Axmed-kayse Ducaale Cabdalle waxa uu ka mid ahaa Soomaalidii sida fiican wax u baratay. Waddamada Somaliland, Suudaan, Yemen iyo Ingiriiska ayuu wax ku kala bartay. Waxa uu ahaa halgamaa indheergarad ah.
Markii uu waxbarashada dhammaystay ee uu waddanka ku soo laabtay, waxa meelihii uu ka shaqeeyey ka mid ahaa gobolka Sool oo uu badhadaab ku xigeen ka noqday degmada Laascaanood oo markaas Togdheer ka mid ahayd (Waqooyi Bari).
Xilligaas Ingiriiska waxa inta badan degmooyinka madax ka ahaa nin ferenji ah iyo nin Soomaali ah oo ka hooseeya.
Waxa uu ka mid noqday Axmed-keyse hormoodkii xisbigii SNL. In gumeysiga la kiciyi, Soomaalidana la isu keeno siyaasiyiintii xilligaas aaminsanayd ayuu ka mid ahaa.
Doorashadii barlamaanka ee u horteysey ee Feb 1960 Somaliland ka dhacday 33-kii mudane ee ka soo baxay ayuu Axmed-keyse ka mid ahaa. Magaalada Burco ayuu barlamaanka ka soo galay.
Waxa uu xubin ka ahaa weftigii London loo diray ee qaadashada gobannimada soo saxeexay 05.05.1960.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Axmed-kayse Ducaale Cabdalle waxa ay metelayeen SNL, Garaad Cali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibraahim Nuur na waxa ay metelayeen USP, AHN, idilkood maanta aakhiro ayay ku wada maqan yihiin oo Axmed-keyse ayaa u dambeeyey.
Axmed-keyse waxa uu xubin ka ahaa afartii wasiir ee ugu horreeyey ee Somaliland, waxanu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha markii uu is raacu dhacay ee Hargeysa iyo Muqdisho ku midoobeen jamhuuriyadii Soomaalida, 1st July 1960.
Axmed-keyse waxa uu iska casiley xilkaas wasiirnimada ka dib markii ay xukuumaddii Aadan Cabdalle Cismaan is la garan waayeen qorshihii siyaasadda beeraha ee jamhuuriyaddii curdinka ahayd.
Danjire ayuu Axmed-keyse ka noqday Garmalkii Galbeed iyo Ingiriiska. Muddo waxa uu ka mid ahaa jaaliyaddii Sucuudiga, waayadii dambena waxa uu ku noolaa USA oo uu maanta xaqii ku haleelay. AHN. Aamiin.
Dadka yaqaan Axmed-kayse waxa ay tilmaamaan in uu ahaa siyaasi aqoon leh, hab maamulka yaqaan, kana mid ahaa dadka mabaadi la noolka ah ee aan xaalad iyo duruuf la noolka ahayn.
Waxa lagu xusuustaa in uu yidhi markii la weydiiyey sababta uu isu casiley markii uu ahaa wasiirka beeraha horraantii 1960-aadkii, “maxaynu gumeysiga u saarnay haddii ay masnooyinkii beeruhu gacantiisa ku sii jirayaan?”
Siyaasiga dhabta ah iyo hoggaamiyaha bulsheed ee miiggani kama fekeraan lacag iyo guryo ay dhistaan, wax se ay ka fekeraan wax hadho iyo intifaac yeesha oo ay wadartu uga aydo.
Axmed-keyse waxa uu ka mid yahay, AHN, siyaasiyiinta fara-ku-tiriska ah ee ka tegey wax looga aayo. 1967 markii uu danjiraha ka ahaa Germany waxa uu suura geliyey dhismihii dugsiga farsamada gacanta ee Burco oo boqollaal qof ka soo aflaxeen.
Waayadii dambe waxa uu ku noolaa waddanka USA, gobolka Arizona oo uu maanta xaqu ku haleelay, isaga oo 98 jir ah.
Axmed-keyse Ducaale Cabdalle, AHN, samir iyo iimaan xaaskii, carruurtiisii, carruurtooda, ehelkii, asxaabtii, qaranka iyo magaca Soomaali idil ahaan. Aamiin.