Taliye Nuux Taani iyo hooyo dhashay maxbuus dhaawaca oo Reer Puntland ah (WQ: Fatxi Garaad Ciise)

“Dhacdo Xanbaarsan Daymo Naxariiseed”

Dhacdadani waxay ku tusaysaa Naxariista iyo Dun wanaaga Dadkeena Iyo Ciidankeena Qaranka.

Waxa uu ahaa Mid kamida Maxabiista laga qabtay Ciidamada puntland, waxa uu ahaa dhaawac dhanka Uur ku jirta Ah’ Da’ ahaan waxa uu u ahaa mid yar waxaanu qiyaas ahaan, ahaa 16-17 sano, Dhaawaciisa waxaa lasoo gaadhsiiyey Hospitalka magaalada burco, si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad, markii lasoo gaadhsiiyey Hospitalka waxa uu ku tiraabayey Hadalo uu ku muujinayo Nacaybka uu u qabo Dadkeena iyo dalkeena isagoo aad ugu celcelinayay, Hadaladaa Nacaybka xambaarsan, waxa la jiifiyey Saaladii Hospitalka Waxaanay gaadhay xilligii dhiiga lagu shubi lahaa maadamada oo uu dhiig baxay, Waxa loo sheegay in dhiig loo shubayo isagoo Markaasi Kor u qaylinaya Ayaa uu yidhi
( Haygu Shubina Dhiiga Dadkan Hadii kale waxaan noqonayaa Doqmo Sidooda oo kale eh).

Intaasi kadib markii xaaladiisii caafimaad La Daaweyey waxaa loo ogolaaday in Hooyadii Ugu timaado Hospitalka, Waxa soo gaadhay hooyadii Magaalada burco kadib Waxay Heshay inankeedii si dhib yar. xaal wuxuu halkaa joogaba Waxa hooyadii soo wajahday cabsi Iyo wer-wer, waxaanay U baqayasay inankeeda waxa dawladu ka yeeli doonto iyo halkuu ku dambaynayo, Nasiib wanaag waxaa booqasho ku yimid Hospitalka Taliyaha Ciidanka qaranka somaliland Nuux ismacil Tani, Si uu U ogaado xaalada Dhaawac ee ciidanka qaranka, Caadiyan Marka qof Xanuunasaya Jiifo sariirta Qofka badanaa la joogaa ee u adeegaa waxa Ag fadhiistaa Sariirta qofku ku jiifo weliba isagoo ku dhow, Hooyada dhashay wiilkan ayaa markaa ahayd mid dul fadhiday inankeeda weliba iyadoo aad ugu dhow.

Waxaana Soo maray Sariirtii Uu Jiifay Inankii Yaraa Taliyihii Ciidanka Qaranka Waxaanay Milicsatay hooyadii Dhashay inanka Taliyahii waxaanay isla markii ay hooyadu aragtay Taliyaha iyo ciidanka badan ee la socda Soo wajaday Cabsi xoogan waxanay si dhakhso ah’ ugu daday Go’ Inankeedii iyadoo Damacsan inay ka qariso Ciidanka kusoo foolleh, Waxaana isla markiiba Arkay arinkii Taliyaha Waxaanu Su’aalay Hooyadii Waa’ ayo Qofka aad halkan ku qarinaysaa Hooyo? Waxaanay Hooyadii si dhakhso ah, Ugu jawaabtay hadalo Is dhaafa oo Iska hor imanaya, waxaanay laga qaaday go’ii ay ku daday hooyadu ilmaheeda kadib markii uu taliyuhu Arkay wiilka, Waxay hooyadii bilowday calaalal iyo catow hooyanimo, iyadoo taliyaha ku leh hooyo waa inan yaroo la soo khalday waxba kala garan maayo ee iska daaya iyo hadalo kale oo lamida.

Waxa uu taliyahu ku eegay deymo naxariiseed, waxaanu u fidiyey cafis, isagoo siiyey hooyada iyo wiilkeeda kharash gaadhaya 1000$ waxaanu isla goobtii ugu sheegay inay Hada hooyadu ka xaysan karto inankeeda weliba si shuruud la’aan ah.
Waxay ka ducaysa hooyadii afka iyo uurkaba iyadoo aad ugu faraxday Arinkaa Qiimaha badan ee uu Taliyuhu ku sii madax daayey Inankeeda, Inankii yaraa ee Hadalada nacaybka ah, ku tiraabayay waxa uu dareemay xishood waxaanu la kulmay waxaanu filanayn ugu danbayn waxa uu sheegay inuu Ka soo hayaamayo puntland. Sidani waxay ka mid tahay siyaasada dagaal ee Cajiibka isla markaana Dadka aad ku degi karto qalbigooda adigoon isticmaalin wax Huba.

WQ: Fadxi Garaad Ciise