Taxanaha qisada Maana Faay ee uu qoray Maxamed D. Afrax, Q. 3aad, (Waxa soo tebiyey Mukhtaar Axmed)

Maana-faay waxa ay dibadda soo dhigaysaa dacartii la beerayay dadkan badi ka daahnayd. Waxa ay farta ku fiiqaysaa habdhaqannada kharriban ee halista ku ah horumarkii loo baahnaa. Habdhaqannada sheekadu ka digayso waxa ay u qaybsamaan afar nooc oo kala jaad ah:

Nooca koowaad: waa xumo falkii ka jiray xagga siyaasadda iyo maamulka dalka. Waxa hormuud ka ahaa hoggaamiyayaashii dalka waa qolada uu matalayo maareeye Jaamac Dhage iyo odayada saaxiibadiis ah ee aad ku arki doontaan sheekada. Hantidii umadda iyo hoggaankii gacantooda ku jiray ayay u adeegsanyeen marin habaabinta da’da cusub iyo u horseedka halaag ba’an. Sheekadu waxa aya ka digaysaa bur-burka iyo cawaaqib xumada kasoo socda haddii sidaa lagu sii wado. Waana tii dhab ahaan dhacday markii dhegaha la furaystay digniintii noocaas ahayd.

Qolada labaad ee sheekadu waa la doodaysaa waa dadka weli maskaxdoodu ku qufulan tahay dhaqanno gaboobay amma duugoobay oo carqalad ku ah horumarka iyo dhisidda bulsho casriah. Dhaqannadaas waxa ka mid ah qabyaaladda iyo ku xadgudubka xuquuqda dumarka. Waxa kale oo ka mid ah amar ku taaglaynta aabbayaashu ka bad-badiyaan muquuninta ubadkooda, waxa tusaale u ah guurka khasabka ah.

Qaybta saddexaad waa dhaqanno Soomaalida ku cusub oo ay dhawaan lasoo baxeen magaalo galeenku waa aafo-sidayaal ilbaxnimo la moodo amma is maaweelis laga doono, waxaana ka mid ah; adeegsiga amma isticmaalka maan-dooriyayaal uu ugu daran yahay qaadku. Sababta uu ugu daran yahay waa isagoo udub dhexaad u ah aafooyin is huwan oo midiba mid u horseeddo sida khamriga,xashiishada, sinada amma gogol dhaafka. Waa aafooyin halis ku ah caafimaadka bulshada, dhismaha qoyska iyo mustaqbalka qofkaba. Sida sheekadu muujin doonto waxa xilligaas soo ifbaxay dumar badan oo guryo lagu geerasheeyo u furta isu geynta ragga iyo dumarka.

Nooca afaraad ee sheekadu ka digayso waa habdhanno qayb ka ah dabciga aadmiga meel uu joogaba. Waa hadimooyin ay had iyo jeer haaraamaan hal-abuurka dunidu, waxaana ka mid ah beenta, munaafaqnimada, laba wajiilaynta, xasadka, anaaniyadda amma naf-jeclaysiga, hardanka amma yooyootanka ragga iyo dumarka, is af-garanwaaga waayeelka iyo dhallin-yarada, loollanka hidde raaca iyo casriyaynta ammase is diidka wixii hore iyo waxa hadda cusub iyo xataa doodda qofka iyo naftiisa. Faraqa u dhexeeya waxa qofku iskula hadlo iyo waxa uu dadka tuso amma maqashiiyo ayay Maana-Faay dibadda soo dhigaysaa amma ay ka bixinaysaa sawir aan looga baran sheekooyinka ilaa immika lagu qoray afka Soomaaliga.

Dhanka samaha; sawirrada ay sheekadu sida wayn uga dhex muuqda waxaa ka mid ah caadifadda amma laab-lakaca jacaylka. Wax ay si aad u qoto dheer sheekadani u sawiraysaa dareenka iyo dad la dhaqanka qofka ay asiibtay eebada jacaylka dhabta ah. Xanuunka macaan, xiisaha waalan, xis-gaddoonka silloon, nafhurka xad dhaafka ah, ka dhego la’aanta waanada, dhiirranaanta jar iska tuurka ah iyo dhul gariidka ku dhaca guud ahaanba nolosha ruuxa da’da yar ee ay dafto dabay caashaq.

Dhan kale, sheekadu waxa ay inna taabsiin doontaa dhinacyada suubban ee dhaqanka qoyska Soomaaliyeed, waxa ay dhinacyo innaga tusi doontaa dhumucda faca wayn ee dhaqanka Banaadiriga. Waxa ay hoga tusaalayn doontaa habdhaqankii ay isaga dayan jireen dhallintii berigaas iyo himilooyinkii ay lahaayeen ee badi lagu hungoobay. Intaas iyo in ka badan oo isku wada saynsaaban ayay sawir ahaan innoo horkeenaysaa qisada Maana-faay. Sawiiradaasi si ay dadka ugu duxaan, laabtoodana u doojiyaan sheekadu waxa ay adeegsanaysaa farsamooyin ugub ah iyo aalado fan ah.

Waxa ka mid ah murti, maah-maah, sarbeed, duurxul, kajan, af maldahyo iyo af-shaxanno faro badan ahna kuwa caado ahaan lagu qurxiyo gabayga ammase maansada sida xaraf-raaca iyo humaagyada amma sawir afeedka. Waxa kale oo ay adeegsanaysaa Af-soomaali la isku hawlay in aad loo xulo, aad loo xardho aadna loo koob-koobo. Shakhsiyaadka amma dadka sheekadu ku socoto marba kii hadlayaa wuxuu ka hadlayaa afka lagu yaqaan dadka noociisa ah amma nooeeda ah. Tusaale ahaan Maana-Faay iyo xubnaha kale ee qoyskeedu waxa ay ku hadlayaan lahjadda xamariga ah. Kulmiye waxa uu ku hadlayaa afka dhallinyarada magaalo joogga ah. Jaamac dhegay waxa uu ku hadlayaa afka waayeelka miyiga ku hadal bartay halka cumaray oo ah wiil yar ku hadlayo afka carruuta Xamar ku dhalatay.

Sheeko tebiyaha guudna waxa uu adeegsanayaa afkii dhexe ee reer magaalka caasimadda iyo qalabka warbaahinta. Waa farsamooyinkaas casriga ah iyo fikradahaas taabanaya dadka meesha bukta. Waxa Maana-faay ka dhigay sheekadii ugu xiisaha badnayd uguna caansanayd sheekooyinka ilaa immika lagu qoray Afka-soomaliga sida ay ku tilmaameen xeeldheerayaashii akhriyay wax badanna ka qoray qisadan Maana-faay.

Codka: Qoraa-Maxamed Daahir Afrax

Baahinta: BBC Soomaali

Tebiye: Farxaan Jimcaale

Dib-u-qoray: Mukhtaar Axmed

biixi223@gmail.com