Tartanka Doorasho cod iyo qof ee Deni iyo Xasan Sheekh (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Madaxweynaha Puntland wuxuu doonayaa inuu doorasho cod iyo qof ka qabyo Puntland si uu ugu faano inuu dalkiisa ka saaray nidaamkii beelaha oo uu u guuray nidaam cod iyo qof ah. Waayo Puntland hore waxa ay u haysatay inay Fadaraalka Soomaaliya ay hogaaminaysay. Muqdisho ayuu doonayaa inuu taariikhdaasi weligii Majeerteen ugu faanaan.

Xasan Sheekh wuxuu isna markii la doortay ballanqaaday inuu sannadka 2029 madaxweynaha ka dambeeyaa lagu soo dooran doono cod iyo qof. Waana sababta uu dhul badan uga xorreeyey Al-Shabaab. Waxaanu ka soo horjeedaa inuu Deni uga horreey doorasho cod iyo qof ah. Waana waxa keenày inuu ka soo horjeesto doorashada Deni wado.

Waxa Qoray: Cali Cabdi Coomay