Soomaaliland ma iibsami karta iyada oo aan albaabada la xidhan (WQ: Xasan Xuseen Cabdi)

Soomaaliland waxa ay iibin karilaadahay guulaheeda dawladnimo oo ah qaar tijaabo fiican u noqon kara Afrikabadankeeda. Nabada, furfurnaanta, qunyar socodnimada, dumuqraadiyada iyo indadku isku tashado ayay tusaale fiican u tahay. Wax kasta oo ay samaysa waa midiyada u gaar ah oo aan cidina filayn in dal yar oo dabada lahayo uu samaynkaro. Soomaaliya waxa ay adduunka ka iibisa guul darooyinkeeda siddi loomaarayn laha oo ay si xirfadaysan uga dhaadhicisa, waxa ay abuuraan xidhiidhomacquula iyaga oo ka fa´iidaysanaya haykalki dawladnimadii Soomaaliyeed ee ayku shaqaystaan qolooyinka xamar ku gabada. Doorashooyinka dib u dhacaSoomaaliland waxa keena badana duruufo la fahmi karo waxaana lagu kaba awoodyaraanta in ay doorasho la qabto si joogto ah iyo dhaliilo kale oo wax lagaqaban kari laha. Reer galbeedku Soomaaliland waxa ay ka dhigteen jiir yar ooshaybaadhka jooga oo fikradaha cusub lagu tijaabiyo sida Dimuqraadiyada,furfurnaanta, qunyar socodnimada, cadaw jacaylka iyo waxyaalo kale oo badanlaakiin in dalkani guulaysta kuma xidhna in la is ka dhiso adduunka oo aan aadku arkaynba. Waxa loo baahan yahay in xeelada ciyaarta la badalo iyo ciyaartooygabaoo meelo cusub la sahamiyo. Tusaale ahaan dawlada Itoobiya oo aynu ka dhiganaysaaxiibka koowaad aadna u caashaqnay waxa ka batay caashaqi koonfurtaSoomaaliya oo marki hore inagu caayi jiray. Itoobiya waxa ay gorgortanka kugashay xidhiidhki fiicna ee Soomaaliland dhistay si ay Soomaalida gacanta ugudhugto, tani yaab badan male oo siyaasada asalkeeda ayaaba siddaas ah,Soomaalilandna waa in ay gododka badsata oo haddi meeli is yara xariifiso ay kayara guurno si fahmo cusubi u abuurmo. Tani waxa ay u baahan tahay farshaxancusub iyo dadaal dheeraada. Dawlada waxa seegan waxyaalo yar yar oo wax badanqaban laha sidda Ahmed Shide Wasiirka Maaliyada Itoobiya iyo gudoomiyahaXisbiga Soomaalida Itoobiya oo reerkooda qaar Soomaaliland dego oo wasiir-ku-xigeenku lahaan jiray in xilkoodi ama mid ka sareeya la siiyo si loo dhex maro,reerkaasi maanta furaha Itoobiya iyaga gacanta ku haya.

Siyaasada Soomaaliland ee caashaqa ku dhisan shaqayn mayso oo waxa tusaale inoogu filan caashaqi Itoobiya iyo Ingiriiska dhex maray mudada dheer oo wakhti badan ka lumiyay ee danaha dalka ha lagu gorgortamo oo cid kasta oo ay iskaashan karaan xidhiidh fiican halala sameeyo. Caqabadahu Soomaaliland waxba ma yeelaan ee halala jaanqaado isbadalada iyo dabaylaha ka socda geeska Afrika oo kaartooyin cusub ha la isticmaalo tijaabo ahaan, mar kastana dib u qiimayn ha lagu sameeyo oo kuwa shaqeeya ha la qaato kuwa kalena hala badalo ama hala iska guuro. Siyaasadaha adduunku jacayl ma aha ee waa wax is waydaarsi, mar mar arrimaha diimahu waa ay shaqayn karaan sida taageeradi ay South Sudan ka heshay adduunyada Kiristaanka ah si ay uga madaxbanaanaato Sudan laakiin Soomaaliland cidi diin ku taageeri mayso ee arrimo dhaqaale iyo xeebteeda siyaasad ahaan ha uga fa´iidaysato. Dhanka kale raadco ha loo galo saaxiib wayn oo wax jiidi kara sidda Ruushka, China, Iran iyo Israa`il oo biiga hala dhaafo.

Hassan Hussein Abdi (Haydar)

La-taliye iyo Cilmi baadhe