Taariikhda Khadar Xasan Daahir…W/Q:(Abdifatah Omar)

Habeen hore ayaan walaalkeen Khadar Xasan Daahir ku hoynay gurigiisii dhabta ahaa, rabbi naxariistii janno haka waraabiyo, sabir iyo iimaan saadiq ahna haka siiyo qof kasta oo uu ku dheeraa.

Marxuumka waxaan u naqaannay in uu yahay hibo-badane hormood ah oo xalaal miirad ah. Waligiiba waxbarashada wuxuu ahaa hormoodka fasalkiisa. Dugsiga, madarasadda Qur’aanka, iyo goobaha ciyaaraha intaba isaga ayaa u horrayn jiray. Laba iyo tobankii sanno ee dugsiga, iyo afartii sanno ee jaamacadda intaba hormood ayuu ahaa. Ku darsoo, wuxuu lahaa maskax furan oo miishaar ah oo uu markaaba qabto wixii loo dhigo, lama arag Khadar oo diyaarinaya imtixaan uu barri galayo!.

Hormoodnimada waxbarashada marka la tago, hibooyin badan ayuu lahaa Khadar, tartannaddii quraanka ee sagaashameeyadii inta badan isagaa hormood ka ahaa, Bari dambe oo la xifdiyayay mutuun-diimeed kala duwanna, Khadar isagaa u sareeyey. Kubadda cagtana uu ciyaari jiray oo waliba xariif ku ahaa, mar la qabtay tartan orodka dheer ahna isagaaba u horreeyey oo guusha qaaday.

Ka dib qalinjabintiisii Jaamacadda, Khadar waa lagu kari waayay shaqo aan ahayn shaqada uu ugu jeclaa ee macallinnimada. Marxuumku waxa uu macallimiinta dhammaan kaga duwanaa in aanu shaqo kale waligii raadsan, kuwa loola yimid oo aan qaar ka mid ahaa ogaana uu diiday. Muddo 14 sanno ku siman, xanuunkan uu u geeriyooday ka hor waligii fasax kamuu qaadan jaamacadda. Ardaydu aad ayay u jeclaayeen, waqtiga xiisadda ayuu u ilaalin jiray, afka ayuu ka xumbayn jiray sida uu wax u sharraxayo, qof kastana wuxuu yaqaannay magaciisa oo saddexan. In uu ka cawdo mushahar habsaamay ama la hakiyey wuxuu mar walba ka door bidi jiray in uu xataa dayn wax ku sii dhigo.

Marxuumku wuxuu ahaa Ahlul-Qur’aan dhab ah. Waana ta aan rabbi uga rajaynayo in qur’aankii uu akhriyey u shafeeco qaado qiyaamaha la qaawanyahay ee la qatanyahay. Waxa aan la yaabi jirnay sida uu isku wado wax dhigista, la qaadashada waqti tayo leh uu la qaadan jiray qoyskiisa oo ay runtii ay ahaayeen asxaab ka xeel dheer nin iyo xaaskii, cawaysyada ciyaaraha fudud, iyo wardigiisa joogtada ah ee qur’aanka. Salaadda duhur ka dib maalinna ma seegin in uu dusha ka akhriyo wardi joogta ah, ama uu la soo baxo musxafkiisii shan iyo toban-laynlaha ahaa ee aayadda wareejin jiray. Laga bilaabo maalintii u dhameeyey oo uu ahaa dhawr iyo toban jir ilaa geeridiisii, sidaa ayu ku soo waday wardigaa maalinlaha ahaa.

Horaa loo yidhi dadka wanaagsani adduunkan kuma waaraane, ilaahay ha u naxariisto isaga iyo asxaabtii kale ee innaga baxday dhawrkii sanno u dambeeyey ee dhallinyarnimo geeridu ugu timi. Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa qosykiisa, qaraabadiisa, macallimiintii isaga wax u soo dhigtay, qof kasta oo ay wax soo wada dhigteen, kumanaankii arday ee uu wax u soo dhigay, macallimtii iyo maamulkii ay soo wada shaqeeyeen, asxaabtii ay isku dhawaayeen. Si gaar ah waxaan tacsida ugu dirayaa xaaskiisii Marwo Hodon iyo labadii hablood ee uu ka tagay Cadar iyo Casiisa. Innaa Lillaahi Wa Inna Ilayhi Raajicuun.

 

F.G:

Sawirka hoose waxa marxuumka si qarsoodi ah uga qaaday Dr. Mubaarak Maxamed Daahir oo ay saaxiibbo dadka iskaga dhow ahaayeen [ 7dii Jan 2017]