TALO KU SOCOTA DARAWAL KASTA ! W/Q :(Kamaal Marjaan)

Qaraxa taayirku waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee shilalka gaadiidka, gaar ahaan marka safarrada lagu jiro oo uu keeno isku dhac gaadiid ama in gaadhigu uu qallibmo (Gaddoomo).

Qaddar lama baajiyo, waxa se muhiim ah in qofka darawalka ahi uu barto dhammaan hababka badbaado ee uu kaga hortegi karo khatartaas, waxaa ka mid ah in uu barto habka ugu badqabsan ee uu gaadhiga u joojin karo, haddii uu taayir u qarxo isaga oo ku socda xawaare ka sarreeya 100 km/saacaddii.

1. Marka uu taayirku qarxo ku dadaal in intii suurtagal ah aad deggenaato nafsad ahaan. Shookaantana labada gacmoodba ku qabo si aad uga ilaaliso in ay dhinac isu dhufato.

2. Cagtaada ka fogee joojiyaha (Bireegga). Ha isku dayin in aad gaadhiga degdeg u joojiso, iyo xitaa in aad si uun joojiyaha (bireegga) u qabato.

3. Ku taagnoow haadkaaga / laynka jidka ee aad ku socotay. Marnaba ha isku dayin in aad leexiso gaadhiga ama ka baxdo waddada, intii suurtagal ay tahay toos ugu sii soco jidka aad haysatay.

4. Haddii gaadhigaagu uu yahay kuwa geerka gacanta leh, bilow in aad si tartiib, tartiib ah xawaaraha hoos u soo celiso. Adiga geerba midka uu ka hooseeya ku soo noqonaya, laakiin aan bireegga qabanayn.
Haddii uu gaadhigu yahay kuwa geerka iyagu isku gura / Is wada (Automatic) marka aad saliidda (Sheelaraha / Laawarka) cagta ka qaaddo, isaga ayaa bilaabaya in uu xawaarihiisa hoos isu soo celiyo, sidaas awgeed adigu wax hawl ah ha ku darsan, oo aan ahayn in aad shookaanta si buuxda gacmaha ugu hayso iyo in aad ka fogaato bireegga taabashadiisa.

5. Qabashada bireegga ee laguu diiday yaanay cabsi iyo warwar kugu abuurin, adiga oo ka baqa qaba in gaadhigu uu istaagi waayo. Wasladaha iyo goballada ka dillaacay shaagga qarxay ayaa iyagu gelaya kaalinta bireegga / joojiyaha. Wareegga ayaa ay culays ku keenayaan, sidaas awgeed xawaaruhu si iskii ah ayaa uu hoos ugu soo dhacayaa.

6. Marka uu xawaaraha gaadhigu hoos ugu soo dhaco 50km/saacaddii, waa aad qaban kartaa joojiyaha (Birregga) .

FG:
Tallaabooyinka aynu soo sheegnay waxa ay waxtarayaan keliya marka aad deggenaanshiyo ku dhaqangeliso, tallaabo kasta oo aad qaadaysana aad marka hore hubiso in maamulka gaadhigu uu si buuxda gacantaada ugu jiro .

Qore:kamaal marjaan

Bandhige@gmail.com