Cishaday ka ideshehee
Calafkeedu joogsado
Cidkastoo aad jeceshahay
Wadka lagama celin karo
Codka waxa ugu baridaan
Cinda laahi kaligaa
Cabashada ku maqanee
Carshigàaga taaliyo
Codsigiyo waraaqaha
Boostaada ka camiran
Cadiimoow hanagu qadin
Baryadaa hasoo celin
Qalin caaro khayr badan
Ku saxeex casiisoow…
Alle ha u naxariistee Marxuumku wuxuu ku dhashay Gobolka Sanaag Degmada Ceerigaabo hilaadii sanadkii 1959
Wuxuuna ku barbaaray isla degmeda Ceerigaabo heerkiisii wax barashona ku qaatay dugsigii Dayaxa Sanaag iyo Dugsigii Farsamada gacanta ee Burco
Isagoo markii danbe u kicitimay wadamada khaliijka carabta oo uu mudo sanado ah ku sugnaa,
Markii uu dalka kusoo laabtay wuxuu noqday wakiilka Sanaag ee shirkadii diyaaradaha Somali Airline xiligaas oo ay dalka ka talinaysay dawladii milatarigu
Markii uu bilaabmay dhaqdhaqaaqii jabhadii SNM ayuu iskaga tagay shaqadaasi kanadhiidhiyay dulmigii iyo dhibaatadii lagu hayay dadkiisa iyo dalkiisa muddo yar ka dib dadaalkiisa iyo geesinimadiisii waxay gaadhsiisay inuu noqdo hogaamiyaha guutadii Hilaac oo ka tirsanayd ururkii snm isagoo dhalinyaro ah iyagoo hadafkii iyo himilooyinkoodii ay nafta iyo maalkaba usoo hureen ilaa maanta aynu hadhsanayno.
Markii Somaliland xoriyadeedii dib ugala soo noqotay 18 -May-1991
wuxuu qayb libaax ka qaatay shirarkii dib u heshiisiinta iyo taabagalintii qaran xor ah oo madax bannaan isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka.
Sanadihii 2000-2005 dii wuxuu noqday Badhasaab iyo badhasaab kuxigeenka Gobolka Sanaag,
2008-2010 wuxuu ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,
2010-2017 wuxuu ahaa Isuduwaha Wasaarda Waxbarshada Sanaag.
Rabbi ha u naxariistee Wuxuu ahaa shikhsi shaqo wanaag, daacadnimo iyo dadaal kucaan ahaa ilaahayna ku manaystay haybad iyo hibooyin ay ka mid ahaayeen aftahanimo, xigmad, dulqaad deeqsinimo iyo dabeecad wanaag,
Wuxuu Asxaab badan kulahaa deegaanada somaliyeed oo dhan.
Halkan waxaan kaga faalooday hal bayj
Balse wuxuu lahaa taariikh qofka ay saacad kaliya wada sheekaystaan aanu kumanaan bayj kusoo koobi Karin
Shikhsi kastoo aqoon ulahaa wuxuu ka markhaati kacayaa wanaagiisii.
Tacsidiisuna waxay noqotay madal kulmisay kumanaan Somali ah oo isga timi gobolada dalka iyo dibadahaba
Ilaahay ha u naxariisto qabrigana ha u nuuriyo ducadaa muhiimee hana u aqbalo,
Halyeey Qaranka Somaliland ka baxay
Taariikh iyo magac weyna ku dhex lahaa bulshada xasuustiisuna ay ku dhignaan doonto qalbigooda.
Aaaamiiin Aaaamiiin Aaaamiiin.
Qalinkii : Cabdirisaaq Sulub (Ilkacase)