Waxa aan arkayaa ururo dhallinyaro oo kala duwan, kuwaas oo bilaabay olole lagu afurinayo bisha Ramadaan danyarta. Waa hawl wanaagsan oo muhiimadeeda leh isla waqti xaadirkanna loo baahi qabo, balse waxa muhiim ah in la sameeyo; dallad iyo sanduuq guud oo ay wasaaradda arrimaha bulshada iyo xafiiska diiwaanka sekadu iska kaashadaan, laguna ururiyo dhammaan sadaqada ay la baxayaan dadkeenna inta wax bixin karaysaa, urur kastana loo diiwaangaliyo tiro cayiman oo uu gaadhsiiyo sadaqadaas, gobolkuu doono ha joogee. In awoodda meel kaliya la iskugu geeyo ayaa ka waxtar badan kana saamayn badan; in awoodda la kala qayqaybiyo.
F.G: Tani waa aragtidayda aan soo jeedinayo Dawladda iyo ururrada bulshadaba.