Suudh hagardaamo (WQ: Cumar Daahir Cali)

Foofkii ayay heshiiskii dekeduhu innaka jiidheen ee miyaad xusuusataa sheekadii qurbojoogta? Aan dib mar kale ugu noqonnee, adiga oo aad uga war haya in aanay ahayn arrin ugub ah, balse ay soo mareen ummado badan oo dunidan ku noolaa. Sadbursiga, dulmiga, caddaalad-darrada, iyo colaadaha midhahooda ayay ka mid tahay in ay dad badan qaxaan ama u guuraan waddamo kale oo aanay dhalasho ahaan ka soo jeedin. Waxa dhibaatooyinkaas curiya burburka isku xidhnaanshiyaha bulsho, xeerarkii, iyo wax walba oo dadku ay xeerin jireen (dhaqan iyo diin) oo duma. Waxa uu qofku maalintaas ka bakhoolaa aqal u ahaa adduun dhamaystiran kaas oo u leh sooyaal iyo xusuuso ku mudan, oo aan qofna ku hammiyin in uu ka guuro.

Hase yeeshee, waxa ay ku dhammaataa nolol guri qalaad iyo reero muskood, kaas oo dadyowgooda la ga filan karo nolol loo riyaaqo ama takoor la qabatiyo midkood. Soo dhoweynta la ga la kulmaa, in kastaba ha le’ekaatee, waxa in badani ku taamaan sidii ay mar uun u guryo-noqon lahaayeen.

Dadka badan ee ay soo foodsaartay aafadani, waxaa ka mid ahaa, Yuhuudda Israaiil ku nool. Dagaalladdii kala duwanaa ee ka ga imanayay, deriskoodu waxa uu sababtay qax aad u fara badan. Qabsashadii 598 C. H ee Baabiloon ay Israaiil ku qabsatay dadka badankoodii oo ilaa 50, 000 la gu qiyaasay ayaa dalka la ga saaray. Quddus ayana burburkii ugu badnaa ba ku dhacay! Ku soo noqoshadoodii qarnigii 19aad waxa ka dhalatay, dhismihii Israaiil iyaga oo soo degey dhulkii ay degaan ahaan sheeganayeen iyo kuwii Falastiin ba. Dhismaha riyadaas ayaa qaadatay ilaa 51 sannadood, oo dedaal iyo hawl adag ah. 1908dii ayay dhisantay Talabiib iyada oo Carabtii gobolku dagaal ka ga soo horjeedaan. Hiil adag oo galbeedka ka ga imanayay dibna loo gu celinayay dhulkaas ayaa cudud ku kaabay Yuhuuda. Tacab iyo dagaal adag waxa bilaabantay soo noqoshadoodii Qurbejoogta Yhuddua, waxa ay ka ga qaybqaateen dhismaha Israaiil, oo in badan horumar ka gaadhsiiyeen. Taas ayaa la aamminsanyahay in ay u sahashay isku xidhnaantoodii iyo ilaalintii dhaqankoodii Yuhuudeed oo ay aad u ilaalin jireen. In ay isla jaanqaadaan ma noqon mid fudud, caqabadaha ugu badani na waxa ay ka yimaadeen kala duwanaanshaha fikir, xirfadeed, iyo aragti ay kala yimaadeen dalalkii ay deggenaayeen. In badan oo soo noqotay ayaa ka madhnayd muhiimadda Yuhuudnimo iyo Israaiil ba, taas oo qaadatay jiilal badan oo is ka danbeeyay. Dedaalka Qurbejoogtoodu, ilaa maanta waa u dhaxal ay ku hindiseen Israaiil horusocodkeeda la eebto.

Qurbejoogta Afrikada aynu ku noolnahay kama hinna. Dalka Laybeeriya waa mid soo maray colaad, burbur, iyo kala damabay la’aan soo food saaray sannadihii u dhexeeyey 1980aadkii ilaa 2003dii. Colaadahani wax ay si dheer ugu qotomaan sooyaalka waddankan galbeedka Afrika uu lahaan jiray. Laybeeriya, waxa ay ka kooban tahay 16 kooxood oo aad u waaweyn oo mid kastaaba ay leedahay caado, diin, af, iyo af-guriyeed u gaara. Marka loo kuurgalayo sida uu waddankani ku abuurmay, waa lama huraan in aynu soo qaadanno biddeyaashii Afrika la ga qaaday ee dalkan dib loo gu soo celiyay. 1822kii ilaa 1861dii ayaa dalkani nasiib u yeeshay ku sooridda dadkii, Maraykanka la ga soo daadgureeyey, oo markii hore Afrika addoonsigu silisilad cunsiriyeed kaga jiiday. 1847dii ayaa ay ku dhawaaqeen Jamhuuriyadda Libeeriya loo na yaqaannay Maraykan-Laybeeri. Darka la ga lahaa ayaa ay ugu weyneyd u yagleelidda deegaan ay addoomahani ku noolaan karaan. Dhibaatadu ugu weyni, hadda waxa ay noqotay in ay mar labaad dad qalaad ku noqdaan Afrikadoodii addoonsigu seejiyay.

Markii ay heleen dhul ay maareeyaan, waxa ay ka hirgeliyeen hannaan dawladeed iyo beerasho ee ay ku yaqanaaneen Koonfurta Maraykanka. Kala duwanaanshaha keliya, waa in ay markan dambe noqdeen mudanayaal (Master) halka dadkii loo yimi na ay noqdeen addoommo. Waxa ay jaranjarada ka koreen addoommo oo ay haatan ku gaadheen mudaneyaal, waana tan dhalisay in iyagii isu arkaan dad ilbaxnimo iyo aqoon leh, halka kooxdii kale na loo arkay kuwo ka hooseeya. Dastuurkii waddanka oo la isku khilaafay iyo loollan ka dhexdhashay ayaa sababay dagaalladii soo jiitamay ee la gu waabariistay dharaartii Kirismaska (sannadka Cusub) ee 1989, markii uu soohdinka u dhexeeya ka soo galay Jaarles Taylor (Charles Taylor) iyo ururkiisii NPFL. Tiro gaadhaysa 60,000—250,000 ayaa ku dhintay muddadii u dhexeysay 1990kii-1997dii.

Iyada oo sababaha uu dadku dalkooda uga guuraan ay aad u badanyihiin, ayaa ay Qurbejoogtu haddana laf-dhabar u yihiin nolosha Soomaali badan, iyo ganacsi badan oo dalkani leeyahay. Sooyaalkii dalalka kale iyo kan Soomaalidu aad buu u kala duwan yahay, soo guryo-noqoshadoodu na ma aha mid isku mida. Tan Soomaalidu waa in qof solane ah uu u soo noqonayo dantiisa gaarka ah, oo wadartii dalalka kale la gu soo daadgurayay la mid maaha. Hirgelinta ganacsi dhaqaale abuuri kara, oo aan dalkani lahayn, aqoon, xirfad, iyo waaya’aragnimo ayaa ayay la soo noqdaaan. Deeqaha marka halaaggu dhaco, ka qaybqaadashada horumarka, iyo caawimaadaha kale ba waa kuwa wax weyn ku tara bulshada gudaha ku dhaqan oo marka loo baahanyahay la ga helo. Qoysaska oo aan tiro yarayn ayaa noloshoodu aad ugu tiirsan tahay. Waxqabadkooda bulsho waa mid aan qarsoomi karin waa na lama huraan in la ogaado in wax seegay jiraanWadhidu waxa ay ka bilowbataa, aqoon la ga soo walwaalay waddan galbeed oo ka soo koray dhibaatooyinka aan la daalaadhacayno, la guna saleeyo keenna ayaa ma dhalaysnimada siyaasadahoodu ka kowsadaan. Haayadaha dawladeed oo dhisme ahaan burbursan, agab shaqo la’aanta, habfikirka dadka Soomaaliyeed, aqoontooda, saboolnimada oo aad u sarraysa iyo adeegsiga cilmigan dambe oo kala caaggan ayaa ku kulma maan rageed oo markii hore ba mudacyo afkood isku ahaa. Waxa ku qaadha wada shaqayntii keeni lahayd horumar iyo iskaashi yool leh. Waxqabadkii loo abdo weynaa iyo hammigii ba waxa ay ku dhacaan dalluun aad u dheer. Aragtiyo qallalan iyo riyo aan sal lahayn ayaa nololshii dhabta ahayd la kulma. Markan ayaa ay dharaar ka caddaataa, inaan jaamacadihii Oxford iyo Harvard aanay saamayn ku lahayn dalkii Soomaaliyeed ee Afrika bariga ka ga yaallay. Maammul-wanaaggii (governance), xidhiidhkii caalamiga (International Relations), Maammulka Danta Guud (Public Administration) ee afafka qalaad ku qurux badnaa ayaa bar-kuma-taal ka noqda. Buugtii, baadhitaannadii, iyo qoraalladii kale ba waxa ay ku hadhaan diiwaan la mida kan dayaxa ag yaal. Ciirsigu waxa uu badaa, tolla’ayda qurbojoog kale oo taliyeyaal ku yimaada waxna aan soo kordhin.

Si ay u ilaalshadaan xilalkooda, waa lagama maarmaan in ay ku milmaan siyaasadaha dalka ee loollanka iyo is diidka ah. U kala gooshidda waddammo shisheeye, kulammo aan dhammaad lahayn, tamashleynta iyo ka digarogashada hudheellada raaxada ee Nayroobi ayaa beddela, noloshii hore ee kawaanka hallaag ee digaagga la gu rifi jiray, belo-raacdaygii Taraag, iyo shaqo kasta oo muruqmaal ee uu hiifi jiray. Lunsiga hantida qaranku na waa mid aan cidna loo gu aabbeyeelin, mid soo noqday iyo mid qaran joog ahba ay ka simanyihiin. Xilkan idlaanshihiisu na waa gebagabada joogitaankii dalka ee uu madal kasta ka ga dhaaran jiray waxqabadkiisa.

Hadda ba, kuwani ma aha Qurbejoogta keeni karta isbeddel waara oo faca soo dhashaa ay badhaadhe loo riyaaqo ka helaan. Ma aha mid ku qotonta dhib iyo dheef wadaag ay la wadaagaan ummadda masuuliyadda loo gu dhiibay. Jaahwareer iyo hammi dhicisoobay ayaa ay ka qaadaan inta ku taamaysa horumar. Dheeftu waa mid iyaga ku kooban, dhibta na waxa ay ka ga hoydaan jinsiyaddooda labaad. Waxtarkooda iska ba daaye, waxa uu dhiirigeliyaa is biimaynta dhallinyarada Soomaaliyeed ee hammuun u qabta markooda in ay talada hantiyaan, kuwaas oo laga ga riixday Baasaboor qalaad iyo suudh hagardaamo. Waxa is weydiin mudan ma laga yaabaa in mar uun loollan siyaasadeed, bulsheed, dhaqan-dhaqaale ba uu soo dhexgalo labadaa bulsho?

WQ: Cumar Daahir Cali

Email: omardahir9@gmail.com