Taxanaha qisada Maana Faay ee uu qoray Maxamed D. Afrax, Q. 2aad, (Waxa soo tebiyey Mukhtaar Axmed)

Sheekada maana-faay ee aan idin hor keeni doono waxa ay inna tusi doontaa sida Afka Soomaaliga loogu xardhi karo sheeko casri ah, sida Af-soomaali loogu qori karo  waxa afka Ingiriiska lagu yidhaahdo “Novel” sida afkafka kale ee Yurubta qaarkoodna sida Faransiiska loo yaqaan “Roman” haddaba inta aynaan ku dhex lumin dhegeysiga sheekada waxa habboon in laguu yara inftiimiyo hordhac kooban. Hordhac fududeeya fahanka sida ay qisadu u socoto. Hordhaca noocan ah waxa lagama maarmaan ka dhigaya laba sababood;

Tan koowaad: waa dhererka iyo dhumucda sheekadan iyada ah. Maana-Faay waa qiso aad u dheer dhumucdeeduna aad u dhinacyo badan tahay. Wakhtigu ma saamaxayo in la wada akhriyo lagana fursan maayo in wax badan lasoo koobo. Sidaa awgeed hordhacan guud iyo hordhacyada gaagaaban ee loogu gogol dhigo doono marba qaybta la joogo waxa loogu talo galay inay kabaan dhegeystaha una fudaydiyaan la socodka silsiladda iyo dhegaysiga sheekada amma dhadhansiga sheekada.

Sababta labaad:  Sheekadani uma qorna habka fudud amma habka fudud ee loo weriyo sheekooyinka hiddaha, amma se loo tebiyo dhacdooyinka taariikhda.  Waa sawirro qofka loo hordhigayo sida filimada. Habka ay u dhisan tahay waa sayn-saab isu wada sudhan si doqoni ma garato ah. Toos fudud uma dulun-dulcayso sida daadka. Waa ay guulaamo socotaa sida mawjadaha badda. Adiga oo mawjad dhex mushaaxayay ayaad ku warhelaysaa mawjad kale oo intay tii hore ka hoos dhalatay kula baaxa degaysa. Waa habka loo qoro sheekooyinka casriga ah.

Hordhacyadu waxa ay kaalmaynayaan dadka aan caadaysan akhriska qiso noocan ah. Guud ahaan dadkeennu suugaanta waxa ay kala socdaan uun dhinaca tixda. Tiraabta aalaaba la yaqaannaa waa tan sooyaalka ah sida maah-maahda iyo sheeko carruureedda. Sheeko qoridda casriga ah waa fan innagu cusub welina lala kacaa kufayo. Sidaa awgeed waa lagama maarmaan in dadka loo micneeyo lana taabsiiyo tusaale ku habboon in laga tilmaan qaato. Hordhacan guud waxa aynnu ku iftiiminaynaa afar arrimood amma afarta arrimood ee saldhigga u ah sheeko casri ah. Waxa aanay kala yihiin 1. Milayga 2. Meesha 3. Mawduuca iyo 4. Muuqaal bilayaasha.

Milayga: amma wakhtiga ay qisadu sawirayso sheekada la qoray waa dhammaadkii 1970aadkii iyo bilowgii 80aadkii. Meesha: ay qisadu ka dhacaysaa waa xamar oo joogta badhtamihii 1979kii ilaa 1980kii. Waa markii magaaladanimada Muqdisho maraysay meeshii ugu sarraysay ee ay mar gaadhay, ka dibse nasiib darro laga soo riday. Sawirka Muqdishadii hore ee Maana-Faay ay inna hor keenaysaa wuxuu dadka xasuusinayaa da’da cusubna barayaa sida ay u eekaan jirtay Soomaaliyadii bur-burtay.

Waxa berigaas heegada sare marayay: Hawada dadka, hiyi raaca lacagta iyo u halliilka raaxaysi waalli ah. Ka dabo orodka arrimahaas waxa ka dhashay in lagu qamaamo xumihii reebanaan jiray. Waxa la bannaystay wax kasta oo halis ku ah dalka, diinta iyo dadnimada qofka intaba. Waxa si xun u faafay fasahaad aanay u kala hadhin rag iyo dumar, dhallin yaro iyo waayeel, madax iyo mijo. Fahasahaadkaas waxa horseed ka ah madaxdii laga sugayay inay dadka ku hoggaamiyaan dawga toosan. Qasadka amma u jeedada sheekadu waxa uu ahaa qaylodhaan ka digaysa cawaajib xumada kasoo fool leh xumo falkaas ku socday welina ilaa maanta kusii socda xawli la yaab leh.

biixi223@gmail.com