Taariikhda Soomaalilaan, Puntland Kala Wareegtay deegaannada gobolka Sool. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Adhicaddeeye——- 23. 2. 2004 ayey ciidamada Soomaalilaan Adhicaddeeye kala wareegeen kuwa Puntland. Waxaana madaxweyne Soomaalilaan ka ahaa Daahir Riyaale, halka Puntland uu madaxweyne ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf.

= Laascaanood——– 15. Oktoobar, 2007 ayey ciidamada Soomaalilaan Laascaanood kala wareegeen Puntland. Wakhtigaasi waxa Puntland madaxweyne ka ahaa Janaraal Cadde Muuse, halka Soomaalilaan uu madaxweyne ka ahaa Daahir Riyaale.

= Gambadha——- 12. Septmbar 2011 ayey ciidamada Soomaalilaan Gambadha kala wareegeen Punltand. Waxa madaxweyne ka ahaa Puntland C/raxmaan Faroole, halka Soomaalilaan uu madaxweyne ka ahaa Siillaanyo.

= Tukaraq——– 8. Jan. 2018. Ayey ciidamada Soomaalilaanย  kala wareegeen deegaanka Tukaraq kuwa Puntland. Waxa madaxweyne ka ahaa C/weli Gaas, Soomaalilaan Muuse Biixi.

= Boocame——- 30. 10. 2022 ayey ciidamada Soomaalilaan Boocame kala wareegeen kuwa Puntland, waan degmadii ugu dambaysay ee ay ciidamada Puntland ka haysteen gobolka Sool, waxaana madaxweyneyaal kala ah Muuse Biixi iyo Siciid Deni.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com