Subaaci: Noloshu Maxay ii Bartay! W/Q: (sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Dr. Mustafe Subaaci (1915-1964) wuxu ahaa aqoonyahan diineed oo baac dheer ku leh faafinta diinta Islaamka, la-dagaalanka aragtiyihii soo galootiga ahaa sida Shuuciyadda, Calmaaniyadda iyo Laybaraaliyadda reer Galbeed. Wuxu aaha mufakir mar-la-arag ah oo doodihiisa farshaxannimo aad loo jeclaa, sidoo kale maangodliye qallinkiisu heersarreeyo oo qoraalladiisu cufnayeen.

Sheekh Mustafe Subaaci dhanka kale waa kacaanyahan aad loogu ammaano doorkiisii jihaadka Falastiin iyo garab istaaggii wakhtigii Yuhuudda lagu deegaameeyey dhulka barakaysan.

Subaaci oo reer Suuriya ah waxa kale oo sooyaalka shariifkaa u galay in uu ahaa ninkii aasaasay Ikhwaanka dalkiisa oo gacantiisa ay ku soo galeen ragga uu ugu mudan yahay caalimka Islaamka Maxamed Siciiid Ramadaan Buudi labadoodaba Ilaahay ha janneeyee.

Mustafe Subaaci waxyaallaha aan ka duugoobayni waa kutubtiisa aadka u culus ee qaabka cusub uu dhigay kaas oo qof kasta soo jiidanayey. Tusaale ahaan kitaabkiisa weyn (السيرة النبوية دروس وعبر)-wuxu u soo bandhigaya qaab ka duwan sidii culimada Islaamku uga hadli jireen siirada Rasuulka NNKH, dhacdooyinka taariikheed wuxu ku eegayaa hab lagala soo baxayo gondadeg taariikheed iyo dul istaag aqooneed.

Waa wareer in kutubtiisa laga warramaa Subaaci, dhiganihiisa (هكذا علمتني الحياة)-jirrabiddiisa nololeed ayuu inala wadaagayaa isaga oo cashar nololeed inoo dhigaya.

Qoraalladiisa kuwa aan ugu jecelahay waxa ka mid ah (أحكام الصيام وفلسفته)-wuxu u qaadadhigaya hab-falsafi ah oo aan axkaam uun ahayn se iswaydiimo waaweyn ay ku jiraan, hadalladiisa maanka carinaya waxa ka mid ah: “Haddii aynu si dhab ah u fahanno ujeedka soon ee agteenna ku dulman waxa aynu arki lahayn soon u dhexeeya Ilaahay iyo addoonkiisa. Sabool iyo hantiile u wada soomaya dar Alle, una soomaya macno ka durugsan in calooshu madhnaato.”

Ugu dambayn kitaabkiisa weyn uguna caansan buugtiisa ee (السنة ومكانتها في التشريع) ayaa mudan in sidiisa mar la isku dultaago. MUstafe Subaaci wuxu ka tagay dhaxalweyn oo aan duugoobayn jannooyinkiisa Rabbiga weyni haku casuumo.

Dr. Mustafe Subaaci

Xigasho:sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Bandhige@gmail.com