Taariikhda Sheekh Cabdinaasir X. Axmed ,1957–2022 (WT: Aadam Ducaale)

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed (1957–2022) waxa uu dhashay sanadku markuu ahaa 1957, waxa ay hooyadii ku dhashay baadiyaha Sallagaloolay, meel u dhow tuulada Ceegaag oo ka tisran gobolka Cayn. Qoys xoolo dhaqato ah ayuu sheekhu ka tirsanaa. Aabbihii –Xaaji Axmed– waxa uu ahaa shakhsi aad u cibaado badan. Waxa la sheegaa in uu maalintii Toddoba Jus oo Qur’aanka ka mid ah khatimi jiray, isaga oo negi iyo isaga oo sacdaalaba. Jacayl aan muggiisa la malayn karin ayuu u qabay diinta iyo barashadeeda. Aabbahaa barakaysan ayaa dhalay Sheekh Cabdinaasir oo ifka keenay.
Sanadku kolkuu ahaa 1964 ayaa sheekha iyo qoyskiisu waxa ay ka soo guureen baadiyihii, waxaana ay degeen magaalada Horfadhi. Halkaas ayuu Cabdinaasir ka bilaabay dugsi Quraankii ugu horreeyay. Dugsigaasi waxa uu ahaa kii kowaad ee magaalada laga aasaasay, waxaana gacantiisa ku furay sheekh Cismaan oo ahaa xerta magaalada iyo Garaad Soofe Durraan. Wiil Xaafidul Quraan ah oo uu dhalay Garaad Soofe ayaa dugsiga macallin ka ahaa, ooo markii dambena sheekhnimadii ka dhaxlay aabbihii Garaad Soofe. Sheekh Cabdinaasir, waxa uu dugsigaa ku xufdiyey Shan iyo Toban Jus oo Quraanka ka mid ah.
Dabadeed waxa uu  u guuray magaalada Burco, si uu u sii wado hayaankii waxbarasho ee uu Horfadhi ka soo bilaabay. Cagtii u horreysay ee uu Burco soo dhigay, waxa uu ku biiray dugsi Quraan ku yaallay Masjidka Saalixiyada. Xifdigiisii sugnaa iyo cabqarinnimadiisii cajiibka ahayd baa aad loo majiirtay, ilaa faraha la isugu tilmaamay. Bartaas –Masjidka Saalixiyada– ayuu Quraanka intii u hadhsanayd qaab Qiraa’o ah ugu  dhammeeyey. Mar kale ayuu sheekhu Burco ka xidhxidhay, isaga oo ujeeda jihada ay xigto magaalada xeebta ah ee Berbera. 1965, ayuu Magaalada Qaddiimka ah ee Berbera cagaha soo dhigay. Judhiiba waxa uu ku biiray Dugsigii Al-Falaax. Culuumta Shareecada, luuqadda Carabiga iyo Xisaabta ayuu ka dhigtay. 1967 ayuu mar labaad sheekhu ku laabtay magaalada Burco. Markan sheekhu waxa uu imtixaan u fadhiistay Mac’hadka Azhar, wuuna ku guulaystay iyaga oo u ogolaaday in uu bilaabo waxbarashada aasaasiga ah kolkii ay aad ula dhaceen luuqad wanaaggiisa iyo xifdigiisii Quraanka ee cajiibka ahaa.
Sheekh Cabdinaasir ilaa yaraantiisii waxa uu aad u jeclaa cilmiga iyo culimada, sidaa awgeed ku ma uu gaabsan dhigashada macaahidda iyo dugsiyada oo qudha e, waxa kale oo uu ka raacan jiray kutubta iyo cilmiga shareecada masaajidda iyo fadhiyada culimada. Waxa uu ka marsaday Fiqiga, Xadiiska iyo luuqadda Carabiga culimo ay ka mid yihiin; sheekh Shariif Maxamed iyo Sheekh Garsoore Maxamuud.
Kolkuu uu sheekhu geeddigiisii waxbarasho ee sare ku soo afmeeray magaalada Burco iyo Macahadkii Azhar, waxa uu safar ugu baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Halkaas ayuu mar kale cilmigii masaajidda iyo xalqadaha cilmiga ah ee ka socday raxliga dhigtay. Culimadii uu Muqdisho cilmiga kaga qaatay waxa ka mid ahaa; sheekh Ibraahim, sheekh Maxamed Macallin iyo sheekh Maxamed Nuur. Waqtigaas sheekhu waxa uu ku biiray ciidankii xoogga Soomaaliyeed.
Sheekh Cabdinaasir intaas ku ma ay filnaan, mana uu joojin halgankii uu ugu oommanaa raadinta cilmiga, maadaama uu sheekhu cilmiga aad u jeclaa waxa uu qawaday aqoontii uu hayey, dabadeed markan waxa uu safar waxbarasho ugu baxay dalka Yaman. Waxa uu nasiib u yeeshay in uu Yaman kula kulmo culimo waaweyn oo uu cilmigooda hoorsan karo. Mashaa’ikhdii uu hoos fadhiistay waxa ka mid ahaa; Sheekh Alqaaddii Yaxya Fasiil, sheekh Ismaaciil Alcumraani (oo ka mid ahaa garsoorayaashii Yaman iyo muftiga shacabka Yaman) sheekh Dr. Maxamed Xasan Maqbuul Al-Ahdal iyo sheekh Dr. Cabduwahaab Al-daylami.
Sheekh Cabdinaasir intii uu Yaman ku sugnaa cilmi oo qudha ma raacanayn ee sidoo kale waxa uu dhankiisa ka waday dedaalladii dacwadeed ee ka socday waddanka dibaddiisa, waxaana aynu ka xusi karnaa:
1. Sheekha waxa xil looga magaacaabay Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Yaman isaga oo noqday sheekha Soomaalida ee Yaman, ka dib markii uu ku guuleystay imtixaan laga qaaday isaga iyo culimo kale oo Soomaali ah. Magaciisa, Cabdinaasir Xaaji Axmed, ayaa lagu xardhay Masjidka Al-zubairi, xukuumadduna waxa ay soo saartay qaraar sheegaya; in aan jaaliyadda Soomaalida cid aan Cabdinaasir ahayn aanay waxba u akhrin karin.
2. Sheekh Cabdinaasir waxa uu bare ka noqday macaahid diineed oo Yaman ku yaalla, kuwaas oo uu madax ka ahaa Sheekh AlQaaddii Yaxya, sanaddadii 1982 – 1992, waa ku dhowaad Toban sanno.
3. Muxadaarooyin iyo wacyigelin diineed; Sanadkii 1992, kolkii ay duntay dawladdii Soomaalidu, sheekhu waxa uu dib u gu soo quryo-noqday waddankiisa hooyo, xilli uu dagaal iyo cabsi badan hadhaysay degaanno badan oo ay adag tahay in xitaa gobollada loo kala safro. Sheekhu waxa uu degay gobolka Sool. Waqtigaas uu sheekhu yimi magaalada Laascoonood, waxa uu ku beegnaa xilli ay dhallinyartii baraarugga dacwadda Islaamku ay haystaan masaajidda, iyada oo aan wax xidhiidh ahi u dhaxayn iyaga iyo shacabka oo ay kala irdhoobeen. Eebbe fadligii sheekhu waxa uu ku guulaystay in uu arrintaa ka odeyeeyo oo uu xaalladdan qallafsan dejiyo. Judhiiba waxa uu beerkooda burcad isu mariyey dhallinyartii baraarugga dacwadda Islaamka waday iyo shacabkii reer Laascaanood. Dabadeed waxa uu bilaabay in uu masaajidda iyo waddooyinka ka akhriyo kutubta tafsiirka si ka fog kala qaybinta dadka iyo kala irdhayntooda. Sheekha dacawaddiisu waxa ay ku salaysnayd, murtidii iyo wanaadii dhibirsanayd ee uu Eebbe Nebigiisa Scw, amray in uu dadka ugu baaqo, ilaa dadkii ay qabsadeen xadhigii Eebbe ee adkaa. Kolkan nolol cusub ayaa dadkii uu dhex joogay u bilaabantay.
Sheekh Cabdinaasir dedaalkiisa qofeed kuma ay koobnayn oo keliya dacwadda iyo faafinteeda, balse waxa uu door laxaad leh ka qaatay hagaajinta iyo xallinta khilaafka bulshada, ha ahaadaan kuwo qabiil iyo qoysba. Waxa uu si nafhurnimo leh uga qayb qaatay midaynta ummadda Soomaaliyeed ee dagaallada, kooxaysiga iyo qabyaaladdu kala irdheeyeen. Dedaalladiisii waxa ka mid ahaa; furitaanka machadkii Furqaan ee barashada shareecada iyo Carabiga. Sandkii 1994 markii ay duntay dawladdii Soomaalidu, shacabkii wuu kala firdhaday, waxa soo ifbaxay caqiidooyin leexsan, si uu sheekhu ula diriro afkaarahaa qalloocan, waxa uu la tashaday haldoorkii culimada oo aynu ka xusi karno; sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax –Eebbe ha u naxariisto, gacanta dadqalatada Alshabaab ayey ku baxeen e – waxaan ay isla garteen in ay aasaasaan mac’had diini ah oo lagu barto culuumta shareecada iyo manhajka Salafkii wanaagsanaa.
 Dabadeed waxa ay albaabada u fureen Mac’had lagu diyaariyo Ducaadda magaalada Laascaanood, waxa loogu wanqalay FURQAAN– Mac’hadka barashada culuumta shareecada, halkaas oo ardaydu uga iman jireen degaannada Soomaalida ee kala durugsan. Nasiibdarro sanadkii 1996 ayaa dad cadow diinta Islaamka ku ah soo weerareen mac’hadkii ilaa ay ku guulaysteen in ay albaabada isugu dhuftaan oo ay gebigiisaba xidhaan. Sheekh Cabdinaasir muu joojin dedaalkii uu mac’hadka dib ugu soo celin lahaa, mar kale ayuu, Idamka Alle, Mac’hadkii FURQAAN uga furay magaalada Laascaanood. Sheekhu waxa uu cimrigiisii ku bixiyey barashada, barista iyo fidinta diinta Islaamka. Waxa uu u guntaday hagaajinta danaha bulsheed, diineed iyo siyaasadeed ee ummadda Soomaalida. Sheekh Cabdinaasir waxa uu Tafsiirka Quraanka sharafta leh ku khatimay 6 jeer magaalada Laascoonood, ilaa haddana wuu waday. Waxa kale oo uu  dhigay kutubta, Saxiix Al-Bukhaari iyo Sunanu Abii Daa’uud iyo kutub kale oo badan oo fanni kasta leh. Waxa uu sidoo kale jeediyey kumannaan muxaadaro oo kala geddisan.
Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, maanta oo ay taaiikhdu tahay 22/02/2022 ayaa lagu dhex qarxiyey gaadhigiisii, isaga oo hawlo dacwad-fidin ah u jooga magaalada Kismaaya. Eebbe ha u naxariisto.
Tixraac:
–Taariikhda baraarugga dacwadda Islaamka Soomaalida
W/T: Aadam Ducaale.
adamduale94@gmail.com