Tiirarka ay wadaagaan Warbaahinta iyo Dawladnimadu (WQ: Sahra Ciidle)

Waxa jira tiirar ay wadaagaan Warbaahinta iyo Dawladnimadu:

Aan ku hor maro tiirarka ugu muhiimsan aas aas ka Hey’ad warbaahineed oo guulaysata ama horumar gaadha:

1- Siyaasad cad oo loo dejiyo hadafka laga leeyahay in warbaahintaasi la sameeyo ama ay shaqayso, siyaasadaasi oo aan is la bedelin qofka hey’adda madaxda ka ah fikirkiisa ee wax laga bedelo markii loo baahdo duruufo jira awgeed qof kali ahina aanu bedeli karin.

2- xeerar iyo shuruuc kala hagta hawlwadeenada hey’adda dhexdooda iyo kuwo kala u dejisan qaabka ay hey’adaasi warbaahineed u hawl galayso ee ay kula macaamilayso dadka ku xidhan.

3- jaangoynta wax soo saarka warbaahintaasi iyo qorshaha wakhtiga ay Dadku si joogto ah u filan karaan wararka ama warbixinaha.

4- Dejinta xeerar aan wariye yaashu ka gudbi karin markay hawsha ku jiraan.

5- Khuburo ruug cadaa ah oo aan badanaa la arag ama laga maqal warbaahintaasi balse muska dambe u fadhida soo saarista barnaamijyada, erey bixinta, iyo waayo aragnimada shaqada.

6- dhalin yaro u darban qabashada shaqada iyo tebinta wararka iyo warbixinaha.

7- Guddi gacanta ku haysa siyaasada iyo shuruucda hey’adda oo ka gar qaada ama dhegaysta cabashada madaxda iyo shaqaalaha isla hey’adda lafteeda iyo cabashada ay soo gudbiyaan dad waynuhu.

8- Garyaqaano qaabilsan dacwadaha warbaahintaasi loo qabsado ama Daawadaha ay cid ku oogayaan, waana inay yaqaanaan dastuurka iyo xeerar ka wadanka iyo siyaasada warbaahinta ay wakiilka u yihiin, maaha in wiil ama gabadh lawyer ah Suuqa looga yeedho.

9- Sanduuq dhaqaale ama maaliyadeed oo laga bixiyo hadii qof shaqada wax ku noqdo, ama qof shaqaale ahi cid kale dhibaato u gaysto isaga oo shaqada ku jira ama hadii Ganaax ama magdhow lagu yeesho hey’adda.

10- qaybta Suuq gaynta iyo ilaalinta sumacadda hey’addaasi warbaahineed, kuwaas oo la socda aragtida bulshada iyo waxa ay ka aamin San yihiin warbaahintaasi, waxa lagu xanto waxa lagu dhaliilo iyo waxa ay kaga hor mari karaan hey’adaha kale ee Suuqa kula tartanaya.

Toban kaa qodob ayaa sal u ah dhismaha wargeysyada, TV yada iyo Idaacadaha Caalamka ee aad og tihiin inay jireen boqolaal sano ama in ku dhaw oo aan mar qudha hoos u dhicin ama aan laga caajisin.

Wabilaahi towfiiq.
W:Q Sahra Ciidle