Suurta gal matahay in Somaliland laga yagleelo Arurka caafimaadka dadwaynaha? (WQ: Omer Jawaari)

Waxaan maanta qalinka uqaatay inaan bal wax ka qoro ama aan tuso aqoonyahan badan oo caafimaadka bartay kuna shaqeeya, hadaba arrintani aan rabo inaan ka hadlaa waa mid inbadan oo kamid ah aqoonyahanka caafimadka dalku ka sheegaystan sababta ilaa hada dib udhigtay in la aas,aaso Somaliland Public Health Association  oo noqon lahaa ururka ama  (Association) ka ugu qiimo badan marka loo eego guulaha inta badan ay soo hooyeen ururada (Association) nada wadamada aduunku sababtuna ay tahay cilmi baadhista ay inta badan wadaan oo ah mid ay awood badan kuleeyihiin, waxtarna uleh(effectiveness) dalalkaasi sababta oo ah waxay xaliyeen dhibaatooyin caafimaad darro(Health Problems) oo aad u fara badan.

Taas badalkeedana hadii laga aas, aasi lahaa Somaliland Public Health Association ka wuxunbuu qaban lahaa shaqooyin farabadan oo ubadan cilmibaadhisyo aad usaacidaya/caawinaya siyaasada caafimaadka dawaynaha (Public Health Policy) ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka (MOHD), sababaha ugu waawayn ee loo sameeyo ururo (Associations) ka shaqeeya caafimaadku waxa weeye inay soo kordhiyaan cilmi cusub, oo lagula tacaalayo dhibaato caafimaad darro oo dalka ka jirta iyo waliba inay soo jeediyaan (Recommendations) siyaabaha looga baxayo dhibtaas.

Somaliland hada waxa ka jira ururo ama (Associations) dhawr ah oo ay kamid yihiin Laboratory Association, Medical Association, Midwife and Nursing Association ka oo la isku daray iyaga iyo qaar kale, hadaba waxaa Iyana xusid mudan inaynaan wali arag mashaariic wawayn oo cilmi baadhsiyo ku salaysan oo ay wadaan ama soo bandhigaan ama daabacaanba (Research Publications) si ay ugu kabaan fikir cusub (Innovation) iyo cilmi cusub (New Knowledge) Wasaarada Horumarinta Caafimaadka (MOHD) Somaliland. Nasiib darro se may dhicin taasu, se hada waxa la filayaa in la aas,aaso Association ka mid noqon doona kuwaas aan xaga sare kusoo xusay, laakiin waxaan rajaynayaa ama aan hubaa inuu ka duwanaan doono marka aad eegto hawsha shaqo ee loo aas,aasayo, waayo Public Health Association ku waa mid dalku baahi badan uqabo yagleelkiisa iyo waxtarkiisaba se wuxunbaa dib udhigay team ku filan oo aanu helin inay gacanta ku dhigaan hirgalintiisa iyo taageero la,aan xaga Wasaarada Caafimadka ah.

Hadaba cida rabta inay xubin ka noqoto ururkani (Association) waxaan ka codsanaya inay tahay waqtigii lasamayn lahaa ee dhidibada loo taagi lahaa, Wasaarada Horumarinta Caafimaadkuna (MOHD) wixii horumar ah ee ay soo kordhiyaan aqoonyahan ka bartay caafimaadka dadwaynaha (Public Health) isla markaana ka gaadhay ilaa heerka labaad (Postgraduate Degree) ga, oo inta badan ah kuwa kudhexjira ama ku takhakhusay Cilmi Baadhista caafimaadka (Health Research) iyo siyaabaha loo dajiyo Siyaasadaha iyo qorshaha Caafimaadka (Health Planning and Policy), Hadaba waxan aad iyo aad  ugu dhiiri galinayaa aqoonyahanka aan kor kusoo xusay  in aynu dhamanteen uwada istaagno sidii dhidibada loogu taagi lahaa Ururkaasi Caafimaadka Guud (Public Health Association) ka oo dalkeenu aad ugu baahanyahay waqti xaadirkani aynu joogno iyo  ka mustaqbalkaba baahi wayn loo qabo

By Omer Jawaari (BSC, MSc MPH/RH, PDRHR) Email:omerqayi@gmail.com