Talooyin ku aadan ardayda qalin-jebisay (Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Cabdilaahi “Gurey”)

Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa ardayda ka qalin-jebisay jaamacaddaha dalka oo tiradoodu gaadhayso kumanaan oo waliba tiradoodu sii kordhayso sannadba sannadka ka dambeeya.

Ardaydaa qalin-jebisay looma hayo wax qorshe ah oo ay u dejisay xukuumaddu markay dhameeyaan waxbarashada, waxa intaas dheer fursada shaqo lagu heli karo oo aad u yar waxaad arkay boos la soo xayaysiiyey oo ay 500 oo qof codsanayaan oo waliba ay dheer tahay cadaalada la’aan xaga shaqaalaysiinta ah.

Arrimahaasi waxay walaac iyo niyad jab ku abuuraan ardayda markay qalan-jebinayaan. Waxa sannadahan dambe soo kordhaysa in ardaydaa lagu soo tabcay ay tahriibaan beegsadaan.

Hadaba waxaan jeclaystay in aan kula taliyo ardaydaas ka baxday jaamacaddaha iyo kuwa ka bixi doona arrimahan soo socda oo aan is leeyahay wax badan bay ka anfici doonaan mustaqbalkooda haddii alle idmo:

Ka faaidayso wakhtiga: marka ay ardaydu jaamacaddaha ka soo baxaan waxay wakhtigooda ku qaataan maqaaxiyaha ilaa inta ay shaqo ka helayaan. Iska yaree fadhiisiga maqaaxiyaha intii suuro gal ah, wakhtiyada firaaqada aad tahay ku buuxi waxyaabaha naftaada anfacaya if iyo aakhiraba. Hadaad caadaysato markaad soo qalin-jebiso in aad maqaaxi fadhiisato waad la qabsanaysaa oo way adag tahay sidaad shaqo u qabataa.

Ha ka daalin: Niyad jabku waa cudurrada ugu xun ee bani-aadamka ku dhaca, hadaad maanta shaqo laadahay bariba waad heli. Ardaydu markay jaamacaddaha ka soo baxaan ee ay dhawr jeer shaqo isku dayaan markiiba way ka rajo dhigaan oo waxay yidhaahdaan dalka waxba ma yaalaan. Ilaahay bari, talana saaro gacantiisay wax waliba ku jiraane.

Ha ku koobnaan in aad ku shaqaysato mihnada aad baratay oo kaliya: Tusaale ahaan hadaad baratay cilmiga caafimaadka ama dhaqaalaha oo aad shaqo ku waydo ha iska fadhiyin ee isku day in aad qaban karto shaqooyinka la helayo ee waddanka yaala.

Sabir: Sabirku waa tiir dhaxaadka nolosha, waana kii nabigu lahaa Calayhi Salaatu wa Salaam qofka samir laga qadiyey waa qof khayr oo dhan laga qadiyey. Noloshu maraaxil kala duwan bay maraysaa. Hadaad imika jaamacadda dhamaysay marbaa jiray lagu barayay wax akhriska iyo qoraalka sidaas si la mid ah marka aad qalan-jebiso waxa aad galaysaa nolol cusub oo ah in aad ka midho dhaliso waxaad soo baratay oo aad ku anfacdo waalidkii muddada kugu tabcayay. Waxa ka muuqata ardayda jaamacaddaha ka qalin-jebisay sabir daro fara badan iyagoo markaaba doonaya in ay shaqo fiican helaan. Shaqo in aad markiiba heshaa way fiican tahay laakiin duruufta taala dalku way ka duwan tahay.

Shaqo raadis: isku day in aad shaqo raadiso oo aad waliba isticmaasho dariiq kasta oo kuu suuro gal ah haday wastayn tahay iyo haday imtixaan galidba tahay. Ka bilow mutadawacnimo in aad ugu shaqayso hay’adaha iyo shirkadahaba. Ha saluugin oo ha is odhan ma adoo jaamacad ka soo baxay ayaabaad mutadawacnimo ugu shaqaynaysaa.Waa arrin adduunkoo dhan laga isticmaalo mutadawacnimadu, waa salaanka ugu horeeya ee aad ku baranayso shaqada iyo dadka shaqaalahaba ee ka kala shaqeeya meelo kala duwan.

Shaqo abuuris: ceebaha ugu wayn ee waxbarashadu leedahay waxa ka mid ah in ardayda lagu baro sidii uu shaqaale u noqon lahaa oo kaliya balse aan la barin sidii uu meherad u samaysan lahaa. Taana waxaa ka sii daran in goobahan ganacsiga noqday ee waxbarashadu ay ku maaweeliyaan ardayda hadaad halkan ka baxdo inaad nolol wanaagsan ku naaloonayso. Dabadeedna ardaydii waxa isku qaban waayaya waxay la kulmeen iyo wixii ay filayeen Waxaan waliba kula talinayaa dhalinta inay shaqo abuurtaan oo ay isku kaashadaan aqoonta, xooga iyo waliba dhaqaalaha haba yaraadee.

Waxbarashada sii wado oo kor uga sii ambaqaad halka aad taagantahay, waliba isku day inaad qaadato shahaadada heerka labaad ee Masters’ Degreega. Kuna darto koorasyo gaagaaban. Waxbarashada waxa ugu fiican taad adigu is barto

Tahriibka iska ilaali waayo ma waxaad wax u soo baranaysay in aad tahriibto, waxaad arkaysaa dhalllinyar farabadan oo markay jaamacadda ka baxaanba lagu odhanayay way ka baxeen. Shahaadada aad qaadatay maxay kaaga taraysaa jidka aad marayso?. Markaad qurbaha tagtana ma laguu aqoonsanayaa?. Waa maya. Tacabkaaga ha khaasirin oo naftaada iyo maalkaagaba ha halaagin.

Ku talagal in aad noloshii dhabta ah ee aad waajahayso tii iskuulku waxay ahayd aragti la uruuriyay, hadii lix iyo toban sanno lagugu hayay iskuul, Marka suuqa laguugu soo daayay waa adiga iyo raganimadaa sidaad iskaga dhicisaa

La saaxiib dadka ku jira goobaha shaqada. Ha ahaado mid shaqaale iyo mid loo shaqeeyaba arrintani waxay kaa caawinaysaa inaad ka heshid warar badan oo xaga shaqada ah amaba ay kuu soo helaan fursad shaqo oo ay kuu dhamayn karaan.

Ugu dambayn shaqo la’aantu waa arrin ay in la qabaan dunida badankeedu gaar ahaan afrikada madaw ee aynu ka mid nahay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Wax wada qab waa aad.

Cabdiraxmaan Maxamed Sh. Cabdilaahi ( Gurey)

Hargaysa, Somaliland.

abdirahman180@gmail.com