Tacsiyey maxaad tahay? Q.2aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Geesta kale haddii maslaxo diineed ku jirto waa se la yeelayaa. Tusaale ahaan haddii cid aasta la waayo, oo loo tago dadka jaarka oo la yidhaahdo hebelbaa dhintee kaalaya nala aasa.

Haddaba ereyga nacyi oo aan daliishannay in tacidan ay tahay, maxay ka yidhaahdeen dadkii luuqada Carabiga iyo Sharcigaba loo daba fadhiisan jiray waayo badanna ku hawlanaa:

Xadiis ruuggii Maxamed binu Ciisaa “Tirmidii” wuxuu leeyahay, “Nacyiga ama tacsigdu waa qofkii oo lagu dhawaaqo geeridiisa dadkana loo sheego inay yimaaddaan jinaasada.”(Tixraac: Jaamicu Tirmidii bogga 239)

Taariikhyahankii weynaa Qaluubii wuxuu yidhi, “Tacsidu waa qofkii dhintay oo magaciisa la kala dhigdhigo – wanaaggiisii lagu nuuxnuuxsado, ammaan badanna lagu jalbeebiyo.” (Raad-raac: Xaashiyadiisa majallada koobaad bogga 345)

Mid se ogow akhriste. Way bannaantahay in dhimashada ruux la sheego si dadku uga soo qaybgalaan jinaasadiisa. Sidaas waxa laga qaadanayaa xadiiskii Bukhari iyo Muslim ba weriyeen ee Nebigu SCW u sheegay saxaabadiisii in Najaashi dhintay loona baahan yahay in lagu tukada. Wuu tukiyay wuxuuna ku yidhi, “Walaalkiin in Ilaahay danbigiisa dhaafo ugu duceeya.”(Raac-raac: Bukhaari; 1333, Muslim; 1328). Sidoo kale, badanka aqoonyahannada Shaaficiyada, Xanafiyada, Maalikiyada iyo Xanaabiladu waxay isku raacsan yihiin in la ogaysiiyo dadka qofka dhintay si jinaasada loogu tukado – waxaanay diiddan yihiin tacsidan aynu maanta adeegsanno ee ammaan huwinno qofka dhintay – ilaha warbaahinta, idaacadaha, wargeysyada iyo degelladana dhammaan ku sheegno taariikh nololeedkiisii iyo wanaaggiisii. (Tix-raac: Al Iqnaac: 1/331, Nihaayatul Muxtaaj: 3/20, Fatxul Qadiir: 2/127, Tuxfatul Axwadi: 4/61)

Aqoonyahannadii hore ee diinta arrintaas ah in la ogaysiin karo koox dad ah si ay kuula aasaan meydka uguna duceeyaan waxay ba u arkayeen arrin sunne ah yagoo daliishanaya xadiis isna ku sugan Bukhari iyo Muslim oo uu werinayo Abuu Hureyra. Maalin ayuu nebigu SCW saxaabada weydiiyay gabadh masaajidka ka shaqayn jirtay. Waxay u sheegeen inay dhimatay. Nebigu SCW inta uu soo booday ayuu yidhi, “Oo maxaad ii ogaysiin weydeen. I tusa immika qabrigeedii.” Waa la tusay wuuna u duceeyay. (Tix-raac: Bukhaari; 458, Muslim; 956)

Haddii aan ku soo dhawaanno aqoonyahannada immika nool ee Muslimiinta waxay ka soo saareen fataawooyin. Aan soo qabanno Lajinatu Daa’ima oo fadhigeedu yahay Sucuudiga. “Waa loo yeedhan karaa dadkii ay meydka qaraabada ahaayeen, kuwii ay asxaabta ahaayeen, iyo kuwii ay deriska ahaayeen si ay uga qayb qaataan aaska, uguna duceeyaan meydka.”(Raad-raac: 8/402)

SH Shariif Cabdi Nuur oo ahaa caalimkii casrigan – muftigii Soomaalida, xadiis ruug, usuuli, oo caan ka ahaa guud ahaan caalamka Islaamka, muxuu ka yidhi isna? “Nacyigu waxa weeye dadka geeridiisa oo la iclaaniyo oo la baahiyo oo dadka loo sheeg sheego, dadka la gaadhsiiyo, yadoon dan kale laga lahayn in dadku ogaadaan mooyaane. Taasina waa caado jaahili ah oo horreysya oo sharciguna uu gooyay. Intay meel sare koraan Carabtii hore ama minaarad ayay qofka sheegi jireen waliba haddii uu magac leeyahay oo ammaani jireen” (Tix-raacCajaladdiisa Tacsida; daqiiqadda 11).

Gawracu waa cibaado Alle loogu dhawaado. Illaa saddex jeer ayuu gawracu cibaado noqdaa. Tan hore waa Udxiyada oo Nebi Ibraahim CS uu inoo jideeyay Suubbanuhuna dhabbihiisii qaaday. Dharaartaas qofkii kari karaa waa inuu dhiig Rabbi dartii u daadiyo. Midda kale waa kolka uu wiil ama gabadhi qoyskii ku soo biirto ama u dhasho reerka. Kolkaas inanka waxa laga qalayaa laba neef halka inantana laga qalayo hal neef. Sida ay tibaaxayaan xogaha diintu waa in maalinta toddobaad laga qalaa. Tan saddexaad waa ‘hadyiga’ oo lagu qalo Xaramka kolka uu qofku xalaaloobo. Diinta Islaamku ma oggola in cid aan Alle ahayn loo gawraco sida aw hebel iyo sheekh hebel – Alle mahaddii weeyaan caqiidada aynu maanta hadhsanaynno oo uu Sheekhul Islaam al Mujaddid Maxamed binu Cabdil Wahaab ummadda dib ugu cusboonaysiiyay. Sheekhu wuxuu toddobaadan sanno ka badan ummadda ku boorrinayay arrimahaas. Isaga hortiiba culimadu way dedaalayeen haseyeeshee, dedaalkiisii waa mid illaa maanta aan dareemi karno.

Waxyaabaha bannaan waxa ka mid ah wax kasta oo aan cibaado loola jeedin ee la iska isticmaalayo, sida neef marti goor danbe soo geb tidhi loo loogayo.

Gogol-laabka ka warran

Kolka uu qofku dhinto waxa la fadhiistaa gurigii uu ka dhintay ama ku dhintay. Dad tiro badan ayaa goobtaas iskugu imaadda. Madashaas murugada badan waxa is qabata ilyarta waxaana la samir siiyaa dadkii qofka dhintay ay xigtada dhaw ahaayeen. Dhawr dharaarood ayaa la sii joogaa madasha illaa laga laabayo gogosha. Cunto iyo cabbitaan badanna waa lagu sameeyaa meeshaas. Arrintaas sharcigu wuxuu u yaqaannaa. Ka hor Nebiga SCW arrintaas way samayn jireen Carabtii hore, waxay u yaqaanneen ma’tam, diintu se waxay u taqaannaa ‘niyaaxa’. Ereyg niyaaxa luuqad ahaan waa oohinta dhawaaqa wadata. Erey bixinta shareecada Islaamka ay ereygan siiyay ayaa ah wax kasta oo ku kicinaya soona xasuusinaya dhibta haysata. Sida dadkan gurigiisii iskugu imanaya ee mid waliba u sheegayo inuu ka xun yahay waxa dhacay. Suubbanuhu SCW isagoo ka hadlaya wuxuu leeyahay, “Ummaddaydu ka tagi mayso niyaaxada ay meydka u sameynayaan.” (Tixraac: Saxiixu Muslim)

Qeexidda

La Soco Qaybaha Danbe iyo Daliillo Dheeraad Ah:

 

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM