Taariikh kooban: Waa Kuma Cumar Carte Qaalib? (WQ: Maxamed Boosh)

Cumar Carte Qaalib, waxa uu ku dhashay  magaalada Hargeysa sannadkii 1930, waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka  baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada   Cadan  ee dalka Yemen, markii dambe waxa  uu wax ku bartay jaamacada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Markii uu soo laabtay 1950-yadii  waxa  uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka  Laascaanood , Hargeysa  iyo Berbera , Ingiriiska  ayuu ku noqday sannadkii 1956   isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare ,  waxa  uu soo laabtay sannadkii 1958   oo loo magacaabay maamule ku xigeenka  dugsigii dhexe ee  Sheekh , markaa dib  waxa  uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabiley.

Waxa  uu ka  tirsanaa  xisbi la odhan jiray United Somali Congress, markii ay Somaliland Ingiriiska  madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960, waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey.

Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibeda 1969 , waxa  uu noqday Madaxweynaha golaha  ammaanka ee Qaramada Midoobay 1972 ,  sannadkii 1974 waxa  uu Soomaaliya  ku daray ururka jaamacada  Carabta .  Waxa  uu xilka wasiirka arrimaha hayey illaa 1977.

7 June 1982, Cumar Carte Qaalib iyo 16 siyaasi oo kale ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen  dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed, waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii oo ahaa Ismaaciil Cali Abokor. Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uu  xidhnaa, laakiin dilkiisa waxa  baajiyay cadaadis ka yimi beesha caalamka iyo ururada u dooda xuquuuqda aadamaha, waxaana loogu badelay xabsi.

Waxa lagu hayey xabsi guri uu ku  jiray laba sanno, bishii January 1991, ayaa Maxamed Siyaad Barre  u macaabay Ra’iisalwsaare si uu  u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha u soo galay magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre, waxa xukunka laga tuuray 26 January 1991.

Markii ay  dawladdu sii burburaysay, waxa  uu ugu baaqay ciidamadu in ay hubkoodu ku wareejiyeen  jabhadaha  dagaalka kula jiray, waxaana uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara oo colaadaha la isku afjaro.

Garabkii siyaasada ee jabhadii USC, ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana  uu isna  Ra’iisalwsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib, oo jagadaasi hayey illaa bishii May 1993.

1993, waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.

Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka  noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay  doorashadii dawladdaha  hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi.

Carte dadka  yaqaanaa , waxa ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti  badan oo qunyar socod  ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

 

Fiiro-gaar ah : Wixii aan ka tagay waa lagu dari karaa , wixii khaldana waa la sixi karaa .

 

Xigasho: Maxamed Boosh