Soomaalidu ma Qaran baa mise waa qowmiyad? (WQ: Mukhtaar J. Muxumed “Libaax-salaax”)

 

Beryahan danbe waxa si qaab daran looga isticmaalaa Soomaalida dhexdeeda ereyada: qaran, qowmiyad ,Soomaaliya, Soomaaliyeed iyo Soomaali-weyn .Ugu horrayn inta aynaan ka falcelin su’aasha ah: Soomaalidu ma qaranbaa mise waa qowmiyad?aynnu qayaxno labada erey ee qaran iyo qoomiyad si aynnu u jaangoynno labada ka ay tahay,isla jeerkaana aynnu furfurno ilaha ay ka yimaadeen Soomaaliya,Soomaali-weyn iyo Soomaaliyeed.

Qaran : waa ummad tiro badan oo ka midaysan dhaqanka,luqadda iyo taariikhda isla markaana kuwada nool waddan qudha ama xuduud go’an.
Qowmiyad:waa ummad tiro badan oo wadaagta dhaqan,luqad iyo diin isla markaana leh isir isku mida.

Marka aynnu ka nimaadno qeexidda labada erey,Soomaalidu tan iyo bilowgoodii waxa ay ahaayeen qabiilooyin is feedh dega,oo aan lahayn wax mideeya ama ka dhaxeeya. Haddaba, gumaystihii reer Yurub markii uu Afrika qaybsaday,Soomaalidu waxa ay ka mid ahayd dadyowgii saamiga loo helay.Waxa iyada u dheerayd in aan la qabsan ,balse loo qaybsaday shan meelood. Ka dib dedaallo fara badan waxa suurowday ka kicintii gumaystaha qaybo ka mid ah dhulkii Soomaalida.Ugu horrayn,waxa nasiib u heshay in ay xor ahaato Soomaalidii waqooyi(Soomaalilaan) 26-kii Juun,1960.Halka afar cisho kadib 1-dii Julaay,1960 ay xorowday Soomaalidii Koonfureed(Soomaaliya),isla maalintaasna ay midoobeen labadii gobol ee hantay madaxbannaanidoodu.

Kadib aas’aaskii Jamhuuriyadda Soomaaliya,waxa ay Soomaalidii ku taameen in la helo saddexdii ka maqnaa.Dareenkii iyo jacaylkii ay ummaddu u qabtay in ay midowdo ayaa keenay in summaddooda ay ku sugaan astaan muujinaysa in ay shan yihiin.’Calanka buluugga ah ee Soomaaliya waxa uu leeyahay xiddig shan gees leh,oo ka turjumaysa deegaannada shanta ah ee Soomaalida.Ujeedadii ugu waynayd ee siyaasiyiinta Soomaalidu ka lahaydi waa in la mideeyo shanta qaybood ee Soomaalida xorriyadooda ka dib’ (Maxamed-Rashiid,2015).

Haddaba rejooyinkii Soomaalidu ka lahayd midawga Soomaali-weyn, waxa uu ceel dheer ku dhacay markii Dancan Sandys,Xoghayihii Barwaaqo Sooranka iyo Isticmaarka ee dawaddii Ingiriis kaga dhawaaqay Nayroobi 8-dii March,1963 in NFD ay ka mid noqon doonto Jamhuuriyadda Kenya, iyada oo hore 28-kii February,1954-kii Ingiriisku uu dhulka Soomaali Galbeed ku wareejiyay Itoobiya, isla markaasna tii kaliya ee hadhsanayd oo Jabuuti ahayd heshay madaxbannaanideedii 27-kii Juun,1977kii.

Kaddib hungowgii midaynta Soomaalida,xilligan aynnu joogno,’Waxa Shanta Soomaaliyeed loo yaqaan shanta Gobol ee Soomaalidu ay u qeybsan tahay. Waa Jamhuriyadda DJibouti oo ah dal xor ah, Soomaalida koofureed oo gumeysi Talyaani iyo mid Ingiriis ka dib ay Qaramada Midoobay gaarsiiysay xornimadooda xarunna ay u tahay Muqdisho, Soomaalida Woqooyi ee Ingiriisku gumeysan jiray oo ay xarunta u tahay Hargeysa, Soomaalida Galbeed oo ka tirsan Ethiopia oo ay xaruntoodu tahay Jigjiga iyo Soomaalida Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya’ (Yuusuf-Garaad,2015).

Sida laga wada war qabo,labadii gobol ee midoobay 1960-kii(Soomaalilaan iyo Soomaaiya) waxa ay dib u kala noqdeen 18-kii May,1991,kadib saddon sano oo ay isku jireen.Soomaalidii shanta ahayd ayaa dib u noolaatay.Inkasta oo aan la aqoonsan dib u noqoshada Soomaalilaan,oo ah tii ugu hor heshay madaxbannaanida,haddana waa dal iskii isu taagay oo barbar yaal walaalihiisii kale ee uu ku hungoobay isu- keeniddooda.Waxaase hadda riyo ah, meeshana uga baxday sir iyo caad ba soo hadal qaadidda iyo ka fekerka shantii Soomaaliyeed oo wadaagta hal dawlad.Macnaheedu se ma aha waxa baaba’ay shantii Soomaaliyeed!

Soomaali badan oo nool qarnigan 21aad ayaan u kala garan waayay in ay u-kas ka tahay iyo in aanay aqoon u lahayn kala saaridda Soomaaliya iyo Soomaali –weyn, Soomaalilaan iyo Soomaaliya.Badi dhallinyaradii barbaaratay burburkii dawladdii milatariga ahayd iyo kala go’ii Jamhuuriyaddii Soomaaliya kaddib, Iyaga iyo siyaasiyiin tiro lehiba waxa ay u yaqaaniin Soomaali-weyn labadii gobol ee 1960-kii midoobay. Tusaale ahaan:Siyaasi rejo ka qaba in gobolladii 1960-kii modoobay isku soo noqdaan,oo aanay niyaddiisa marnaba ku jirin in la helo saddexdii kale ayaa odhanaya:”Waxaan aaminsahay aragtida Soomaali-weyn”ama mid hore u aaminsanaa oo ka tanaasulay, una cuntami wayday, ayaa ku tiraabaya:”Waxaan ka noqday fikirkaygii Soomaali-weyn”.Waa yaabe, goorma ayay Muqdisho iyo Hargeysi Soomaali-weyn noqdeen! mise Jabuuti,Jigjiga iyo Gaarisi ayaa markii la wayaayay la baddelay isticmaalkii iyo ujeedkii Soomaali-weyn? Haddii jawaabtu tahay:saddexdii la waayay lixdankii ,markii laga quustay ayaa la gu biimay Hargeysa iyo Muqdisho waa Soomaali-weyn,waxa ay ila tahay waa samir taagwaa; waayo hadda ba iyaga oo is feedh deggan ayay Soomaali-weyn yihiin.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed AHN, madaxweynihii dawlad-goboleedka Buntilaan ee Soomaaliya(1998-?) iyo Soomaaliya lafteeda(2004-2008) ayaa buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo kaga warramay duruufihii taagnaa xilligii xorriyaddu soo dhawaatay,isaga oo qoraalkiisa laga dhex helayo kala duwanaanshaha ereyada:Soomaali–weyn, Soomaaliya iyo Soomaalilaan.Waxa uu yidhi: “Markii ay soo dhawaatay xornimadii Soomaaliya,waxa dalka soo foodsaaray laba arrimood oo dhiirigaliyay baadi goobkii loogu jiray Soomaali-weyn.Tan hore,waxay ahayd Ingiriiska oo muujiyay dareen ah inuu’British Somaliland’ xorriyad siinayo isla sannadka ay Soomaaliya xoriyadda qaadanayso,si labada dal u midoobaan”(Cabdullaahi,2012).Haddaba,Soomaaliyada Cabdullaahi Yuusuf sheegayaa miyaanay ahayn tii uu Talyaanigu guumaysan jiray?Soomaali-weynta uu xusayna miyaanay ahayn shanta Soomaaliyeed ee Geeska Afrika deggan?Labada dal ee midoobayayna miyaanay Soomaalilaan iyo Soomaaliya ahayn? Haa, waa tabtaas!

Geesta kale, Inkasta oo laygaga fiicanyahay cimi-afeedka,haddana marka aan aqoontayda ku eego , waxa ii soo baxday in la isku bayd iyo cayn gooyay isticmaalka Soomaaliya iyo Soomaaliyeed. Ereyga Soomaali-yeed,waxa uu ka tarjumayaa isir.Tusaale ahaan: abwaan Soomaaliyeed, aqoonyahan Soomaaliyeed,jaaliyad Soomaaliyeed, madaxweyne Soomaaliyeed , dal Soomaaliyeed iwm. Iyada oo ereyga Soomaaliyeed micnahaa uu ku fadhiyo ayaa haddana la bililiqaystay oo Soomaali gaar ihi adeegsatay. Waxa aad arkaysaa,Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed,Talefiishanka Qaranka Soomaaliyeed,Ciidanka Dalka Soomaaliyeed oo loo la jeedo madaxweynaha Qaranka Soomaaliya,Telefiishanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya.Goorma ayaa la ga yeeshay Soomaalinimadii intii kale?Goorma ayuu madaxweynaha Soomaaliyi wada metalay Soomaalidii kale oo dhan? Mise wali waxa la joogaa waagii la doonayay midnimadii Soomaalida geeska? Yaab!.

Qoraaga Cabadalle Xaaji Cismaan oo ah qoraa Soomaaliyeed una dhashay dalka Jabuuti, ahna madaxa kaydka ee RTD ayaa isaga oo u jawaabaya qoraa kale , ku yidhi qoraalkiisa Hubsiimo halbaa la siistay:”Jabuuti waa dal Soomaaliyeed oo marti iyo mudanaba soo dhaweeya isla markaana maamuuskii,dhaqankii wanaagsanaa iyo xeerkii ku dhaggan”Haddaba ,gari Alle ayay taqaane, maadaama dalku yahay dal Soomaaliyeed miyaa laga xigaa in uu u isticmaalo ciidankiisa,madaxweynihiisa iyo dadkiisaba lahaanshaha Soomaaliyeed?Waa maya. Si lamid ahna Soomaalida kale ayaa u isticmaali karta.

Ereyga Soomaaliyeed waxa uu la mid yahay ereyga Carbeed.Ka warrama haddii la dhaho :Madaxweynaha Waddanka Carbeed ,Ciidanka Waddanka Carbeed oo loola jeedo Masar ama Liibiya.Miyaanay wax lala yaabo ahayn?

Ugu danbayntii,Soomaalidu waa qowmiyad ee ma aha qaran;waa isir afka Soomaaliga ku hadla; waa umadda deggan bariga Afrika ee isku diinta iyo dhaqanka ah;waa qaybahaas saddex ay dawlado madaxbannaan yihiin ,labana ay dawlado kale ka mid yihiin. Ugu yeedhidda Soomaalida qaran iyaga oo dawlado ahi waa liidnimo tii ugu waynayd aragtidayda.

Alle ayaa innaga war roon!

Tixraac:
Axmed,Cabdullaahi Yuusuf(2012).Halgan iyo Hagardaamo:Taariikh Nololeed.Scansom Publishers, Stockholm, Sweden

Cismaan , Cabdalle Xaaji (2012). Hubsiimo halbaa la siistay. Dib ayaan uga akhriyay Feeberwari 5-teedii, 2016, degelka Weedhsan:http://www.weedhsan.com

Sh. Xasan,Maxamed-Rashiid(2015). Somali History 1960-1991: Islam,The Clan and the State in Somali Context. SagalJet, Hargeysa, Somaliland

Waxa`qoray: Mukhtaar J. Muxumed “Libaax-salaax”

Email: Libaaxsalaax93@gmail.com