The power of the narrative W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassan )

๐“๐ก๐ž ๐ฉ๐จ๐ฐ๐ž๐ซ ๐จ๐Ÿ ๐ญ๐ก๐ž ๐ง๐š๐ซ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž- ๐‘จ๐’˜๐’๐’๐’…๐’‚ ๐’”๐’‰๐’†๐’†๐’Œ๐’‚๐’…๐’‚๐˜”๐˜ข๐˜ฒ๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ฐ ๐˜ฉ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ฆ ๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฌ๐˜ถ ๐˜ง๐˜ข๐˜ข๐˜ง๐˜ช๐˜บ๐˜ข๐˜บ ๐˜ฃ๐˜ฐ๐˜จ๐˜ข๐˜ฏ

Waxa laga yaabaa marka sheeko la soo hadal๐“๐ก๐ž ๐ฉ๐จ๐ฐ๐ž๐ซ ๐จ๐Ÿ ๐ญ๐ก๐ž ๐ง๐š๐ซ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž Dr-Abdikarim D Hassan qaado in ay maskaxdaada kusoo dhacdo sheeko caruureed, yaraantii hab xiiso badan lagaaga sheekeeyay . Ayeeyooyinka ayaa sheeko xariirta iyo maaweelinta caruurta inta caano liska la sugayo u qaabilsanaa qoyska reer miyiga ah ee Soomaaliga ah. Sheeko-tebintu waa dhaqan caalami ah oo umadaha dunidu wadaagaan; waaana habka ugu daโ€™wayn ee aqoonta, hidaha iyo hayb soocda bulsho la isugu gudbin jiray. Waxa xaqiiq ah in sheeko-tebintu aanay ku koobnayn madadaalinta da’yarta iyo cawaysiinta caruurta, balse waxay sheeko-tebintu qayb wayn ka tahay nolol maalmeedkeena.
Sheeko-tebintu waaa nuxurka dhiganeyaasha la akhriyo, filimada la daawado, iyo sheekooyinka yaryar ee lama filaanka ah ee nolol-maalmeedkeena ka dhasha. Sheekadu ama waa agab lagama maarmaan ah oo waxa lagu dhiso ama hub halis ah oo wax lagu dumiyo. Waa hab wax ku ool ah oo saamayn lagu abuuro, bulsho lagu jiheeyo, lagu maamulo, xidhiidho adagna lagu dhiso.

Sheeko-falkintu waxay laf dhabar u tahay xirfado tiro badan oo tobanaan kun oo qof si joogto ah ugu foogan yihiin: xayaysiinta, jilidda iyo madadaalinta, abaabulka, qaadhaan ururinta, wacyi gelinta bulshada iyo qaar kale ayay fariintoodu u baahan tahay abuuridda sheeko dhisan, dareen leh, macquul ah oo hab fikirka qofka bedeli karta, ama ugu yaraan, iswaydiimo laabtiisa cudha kaga tagi karta.

Ufiirso, gurmadka bani’aadanimo ee sheeko ku saabsan waayaha hal qof oo bukaan ah oo dac-daraysani ay abaabuli karto- siyaasado ayay bedeli kartaa, mas’uuliyiin karti darreeyay ayay sahayankartaa, isla markaana mowduuc balaadhan ayay bulshada u iftiimin kartaa- waa waxa lagu magacaabo “๐’•๐’‰๐’† ๐’‘๐’๐’˜๐’†๐’“ ๐’๐’‡ ๐’•๐’‰๐’† ๐’๐’‚๐’“๐’“๐’‚๐’•๐’Š๐’—๐’†”.
Sheeko dhab ah oo si xirfadaysan loo wariyay ayaa yeelan karta awood ay ku kiciso kumanaan qof oo ay ku bedesho hab-fikirka bulsho dhan. Waxbarashada, warbaahinta, iyo guud ahaan siyaasada ayaa u baahan sheekooyin curintoodu sarayso nuxurkooduna mugleeyahay oo toos ula hadla qalbiga iyo maanka dadka si loo bedelo jihada loo socdo. Sheekooyinku waxay leeyihiin qaabab kala duwan hasayeeshee dhammaan waxay wadaagaan dhufsane yare: halkii ay xog mutuxan kuu dhiibi lahayd sheekadu waxay ku bartaa qof laga yaabo in aad isku duruuf tihiin.

Sheekadu waxay sawirtaa humaag, waxay yeedhisaa dhawaq, waxay leedahay laxan iyo danan la falgala siddeyaasha wadnaha iyo saablayda feedhaha. Sheeko kastaa ta ay kasii laxow iyo ladh kulushahay ayay ka saamayn badantahay; hadii aanay dareenka dadka ruxin ma aha sheeko si fiican looga shaqeeyay.

Qofkastaa wuu hayaa sheeko ama wuu alifi karaa laakiin sheeko tebintu waa hibo lagu xoojiyay xirfad iyo laylis. Hadii sifiican loo dhiso ujeedo sugan loo asteeyo waxay noqotaa aalad xoog badan oo lagu gaadho ujeedooyin waawayn. Caruur iyo cirroole ba waa loo baahan yahay sheeko qiimo leh oo qiyamka wanaagsan, dhaqanka iyo diinta, ubadka ku barbaarisa, waayeelkana dariiqa runta ee raandhiiska wanaagsan ku hagta.

Bulshada sheeko ururiso oo isku duubta u baahan: sheeko la wadaago, la isugu habrado, la isugu damqado oo la isku afgarto ayay bulsho kastaa u baahan tahay. Qaranka ayaa sheeko dhisan oo qaybaha bulshada isku haysa, sooyaalkiisa werisa, noqota muraayad la isku wada daawado aan ka maarmin. Sheekadaas waxa la yidhaa โ€œthe national narativeโ€ -waa sheeko, sida xabagta, isku xejisa bulshada oo lagama maarmaan u ah jiritaanka bulshooyinka. Hadaad raad raacdo, aduunka dalkastaa waxa uu leeyahay sheeko u gaar ah oo tilmaamaysa gaar ahaantiisa iyo sarayntiisa (uniqueness and superiority).

Sheekooyinku way duugoobaan, qiimohooduna (relevance) hoos ayuu u dhacaa markasta oo facii sheekada falkiyay ee la kacaamay ay lib-dhaan, waajahada bulshadana gabaabsi ku noqdaan. Taasi waxay waajibisaa in seeska sheekada ku dhisnayd, nuxurkeeda iyo muggeeda dib loo habeeyo si ay ugu cuntami karto lodadka cusub, ulana jaan qaadi karto duruufaha siyaasadeed, iyo dhaqan-dhaqaale ee bulshada kusoo kordha.

Sheekada qaran leeyahay waa la fidin karaa si ay tafaasiil cusub u qaado, jiilal iyo degelo cusubna u xiise geliso. Taas caksigeeda waa lasoo koobi karaa si deegaano ay hore u dabooli jirtay dibada loogu saaro. Waxa hubaal ah in sheekadu- mid qofeed, mid bulsho iyo mid qaranba- ay marwalba lagama maarmaan tahay, waxaase lagu kala badiyaa sida loo qaabeeyo ee loo adeegsado. Umad aan sheeko qaran oo ay isla ogoshay lahayni ma xasisho. Maxay ahayd, sheekada qaran ama bulsheed ay Soomaaliland lagu dhisay? seeskeedu muxuu ahaa? Mugeedu intuu leekaa? Walise ma jirtaa oo bulshada ma ururisaa? Ma u malaynaysaa inay cusboonaysiin u baahan tahay? Amaba in laga guuro, oo mid cusub la falkiyo? Daruufaha taagan dartood, waa suโ€™aalo u baahan in la is waydiiyo.