Taariikhda iyo arrinta Barma (WQ: Cabdi Caawiye Ismaaciil)

 

Dawlad madax banaan oo la dhaho Arakaan oo ay ku nool yihiin 3 milyan oo muslim ah ayaa waxa ka dhex bilowday dadaal diinta lagu gaarsiinaayo wadanka baarma ee ay daraska yihiin wadaankaasna diinta buudiska ayaa dadku aaminsanyihiin.

Sanadkii 1784 ayay nimankii buudiska waxa ay dhib sadeen muslimka waana ay la dagaalameen oo muslimkii ayay laayen waxayna dawladii madaxa banaanayd ee Arakaan ku soo dareen wadankii ay buudisku u badnaayeen ee baarma magaciina waa ay ka badaleen waxayna ku badaleen Maynmaar waxayna noqotay qayb ka mid ah baarma , muslimkiina waxa ay noqdeen dad tirro yar ka dib marka ay ahaayeen dowlad madax banaan (tirroddona ay tahay 3 ama 4 milyan), buudiskuna waa 50 milyan.

Muslimkii waxa ay samaysteen magaalooyin u gaar ah ay ku dhex noolaadan oo ay ganacsigooda iyo jaamacadahooda iyo masaajidooda ay ka fur taan.

Waxa ay bilaabeen buudiskii in ay oo weeraraan dhulka muslimiinta si ay u barabixiyaan.

Muddo kooban ka hor waxaa dhacay gawrac aad u fool xumaa, halkaas oo koox buudis ah oo manaxayaal ah ay qabsadeen gaari bas ahaa oo waday 20 ducaad(dad dadka kale diinta gaarsiiya) ah oo xufaadul quraan ah kuwaaso ku dhex wareegaayay dhulka muslimiinta si ay Ilaah xagiisa ugu yeeraan oo diinta ay u baraan kuwa aan aqoon.

Kuwan inkaarta qaba waxay ay jarjareen jirkii culumada maadama ay dadka xaga rabi ugu yeeraayeen, ilaa ay xubin xubin ay u jarjareen ilaa ay mid mid ay culumadii ay u dhinteen.

Muslimkii waa ay xanaqqen oo waa ay ka ceen, buudiiskii waxa ay bilaabeen in ay tuulooyinka muslimka ay gubaan ilaa 2600 guri la gubay, waxaa ku dhex dhintay intii ku dhex dhinatay,waxaana ka cararay intii ka cararatay, waxaa na dhulkaas naftooda kala baxsaday 90 kun iyagoo bad iyo bariba adeegsanaaya ilaa hadana dilkii muslimka waa uu socdaa

Waxaana la kufsanaaya dumarkii ilaa iy ka dhimanayaan iyagoo ehelkeedii ay u jeedaan

Hadaba maxay u luntay dareenkeenii ?!

Anagoo dhan waxaanu is waydiineena maxaan u qaban karaa ?

Ducooooooo

Qalinkii Cabdi Caawiye