxa uu uurka hooyadii ka soo baxaa isagoon caqli iyo garaad midna lahayn, weliba kala saari karayn hooyadii iyo aabihii, haddii caqligii maqan yahay sidee ayay dhalasho u noqon kartaa. Hoggaamintu waa guul lagaadho ee maaha dhalasho  ‘’leadership is an achievement not a birth right’’.

Mid ka mid ah xikmaddihii Shakespeare ayaa aheyd:

“Qofkastaa isagoo cunnug ah ayuu dhashay, balse muu dhalan isagoo hoggaamiye ah.” “Everybody is a born baby not a leader.”

Hiddo(heredity) iyanna waa qodob kale kaas oo ka madax-bannaan dhalashada,  hidde waxay ku taxaluqdaa (geneticissue) hiddo-siddayaal dhiiga ku jira kuwaas aad ka  dhaxashay waalid kaa ama qoyskiisana. Sida haddii uu aabahaa gaaban yahay, waxa dhici karta adna inaad gaabnaato ama, bal ufiirso qofkastoo gabyaa ama  abwaan ah isna awoowgii ama aabihii baa gabyaa ahaa, sidaas darted taasi waa hiddo ayaa la odhan karaa laakiin,  hoggaamintu ma noqon karto hiddo.

Guntii intaas waxaan ku soo af-meeraya, in wax dhalasho layidhaahdaa marna aanney jirin, ee waxkasta noqon karaan waxaad adigu gacantaada ku kasbatid.

Islaamka iyo hoggaaminta

In badan ayey diinteenu inagu boorrisey xaqa iyo addeecida hoggaamiyaha, nebbi Maxamed (Nkh) oo laga weriyay xadiis macnihiisu yahay:

“Saddex haddaad tihiin oo aydun socdaashaan, midkiin madax kadhigta.’’

Sidoo kale waxay diintu aad iyo aad inoogu boorisey in madaxda la addeeco loona hoggaan-samo, waa kii nebbigu xadiis kale kulahaa:

“Addeeca xataa haddii timaha madaxiisii yihiin sida sabiibta.’’

In madaxda la caayo ma bannaana haddey waxkasta idinku sameeynayaan, gadoodku wuxuu iminka ka soo horjeestaan kitaabka Alle.

Laakiin, inagu soomaali ahaan, ma eegno ma kitaabkii Alle ayuu ka hor yimidey, balse innaga reer hebel baa inoo kitaaba. Subxaan!

Soomaalida iyo hoggaaminta

Soomaalidu waxay ka mid tahay dadka lagu xanto hoggaan xumada iyo maamul jilicsanaanta, haddaba, muxuu yahay hoggaamiyuhu, sida ay sooomaaildu u taqaan?

Hiddaheena sida laga dhex-heli karo, waxa jira sifooyin looga baahan yahay qofka hoggaamiyaha noqonaya inuu yeesho.

Waxa kamid aha: da’da qofka oo ay tix-gelin jireen marka la caleemo-saarayo. Waxay dooni jireen qofka hoggaamiyaha u noqonayaa in uu waayo-arrag yahay ugu yaraan, u da’-dhexaad ah ku jiro, dhallinyaradda ma ay dooran jirin, taana waxa ina baraysaa maahmaahda ah: “Nin yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa’’. Markii uu qofku madax noqodo, dhaqankiisa iyo maamulkiisa ayey u fiirsan jireen. Waxa ay haddii ay ku arkaan eexdd, go’aan –jilicsanaanta iyo bakhaylnimada ku nici jireen.

Waa tay ku maahmaaheen: “Saddex baa boqornimo kaa qaadda; gar leexsan, guddoon jilicsan iyo gacan laaban.”

Waxay hoggaamiye wacan u yiqiinneen midka dulqaadka badan ee dadka u taliyaa aan ciqaabta kula deg-degin, taladoodanna dhegeha u fura.

Gabaygan uu tiriyey Xaaji Aaden Af-qalooc, wuxuu had iyo jeer gabayo ku tilmaami jiray ama ku cambaareyn jirey hoggaanka xukuumadda iyo hannaanka hoggaannimo wuxuuna yidhi:

Afkaa laga maqlaa maaddadiyo, ereyga qaanuune,

Faqii guriga lagu soo ebeyay, ka akhriyeen koore,

Aqoon laawe laaluush cuniyo, aafo daba gab ah,

Iyo oday ergo ah baa sharciga, dila abidkoode,

Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan, uurxumiyo ciile

Aanaduna cadliga laga tagay, aabaheed tahaye,

Aargoosigiisiyo dulmigu, waa isu adeere,

Marka xaqa la awdaa tolmino loo abtiriyaaye.

Qofkastaa hoggamiye ayuu naftiisa u yahay, laakiin waa kuma hoggaamiyaha dhabta ah? Sidee ayuu ku yimaada hoggaamiyuhu(how leaders emerge)?  Hannaanka hoggaaminimada ( styles of leadership)

Madaxweynuhu waa hoggaamiye, Guddoomiyaha ururku waa hoggaamiye, Iimaamka masjiddku waa hoggaamiye,  Guddomiyaha jaamacaddu waa hoggaamiye.  Haddaba in qofku hoggaamiye noqdo waxa jira qoddobbo u-saamaxaya inuu hankaas yeesho waxaana kamid ah :

  • Habka masuullnimada(Style of responsibility): dadka qaarkood ayaad markiiba ka hallacsan kartaa wejigooda iney yihiin qof masuul ah iyo inkale, masuulnimadu waa shayga koowaad ee u ogaalanysaa in qofkaasi noqdo hoggaamiye, masuulnimadu waa udub-dhexaad ka qofka bini’aadamka ahi, haddii lagaa waayo masuulnimo ( responsibility ) suurogal maaha in xataa koob biyo ah loo dirsado.
  • Tiirar ka aasaasiga ah (The basic foundation): qofkastaa waxa laga qiimeeyaa bii’adda(surroundings) uu ku soo barbaaray noocadda ay tahay, haddii aad ku soo barbaartay deegaan dagaalo ka socdaan iyo dad wada fusuq miidhan ah adna iyagoo kalo ayaad astaan tooda yeelanaysaa, sidoo kale, waxa jira qoyska (family) aad la nooshahay kaalin laxaad leh ayey ka qaatan in aad noqoto hoggaan heer-sare ah, haddii aabahaa uu markasta u heelan yahay siduu adiga ku soo saari laaha, halkaas waxa ka cad in mustaqbalkaagu marna mugdi geli karayn.
  • Dhalinyarnimaddaadi (historical events) iyo dadkaad la dhaqan tahay markasta waa meesha ugu muhiimsan ee laga saaddaalin karo ruuxaas aayihiisa dambe. in dad maskax-maal ah iyo kuwo caqliga u saaxibka ah ee aad raacdid waxay saxeysaa tiirarka cidhib dambeed ka noloshaada.
  • Koritaan ka gudaha (Inner growth): Dugsiga ka, dhalinyarnimaadi waxaad ka shaqeyn jirtay, IWM, dhammaan waxaas oo dhan baa loo yaqaan (Inner growth) masalan, aqoontaad xambaarsan tahay markasta waxa waajib ah iney hab dhaqankaagi si habsami leh u badesho, caqligaaga iyo aragtidaadana ay fogayso madaama la tilmaamo dadka waxbarashada aad ka ugu dadaala ay ugu dambayntii noqon karaan hoggaamiye, qofku haddii aanu aqoon fiican baran wey adag tahay inuu noqdo hoggaamiye loo boggo. Markasta dhallinyarnimaddu waa bu’da koobaad ee aayaha qofka haddii wakhtigii dhallinyaranimadi dayacdey, waxaa aad u adkaaneysaa in wakhtigaa ku dhaafey dib-kuu-soo mari doonno. Haddii qofku waxbarasho wacan helay, dhallinyarnimadiisiina khibrad soo helay, waa astaanta saddexaad ee macquul ka dhigi karta in aad hoggaamiye noqoto.
  • Khibrad qaan-gaadh ah (Mature experience): haddaad boqollaal shahaado siddato, laakiin se aanad khibrad laheyn, ogow shahadaasi waxba kuu tarimayso. Ruuxa loo rajeynayo inuu hoggaamiyo noqodo, waa mid leh khibrad iyo dad lasoo dhaqan kala duwan, waayo markastoo bulshada aad dhex-gashid lana dhaqantid waxaad ogaaneysaa wixii khaladaad ah  ee aad gashey (mistakes) tanna waxay kamid tahay qoddobada kuu saamaxeysaa inaad hoggaamiye noqotid.
  • Tababar (Training): ciidanba ciidanka uu ka tabobar wanaagsan yahay ka caalamisan kana guuleysi badan, in tababar kala duwan aad hesho si ay kuu saaciddo aqoontaada iyo waayo-arragnimadaada, waxa jira qof dhallinyaro ah oo haddana ka khibrad badan qof waayeel ah, taana waxa sababtey wuxuu soo marey tababar kala duwan. Qoddob kan u dambeeyaa waxa la oran karaa waa ka ugu muhiimsan ee ah inaad ku dadaashid.

 

Waxa qoray: Cabdixakiin Cabdilaahi Aadan

Addis-Ababa   Ethiopia

Email: abdi.177@hotmail.com

Face book account:    abdihakim abdilahi Aden

La soco qeybta labaad.