Talo-soojeedin Ku Socota Murashixiinta Golaha Deeganka iyo Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland: Sidee Ayaad Ugu Guuleysan Kartaa Doorashada? (WQ: Khaalid Curaagte)

Xilli loo male-weynyahay in ay ahayd qiyaastii hal qarni ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS), ayuu siyaasigii ama  hadal-yaqaankii weynaa ee Marcus Tullius Cicero damcay in uu u tartamo xil ka mid ah xilalkii ugu sarreeyay  ee dawladihii qadiimiga ahaa ee ka soo talinjirey Yurubta Koonfureed gaar ahaan dhulka imika loo yaqaanno Talyaaniga. Hase ahaatee, waxa uu ahaa  nin ad-adag oo aa laabanin, balse waxa uu ku qasbanaaday in uu kasbasho iyo tanaasul badan sameeyo markii uu walaalkii Quintus talooyin muhiim ah ku soo farraqay.

Intaas waxa u dheeraa, marka  uu Cicero hadlayo xataa shimbiraha hawada ku jiraa way istaagi jireen marka ay ka yaabaan murtida iyo xikmadda afkiisa ka soo burqanaysa iyo isku toosnaanta hadalladiisa.Hase ahaatee, walaalkii Quintus ayaa jeclasytay in uu qoro qoraal talo-siin ah oo uu walaalkii ku garab istaagayo, qoraalkaasina waxa uu ku aaddanaa sidii uu Cicero ugu guuleysan lahaa doorashada uu waajahayo si uu u hanto xilkaas saree e uu calmaday. Si kastaba ha ahaatee, wakhti xaadirkan ayaa la ogaaday faa’iidada uu murashaxiinta oo dhan u leeyahay qoraalkaasi. Waxaa la ogaaday qofkii ku dhaqmaaba in uu xil hanan karo,  xilka loo tartamayaa waxa uu doonaba ha ahaadee.

Quintus waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ walaakayoow, waxa aad leedahay hibooyin iyo karti aan qoraal ahaan lagu soo koobi karin, balse kuwa kaa maqanna waa in aad yeelataa, oo weliba hibooyinkaas iyo kartiyahaas marka aad barato ay u muuqdaan sidii kuwo aad ku soo dhalatay oo kale”. Sidoo kale, Quintus waxa uu ogsoonaa in ay jiraan dad badan oo aan ku faraxsanayn in walaakii Cicero uu xilka qabto, sidaas awgeed waxa uu talo-horteed u shaagay in walaalkii uu si macaan oo dadka dhegahoodu jeclaystaan u hadlo maadaama uu doonayo in uu ku guuleysto xil ka mid kuwa ugu sarreeya jamhuuroiyddaas uu ku noolaa, sidoo kalena uu leeyahay cadow aad u tiro badan oo aan guushiisa jeclayn.

Waxa uu intaas ku sii daray in wakhtigan ololaha hal khalad oo uu Cicero galaa uu horseedi karo in  uu waayo gebi ahaanba xilka uu dirirta ugu jiro ee uu geerida ka xigo. Haddaba, waxa uu si hoos hoos ah ugu waaniyey walaakii in uu soo jeediyey in uu sameeyo olole taxaddarku ku badan yahay oo caqli ku dhisan, isla markaana laga dareemayo karti iyo naxariis isku ladhan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qoraalkiisan ku qaadaa dhigay qodobbo badan oo uu walaalkii guusha ku hanan karo kuwaas oo maanta anfacaya dhammaan qof kasta oo murashax ah, waxaanay kuwa ugu muhiimsani yihiin sidan:-

  1. Ballanqaad Baahida Ku Salaysan: Quintus waxa uu leeyahay oo uu ku soo bandhigayaa buuggan talo-soojeedinta ah ee “How to Win an Election?” habka ugu wanaagsan ee aad ku hanan karto codeeyeyaashu waa in aad dhegahooda maqashiiso kelmaddaha ay u hamuum-qabaan adiga oo ka kalluumaysanaya dareenkooda. Hase ahaatee, waxa uu faylasuufku leeyahay haddii balamahaas la fulin waayo waxa dhacaysa in xidhiidhka codeeyeyaasha iyo la doorteyaashu uu xumaado.
  2. Isugu Yeedh Kuwa Ku Danayneya: Haddii aad leedahay saaxiibbo ama koox-taageero-bulsheed aad is-caawin jirteen, oo xidhiidh rasmi ahi idinka dhexeeyay ogeysii in xilligani ay tahay markii ay amaahda soo celin lahaayeen ama loo baahnaa in ay sii xoogeeyaan xidhiidhka. Weliba dareensii in ay waajibaadkooda tahay in ay ku doortaan, oo adna ku rejoweyntahay in ay codkooda ku siin doonaan. Xusuusi in aanad hore waxba u weydiisan jirin dhammaantood, laakiin imika ay tahay wakhtigii kuugu habboonayd ee ay is-garbtaag iyo taageero kuu muujin lahaayen. Hase yeeshee, haaddii qofka aad codka ka doonaysaa aannu ahayn qof aad is-caawin jirteen oo aad deyn isku lahaydeen, u sheeg in abaalkiisa aad gudi doonto oo aad u celin doonto maalgashigaas uu kuu huray.
  3. Ogow Barta Ay U jilicsanyihiin La Taartameyaahaadu: Quintus waxa uu si toos ah u sameeyay cilmi-baadhis uu ku dersayey murashaxiintii kale ee walaalkii ka soo horjeeday, wuxuuna sheegay in murashaxa guuleysan karaa uu yahay midka ka faa’iideysta barta ay u nugul yihiin murashaxiinta kale, isaga oo isku dayeya in uu kor u soo qaado awoodahaas ka maqan muraxiisnta kale.
  4. Ammaanid Been Ah: Quintus walaalkii waxa uu uga digay is-giijinta iyo keni adayga, wuxuuna ku yidhi waa in aad barato ammaanta iyo sida dadka loo buunbuuniyo marka aad doonayso in aad qabato xilkan oo kale. Waa in uu qofka murashaxa ahi awood u leeyahay in uu codeeyeyaasha dareensiiyo in ay yihiin kuwo muhiim ah, oo isku arka dad qaali ah,, la’aantoodna aanay waxba suurtagal noqnaynin. Sidoo kale, waxa uu leeyahay waa in marka aad codeeyeyaasha mid ka mid ah salaamaysid aad gacanta cabbaar ruxdid oo aad si fiican u dhegaysato cabashada qofkan.
  5. Rejo Ku Abuur Dadka: Shayga ugu muhiimsan dhammaan arrimaha ololaha oo dhammi waa in aad dadka rejo geliso oo aad u sawirto deegaanka oo is-beddel ku yimid oo rayn rayn iyo damaanshaad dhammaan codeeyeyaashu ku jiraan haddii ay adiga ku doortaan. Haddaba haddii, dadaka aad ku qanciso in aad badda malab ka dhigi karto, waxa hubaal ah in ay naftooda kuu huri-doonaan codeeyeyaashu.

Ugu dambayn, waxa ay shantan qodob inna tusyaan xeeladda aad ku kasban karto shacbiyad kuu hoggaansan, isla markaana ku qanacsan kartiyahaaga iyo awoodahaaga oo kuu horseedi karta in aad ku guuleysato xil kasta oo kaaga xidhan codka shacabka. Xogtan aan kula wadaagay waa xog la soo tijaabiyey oo lagu qancay in tahay mid lagu hanan karo xilka loo ordayo.

 

W/Q: Khaalid Curaagte