Tartan sawirgacmeedka iyo farshaxanka ah oo la xidhiidha ka hortagga tacadiyadda kadhanka ah haweenka

IRADA waxay qabanaysaa tartan ku saabsan farshaxan iyo sawir-gacmeed (cartoons and paintings) oo la xidhiidha sidii looga hortegilahaa tacadiyada kadhanka ah haweenka. Gaar ahaan tartanku wuxu awoodda saaridoonaa kahortagga guurkakhasabka ah iyo guurka carruurta iyo dhiirigelinta waxbarashada gabadhaha.

Tartankan waxa loogu talogalay in ay kaqayb qaataan ardayda iyo farshaxanyahannada xirfaddan kushaqaysta iyadoo labadan kooxood mid walbagaarkeeda loo qiimayndoono. Waxa abaal-marinlacag ah la guddoonsiin doonaa saddexda Farsshaxan ee ugu fiicnaada.

Tilmaamo sidaaad usoo gudbinayso farshaxankaaga:

  • Farshaxanka waxa lagu soo gudbinayaa warqad cabirkeedu yahay A3 (29”X42”)
  • Waa in farshaxanka aad tartanka kusoo galaysaa uu yahay mid aad adigu leedahay
  • Waa in aad galka warqadda (poster-ka) aad soo gudbinayso aad kusoo dulqorto magacaaga, haddii aadarday tahay iskuulka aad dhigato, telfoon lambarkaaga iyo email-kaaga.
  • Waa in aad soo gaadhsiiso xafiiska IRADA ugu dambay 8/12/2015. Lama aqbalayo in email lagu soodiro, sidaas daraadeed waa in aad xafiiska IRADA keentaa.

Xafiiska IRADA wuxu ku yaallaa Jigjiga-yar, wuxu bari ka xigaa Sawaaxili Super Market.