Tartanka loo galo hoggaanka xisbiyadu waa astaanta qurxinta dimuqraadiyadda Somaliland

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka 4-aad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) waa laba masuul oo dastuurku siiyey darajo iyo hab-maamuus kala sareeya, waxayna isku yihiin Madaxweyne-ku-xigeen cod dadweyne lagu soo doortay iyo Wasiir lagu magacaabay digreeto Madaxweyne, markaa waxa waajibku yahay in Wasiirku u hoggaansamo siyaasadaha, awaamiirka iyo shaqooyinka khuseeya maamulka dowliga ah ee ka soo baxa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka qaranka, saxna maaha in xubnaha Wasiirradu ay talada dalka iyo maamulka dowliga ah ama Xukuumiga ah kula loolalamaan Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka, dastuurka iyo shuruucda dalka ayaana sidaas inoo jideeyey, balse marka lagu jiro shirarka Wasiirrada ama Xukuumadda, sharcigu wuu banneeyey in Wasiirrada iyo Madaxweynuhu si furan uga wada doodaan arrimaha siyaasiga ah ama qorshayaasha Xukuumaddu wadato, laakiin marka la coddeeyo dooddu halkaas ayey ku hadhaysaa. Markaa haddii ay dhici lahayd in Wasiirka Ganacsigu uu saxaafadda kala yooyootamo Madaxweyne-ku-xigeenka iyagoo isku khilaafsan arrin siyaasadeed oo Xukuumaddu leedahay waxa ay noqonaysaa mid khalad ah oo ay waajib tahay in Madaxweynuhu ka qaado tallaabo cad.

Hasayeeshee, doodda uu hadda Wasiirku ku soo bandhigay saxaafadda ee khusaysa loolanka hoggaanka xisbiga KULMIYE waa mid sax ah oo aan lahayn wax sharci-jabin ah, waxaannu Wasiirku inoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu si xor ah ugu tartamo jagada Guddoomiye-ku-xigeenka 4-aad ee KULMIYE, weliba ay jagadaad ku wada loolamaan isaga iyo Madaxweyne-ku-xigeenku, markaa ma jirto sabab arrintaas loogu qabsan karo Wasiirka Ganacsiga, wayna fiican tahay in si furan oo xor ah loogu tartamo xilalka ugu sareeya hoggaanka sare ee xisbiyada qaranka, sharciga ayaana sidaas dhigaya, iyadoo aanay hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland u fiicnayn in aan lagu dhex tartamin xisbiyada qaranka, gaar ahaan xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeennada, sida saxda ahina waxay ahayd in Madaxweyne Muuse Biixi si xor ah oo dimuqraaddi ah loogula tartamo Guddoomiyenimada KULMIYE, balse haddii uu tartan furan si xor ah u dhexmaro Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga waxa ay taasi ugu yaraan qurxin kartaa dimuqraadiyadda KULMIYE dhexdiisa.