Talo ku socota maayirka Burco (WQ: Khadar Faarax Siciid)

Mudane Cabdirisaaq, degmo darxumaysan ayaad Maayir u noqotay. Waa degmo aanan kaaga sheekaynayn oo aad iiga xog ogaalsan tahay sida nadaafadeedu u dayacan tahay, waddooyinkeedu u burburasan yihiin, jidadkeedu u xanniban yihiin, wacyiga dadka ku noolina uu aad u hooseeyo.

Haddaba, maadaama oo aad tunka saaratay xilkaa culus waxa lagaga fadhiyaa xal u raadinta xaaladaha qalbijabka ah ee degmadani ku soo jirtay dhawr iyo labaatanka sano ee ina dhaafay. Halkan waxa aan kuugu soo tebinayaa tilmaamo kooban, oo aan rajaynayo inaad tixgelin doonto:

  • Ku kalsoonow Alle kor ahaaye, oo keligii talosaaro iskuna hallee Isaga.
  • Adkee xidhiidhka xubnaha degaanka ee aad hawlgeliyaha iyo hormuudka u tahay. Haddii aad dhabbaha caddaalada cagta saarto, waan hubaa oo way kula jaanqaadayaan e, haddana carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw oo way is qaniinayaane, mar walba ku dadaal inaad turxaan saarto oo tuhun tirto. Kolka ay adkaato ee mudac mudac ku taag noqoto, adigu tanaasul.
  • Ilaanlinta hantiga ummadda ee lagugu aaminay adigu ku noqo tusaale. U kallah, u guuree oo u saamalayl sidii aad u kaantarooli lahayd, u beekhaamin lahayd una baylahtiri lahayd resource-ka kooban ee gacantaada lagu aaminay. Alle ka dhawrso oo cashuur miskiin muruq-maal ama islaan dhakabir ah laga soo qaaday ha ku faakihaysan. Gaadhiga dawladda, shidaalka dawladda iyo xasaanadda aad magaca maayirnimada ku heshay midna dan gaar ah ha ku fushan. Eexda naftaada kala dagaallan, oo tolnimo, xididtinimo, saaxiibtinimo iwm qofna xil ama xoolo ha ku siinin.
  • Abuur laan cilmi baadhiseed oo madax banaan, oo kaa kaalmaysa dejinta siyaasadaha dakhli kordhinta iyo horumarinta adeegyada.
  • Xakamee Adeegsiga awoodaha qaanuunka ka baxsan ee hawlwadeennada Dawladda Hoose ee Burco adeegsadaan. Sida kuwa ay lacagaha baadda ah kaga qaadaan dadka harawsiga u nugul.
  • Bannee waddooyinka lagu xadgudbay ee kuwii dadka ugu hantiga badnaa hunguri xumadu u gaysay.
  • Daryeel gaadiidka iyo macadaadka kale ee DHB, oo aan u malaynayo in aanay jirin gadiid ka dayac xun dalka oo dhan. Daryeel oo yaan dan shakhsiyeed looga faa’iidaysan oo ay ugu horrayso taadu.
  • Magaalada qashinka ka basri oo bilicdeeda soo celi, biyaha jidcaddayaasha jidhaamaystana sidii aad u suulin lahayd qorshayaashada ugu horeeya ka darso.
  • Makhaayadaha cuntada laga cuno badankoodu nadaafadda ma tixgeliyaan, sidaa darteed waxay qayb wayn ka qaataan faafinta cudurada nadaafad darrada ka dhasha. Siyaasad horumarineed u sameeya, wacyigeliya oo korjoogtee.
  • Caqabadda ugu wayn ee ku soo waajahaysaa waxa weeye beddelida hab-dhaqanka bulshada guud ahaan, gaar ahaanna ka shaqaalaha Xarunta, oo qabatimay nidaam maamuleed dibdhacsan oo isku danaysi ku salaysan. Sidaaa darteed dad badan ayaa dagaal kula geli doona oo isku deyi doona inay kugu cadaadiyaan raacidda nidaam maamuleedkii hore ee soo jireenka ahaa. Adkaysi dheeri ah u yeelo culaysyada noocaaas ah.

Ugu dambayn Allaha wayn waxa aan kaaga baryaynaa inuu taldaada iyo go’aamadaadaba ka dhigo kuwo sharcigiisa waafaqsan, oo uu kugu kaalmeeyo caddaalad ku dhaqidda ummadda uu taldooda ku makansiiyay.

Guushu waa xilka oo aad si wanaagsan u gudato e, Alle ha ku guuleeyo walal.

Khadar Faarax Siciid

Khadar.1324@gmail.com