Talaabadan ay qaaday Maxkamada Sare ee Somaliland sharci ma tahay mise maaha? (WQ: Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi “Diini”)

Maxkamada Sare ee Dastuurigaa ayaa maanta, qaraar ka soo saartay xeerkii doorashooyinka Baarlamaanka kaasi oo lagu galay Doorashadii 2005tii waxaanay si toosa u taabatay Maxakamada Dastuuriga ahi qodobkii mabnuucaayay in markale Doorasho lagu galo Xeer Lr 20-2/2005, qodobkiisa 12aad farqadiisa 1aad. Iyada oo meesha laga saaray weedha ah “Doorashadan oo kaliya”.

 

Haddaba waxa is weydiinta mudani waxa weeyi talaabadan ay qaaday Maxkamada Sare ee Somaliland sharci ma tahay mise maaha? Ma burin kartaa qaraarkeedii hore mise ma burin karto?

 

Waxa meesha si dhaba uga muuqata masuuliyadaro weyn taasi oo ah in dalka laga sameeyo Diwaangalin rasmiya. Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo marayna dhamaantood dayaceen.

 

Qushiye Bal doorasho uun ha dhacdo.