TIIRKA SADDEXAAD W/Q(Kamaal marjaan)

Qofnimadaada waa seeska xidhiidhka aad bulshada la leedahay. Waxyaabaha ay qofnimadaadu ka samaysanto waxaa ka mid ah, aqoontaada, anshaxaaga, iyo macaamilkaaga. Waxa ay xoojiyaan xiisaha iyo soo dhoweynta ay bulshada ku hayso, sidaas awgeed mar kasta oo aad caan noqoto ama caannimo raadinayso, waa in aad dib u qiimayn joogto ah ku samayso habdhaqankaaga, aqoon-korodhsigaaga, waxbarashadaada, iwm.

2. TIIRKA AFARAAD: Xirfadda iyo aqoonta

Xidhiidhku sidiisaba waa wax isdhaafsi iyo danwadaag. Mar kasta oo ay badan yihiin danaha iyo waxtarka ay bulshada kaa dheefayso, waxaa kor u kacaya dhegeysigooda iyo xiisaha iyo kalgacalka ay kuu qabaan, waxaana la kordha awoodda aad u yeelanayso in aad saamayn ku yeelato rayigooda iyo go’aamadooda. Waana tiirka ugu muhiimsan ee caannimada qofku ku dhisantahay.

Xirfad in aad leedahay, iyo aqoontaada oo aad kobcisaa waxa ay ka mid yihiin, waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qof kasta oo caannimo raadis ah, ama inta uu caan noqday doonaya in uu sii xejisto hanashada quluubta dadka.

Dhinaca kalana mar kasta oo ay aqoontaada iyo xirfaddaadu sii korodho, waxaa hoos u dhaca baahida aad dadka u qabto iyo ku tiirsanaantaada. Soomaalidu hore ayaa ay u sheegtay in baahi badan iyo bukaan badanba la isku naco, sidaas awgeed xirfaddaada iyo aqoontaada aad kobcisaa waxa ay yaraysaa baahida aad u qabto caawimada bulshada, waana mid ka mid ah sababaha jacaylkooda aad ku kasban karto.

TIIRKA SHANAAD: Isku kalsoonow, hana dagsoomin

1. Kalsooni in aad naftaada ku qabtaa, waxa ay ka mid tahay sababaha lagu kasbado shacbiyadda. Kalsoonidu dhiirranaan ayaa ay keentaa, laakiin weligaa ha isku qaldin dhiirranaanta iyo indha-adaygga.

Kalsoonidu waa in aad dareento awooddaada runta ah, kaddibna ku dhiirrato ka midha dhalinta waxa aad awoodda u leedahay, waana furaha guusha iyo kasbashada quluubta bulshada.

2. Dagsoomid: iska jir in aad naftaada ku dagsoonto; Waa adiga oo iska dareema awood iyo karti aan run ahayn. Waa in adiga oo bulshada isugu muujiya ama u xilqaada hawlo aanay naftaadu ka soo bixi karin, balse adigu uun aad u fahamtay in aad ka dabbaalan karto.

Haddii kalsoonida nafta aad ku qabtaa ay dhiirranaan keenayso, bulshadana kuu soo jiidayso, ogow, dagsoomidda aad naftaada ku hafarto wax aanay awoodini, waxa ay kugu dhiirrigelisaa indha adayg, waxa aanay idin kala fogeynaysaa bulshada.

Cidina ma jecla ama taladiisu saamayn kuma yeelato ruux ay ogtahay in uu xaajada indhaha ka ridayo, xitaa haddii ay sacab badan u tumaan. Tallaabo kasta oo xidhiidhka bulshada la xidhiidha ku qiime, illaa xadka ay naftaadu ka dabbaalan karto, aqoon ahaan, faham ahaan iyo tamar iyo karti ahaanba.

3. Xaqiraadda nafta: In naftaada aad xaqirtaa waxa ay idin kala fogeynaysaa bulshada. Qof kastaa waa uu necebyahay, kana dagaalamaa in Naftiisa ay cid kale quudhsato, laakiin ma dareenno in mararka qaarkood aynnu innagu nafteenna xaqirno.

In qofku uu dareemi kari waayo, ama qiimayn kari waayo awoodda runta ah ee ku jirta iyo heerka kartidiisa iyo aqoontiisa, taasina ay ka keento in uu ka gaabiyo wax badan oo uu ka midho dhalin kari lahaa, waxa ay noqonaysaa in naftiisii uu xaqiray. Waxa aanay caqabad ku noqotaa caannimadiisa oo ugu dambaynta ay burburiso.

Weligaa naftaada ha quudhsan, bulshadana ku hoggaami waxa aad ogtahay in aad awood iyo aqoon u leedahay.

 

Bandhige@gmail.com