Tilmaamaha Addoomaha Alle, Q.1aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

Aadanuhu waa mid ogsoon mar walba in ay jirto awood isaga ka weyn oo abuurtay, intooda badani waa kuwo diin leh oo kutubta samaawigaa rumaysan, xagga qaarkood ka leexato oo meel iyagu samaysta waxa ay caabudayaan, waana dhaqan soo jireen ah maantana waddamada Hindiya iyo Jaynuhu tusaale kuugu filan yahay.

Aadanaha qaarkood ayaa iyagu diiddan jiritaanka Alle oo loo yaqaan Alladiid. Alladiidku maaha wax maanta bilaabmay, se waa wax qarniyo badan soo jiray marlaxadana soo maray, aragtiyahooda doodeedna ku salaysan yihiin abuurka, geerida iyo soosaarista dambe. Aragtiyahooda ku salaysan kownka iyo abuuritaanka aadanuhu waa mala’awal aan maanku qaadanayn.

Dunidu way iska ahaatay, nooluhu wuu is arkay uun, waa doodihii hore loo jabiyey ee ku salaysnaa kolkay la yaabaan aakhiraa la isa soosaaraya ay odhan jireen, “Ma inta aanu lafo noqonno ayaa dib la noo soo saaraya?” kuna tilmaami jireen sheeko xariir aan sal lahayn. Kuwa maanta joogaana waa qaar tubtaa haya. Waxana jabiya dooddodaa aayadda sida maangalka ah inoola hadlaysa, aqoonyahan kastana su’aashaasi maskaxdiisa raad ku reebayso, “Ma waxba la’aan ayaa laga abuuray mise iyagaa wax abuura.” Doodaha jabiya ayaa ah qaar meel ku tiiriya abuurka ileen ma jiro wax iska ahaadaa e’.

Addoonnimada waxa lagu qeexaa; qofku cid uu rumaysanyahay in uu ka awoodyar yahay in uu isku dhiibo, una talasaarto ka arriminta hab-nololeedkiisa, iyo ka soo godlinta hawlqabadkiisa ruuxiga, una hibeeyo dhammaan xubnihiisa, isaga oo isu tusinaya in uu kaga helayo abaalgud nololeed iyo mid dambe (haddii uu aaminsan yahay soosaaris).

Addoonka Muslimka ahi waa mid isagu intaaba ka nugul mar walba ogsoon in uu jiro Alle mar kasta iyo meel kasta kaga warhaya, waana sababta uu uga dhowyahay aadanaha kale xagga dhowrsanaanta. Haddaba iyada oo tilmaamahaa oo dhami jiraan ayaa Alle si gooniya u sheegay tilmaamo aan lagu garan waayin addoomihiisa. Suuradda Furqaan aayaadaha u dambeeya waxa uu si xidhiidh ah u taxaya sifooyinka ay leeyihiin addoomihiisu.

Waa tilmaamo ay tahay inta in aynu isu-jaangoyno inta aynu sifooyinkaa u jirno, haddiise aynu is mahadino hubaal waa qaar ina seegaya. Qof kasta waxa la gudboon inta uu aayaadaha akhriyo in uu isagu isu eego, deeto ku dedaalo siduu tilmaamaha ugu sugmi lahaa.

Idilkood waa tilmaamo inagu hagaya habdhaqan wanaagsan, gacmo furnaan, dhowrsanaan, is-dhul-dhigid, runsheegnimo, Alle oo laga magangalo hoygiisa naareed iyo isaga oo mar walba xusuusnaantiisa la weheshado. Isku soo xoori oo waa sifooyin innagu hagaya tubta toosnaanta, jiritaankeenna qofnimana ka dhigaya qaar la majeerto.

Ilaahay SWT, waa mid inoo dhow oo danteenna, wanaaggeenna iyo horumarkeenna inala doonaya, waxa uu ina faraa waa mid shakhsiyaddeenna dan u ah oo innaga ay tahay in aynu uga mahadcelino in uu tubtaa innagu hagayo. Waa mid qof kasta oo tilmaamaha laga helo dhammaan dadku ku wada bogaadinayaan, iskuna soo wada hallaynayaan shakhsiyaddiisa.

Hubaal waa tilmaamo adiga uun wax ku taraya oo aad u baahan tahay haddaad la timaaddo in aad Alle ugu mahadceliso garashada uu ku garansiiyo ku sugnaanta tilmaamaha.