Tafsiirka Hadalka Buurmadaw (WQ: Axmed Abdi Adam)

Hadalka in loo tafsiiro dadka caadiga ah, waxa aan ka bartay Eric Zemmour. Eric waxa uu 10 habeenimo soo fadhiistaa Channel ka tirsan TV-yada Faransiiska. Waa nin aan waxba ka gaban; rayigiisa ayuu hadlaa. Ku darso oo dadka soogolotiga ah wuxuu u hayaa diidmo qayaxan – dadkaa waa aan ku jira, hadana waa aan dhegeystaa.

Boqor Buurmadaw hadalkiisa ku aaden hanka Maxamuud Xaashi waa la sugayey, su’aal loo baahnaana wala waydiiyey oo qotonta Kaahin iyo Xaashi kee baa aad dhabarka taaban?

Boqorku – Illaahay baa Boqor ahe – waa nin hadal cad bil metel, geela Australia ee rasaasta lagu af rogay markii la warsaday, wuxuu yidhi: baga hala laayo. Hadaba su’aasha ah Kaahin mise Xaashi, waxa uu uga jawaabay si xeeladaysan, waana bartaa halka aan rabo marada in aan ka feydo, si dadku u dawadaan waxa uu qarinayo.

Buurmadaw waxa uu tageeray Xaashi, hadana waxauu cambareeyey habka Ina Xaashi u bilaabay musharaxnimadiisa. Codka Buurmadaw ee aadey Maxamuud aan caddeeyo: Waxa jira luuqad marka lagu hadlayo hiil u ah Xaashi iyo mid marka lagu hadlayo u xaglisa Kaahin. Cismaan waxa uu doortay lahjad hiil u ah Maxamuud. Waxa uu yidhi Maxamed iyo Maxamuud waa labadii bisadood ee daanyeerku khiyaameeyey. Halkaa fahan, Ina Kaahin Ilxidh isuma haysto bisad banaanka joogta ee waa nin rumaysan dalka waa aad la haystaa Muuse; xisbigana waa aad la maamushaa Muuse.

Mar labaad Boqorku wuxu yidhi: Maxamed iyo Maxamuud gidaar cidla ah ayaa ay isku haystaan – Kaahin iyo tageerayaashiisu sidaa ma qabaan. Maxamed iyo Maxamuud, labadaba in uu Kijada Kulmiye kasoo fogeeyaa, waxa ay kicinaysaa dareenka guud ee HJ oo noqonaya “talo ha isugu timaado Beeshu ay kaga arrinsanayso ayaheeda siyaasadeed”. Kaahin sidaa kuma waramo ee waxa uu isagu rumaysan yahay: Adiga ayaa ah odaygii reerka maanta, mar haddii aad ixtiraamtay Saleebaan iyo Siilaayo oo da’ ahaan ka weynaa.

Marka uu Cismaan leeyahay Habar Jeclo geed baa ay ku tashataa; mar kasta oo uu leeyahay waxba kama hayno abaalkii Muuse iyo mar uu carrabaabayo shirkii Plaza, waa mar kasta oo uu Maxamed Kaahin ku samaynayo hubka dhigis, markaana Maxamed Kaahin noqonayo ilma yar oo Buurmadaw iyo Saladiinta kale ku tolan xaajada ay gooyaan.

Qodobka kale ee muujinaya Buurmadaa in uu wato Xaashi, waa marka uu leeyahay Habar Jeclo maaha sida reeraha kale oo Reer Jaamac gudahooga kama shaqaysto awood (laandheere-nimo) u sedburisa dad gaar ah – dadkaasi ma Maxamed Abokor baa mise waa Reer Yuusuf?

Boqor Cismaan marka uu muujinayo sida aanu ula dhacsanayn qaabka Maxamuud wax ku bilaabay, waa marka uu dadka Facebook isticmaala ee da’doodu korka u dhaafayso 30ka, ku masaalayo caruur iyo ilma yar oo Facebook ku muujiyey tageero.

Mararka qaar Cismaan wuxuu u muuqanayey nin si dadban u weerarsan Xaashi, waa mafka uu leeyahay “durbaankan la tumayo, waxa garaacaya siyaasi ‘stress’ ku kacsan yahay!”.

Ugu dambayntii Anigu Maxamed Kaahin Ilxidh waa aan aqanayoo nin hawl yar maaha, mana jixaanjixo waxaa se igu soo duulduula Muuse mar labaad buu rabaa tartan iyo Muuse kal baqda ayuu leeyahay. Labadaa haddii laysu geeyo, Madaxweynuhu dhegaha wuu u furanayaa hadalka Buurta haddii kale waa heelada inoo tuma.

Doodaha yidhaa, Muuse doorasho ma rabo iyo Muuse mar kale isma soo sharaxayo ayaa ku raasuqa dhegahayga, hadaan sidaa amminsanahayna, waxa aan leeyahau Ceel Afwayn waa ay kusii jiraysaa cuna qabateynta.