Sooyaalkii uu soo maray xidhiidhka Maraykanka Iyo Somaliland. W/T: C/raxmaan Hayaan

Michelle Gavin: Waa fikir ballaadhan sow maaha?

Jandayi Frazer: haa waa fikir aad u ballaadhan. Sidaa darteed arrintaasi ayaa wakhtigaa socotay, waxaanan u malaynayaa in Qaddaafi uu fursad u helay inuu u adeegsado awoodihii uu adeegsan jiray sida dhaqaale, si uu fikir ahaan u saameeyo dalalka Afrika qaarkood. Taa awgeed arrintaa aqoonsiga Somaliland, marna cod lama galin, lamana soo hadal qaadin, sidaa daraadded cid diidday ma jirto lamana garanayo, waxa ay noqotay uun arrin la iska illaabay.

Aniga ahaan, waxaan u malaynayaa in Qadaafi saamayn xooggan ku yeeshay. Waxa kale oo aan u malaynayaa in dhaqdhaqaaqa ka soday gobolku noqday mid isna saamayntiisa leh, gaar ahaan Maraykanka oo si weyn gobolka ugu jirtayย  millatari ahaan. Waxaan u malaynayaa in arrintaasi in baqdin galisay dalal badan oo taageersanaa qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Tusale ahaan Thabo Mbeki, madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, markii hore waa uu nala safnaa balse markii danbe waa uu naga baxay. labadaa arrimood oo is barkan ee ah is badallada gobolka ka jiray iyo saamaynta uu Qadaafi ku lahaa dalalkii goโ€™aanka qaadan lahaa, ayaa si weyn u saameeyay.

Mar kasta oo aan wakhitaa xasuusto waa aan la yaabaa, waa aanu awoodi karaynnay in aanu marno waddo aan taa ahayn oo uu Maraykanku hoggaanka u hayo arrinta aqoonsiga somaliland. Waxa aanu ku taageernay uun sidii ay AU-du yidhaahdeen annaga oo aad ugu rajo weynayn in ay u socdaan in ay aqoonsadaan somaliland.

Michelle Gavin: Runtii waa arrant aad u adag, waanan garan karaa sababta, aad arrinka sidaa ugu faah faahinayso balse marka aad eegto horumarka ay somalialnd ku tallaabsatay ilaa wakhtigaa, marka loo eego Somalia, waxa jira waxyaabo badan oo lagu majeeran karo, waana arrin la yaabkeeda leh, bal ka warran arrimahaasi miyaanay hadda keeni Karin in fikirkii hore wax laga badalo?

Jandayi Frazer: waa xaqiiq arrintaasi. Dhawaan waxa dalka maraykanka yimid madaxweynah Somaliland si uu ula kulmo maamulka Maraykanka, aniguna sidoo kale waa aan tagay Somaliland. Waxaanu ishaaro ah in aanu taageersannahay, laakiin waxaan filayaa in aanu intaa wax ka badan qaban karaynnay, waxa sauurtagal ahayd in aanu waddoo taa ka duwan raaci karaynnay oo guul aanu ka gaadhi lahayn.

Laakiin sida aad sheegtay waxa jiri kara cawaaqi aan ku talogal ahayn. Sidoo kale waxaan aad ula yaabaa in xoogga dabada ka riixaya madaxbannaanida somaliland waa rabitaanka shacabka. Aniga arrinta muhiimadda ii lihina waa taa. Waxa dhab ahaan samaysteen hannaan ay isku maamulaan iyo in ay nabad iyo xasillooni samaystaan.

In lagu guul darraysto in aan la aqoonasn somaliland iyo nidaamka dawliga ah ee ay samaysteen oo aan xataa meel ka mid ah fagaarayaasha caalamka laga aqoonsan, haddana wali la daba socdo dawlad aan awood u lahayn in ay xambaarto masuuliyadda dalkeeda iyo ammaankiisa ee Somalia oo waliba aynu aqoonsannahay waa arrin iska hor imanaysa.

Michelle Gavin: marka xaqiiqda laga hadlo miyaanay u muuqanayn in sababta aad somaliand wakhtigaa u aqoonsan weydeen in ay ahayd iyada oo aydaan arkayn wax dano toos ah oo idiinku jira aqoonsigeeda,ama ha ahaadaan dano istraatijiyadeed ama dano xagga amniga iyo millatariga ah?

Jandayi Frazer: Haa waa runtaa waad saxsantahay, sida aan xasuusto ma ay jirin wakhtigaa sababo aan arkaynno oo nagu qasbayay aqoonsiga somaliland, laakiin waxa aan hubaa haddii ay jiri lahaayeen dano istaraatijiyadeed oo markaa noo muuqday waa aanu ku tallaabsan lahayn in aanu somaliland wax badan la qabanno sida in aan kala shaqaynno sidii midowga Afrika dabada uga riixi lahaa aqoonsigeeda.

Michelle Gavin: markaa waxa aan u fahma in arrinta aqoonsiga somaliland aad sidaa kaga hadheen, oo aydaan mar danbe dib u soo qaadin, mar haddii aad argteen in golaha midowga Afrika lagu soo qaadi waayay?

Jandayi Frazer: haa xaqiiqatan, sababtuna waxa ay ahayd waxa aanu qayb ka ahayn dhibaatooyin waaeyn oo ka jiray gobolka iyo adduunyada kaleba. Balse waxa aanu sii wadnay in aanu somaliland la macaamilno, annaga oo taageero ka gaysanaynna nidaamka doorashooyinka iyo tababarrada isla markaan xidhiidh toos la lahayn hoggaanka sare. Inkasta oo aannan aqoonsan, haddana marka aad eegtoย  habka aanu ula macaamilaynnay waa aanu ixtiraamaynnay. Mar kastana erayga aan ka lahayn ama fikirkayguba waxa uu ahaa in aanu ka dhursugaynno waxa ay ka yeelaan ururka midowga Afrika. Kadib waxa jirtay in ninkii aniga xilka iiga danbeeyay ee Jonnie Carson sheegay in aanay somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan oo ahayd siyaasaddee mamaulkii Obama, sidaas ayay mar kale isku badashay siyaasadii gobolku.

C/raxmaan Hayaa

Cbdrxmngeni@gmail.com