Tilmaamaha Addoomaha Alle, Q.2aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

“Addoomaha Alle waa kuwa dhulka u socda si dhibirsani ah.”

Aqoonyahanka fasira Quraanku waxa ay ku sheegaan furfuridda aayaddan socodka addoonka dhowrsan ka hadlaysa, in uu yahay mid u socda dhulka si dhibirsani ah, oo degenaansho ah. Fooladdada ha u sido mufasirka Mujaahid oo inta badan loo xigto furfiridda aayaadahu. Aayaddani waxa ay tilmaamaysaa in addoomaha Alle astaantooda ugu horraysaa tahay in ay dhulka u socdaan si degen oo aan is qaadqaad lahayn.

Waxa layaab leh tilmaanta Alle ugu horraysiiyey sifooyinka addoomihiisa lagu gartaa in aanay ahayn hadal iyo waxqabad toona, se daymada kowaad aad ka garanayso safka uu kani ku jiraa ka uu yahay, waa tilmaan ilqabad ah oo aanad meelo kale ka raadinaynba.

Alle SWT, waxa uu inoogu sheegay in tilmaanta kowaad tahay in addoomihiisa inta aanad waxqabadkooda eegin ay yihiin qaar si dhibirsani ah dhulka u socda. Maaha qaar isqaadqaad badan oo isweyneynta yaqaan. Degenaanta qofka waxa ugu horreeya ee lagu gartaa waa habka uu talaabada u qaado, haddii uu ciidda iska ilaalinayo, oo boodhka iska dhowrayo ama uu shaash iska kicinayo sidii uu dhulka cagihiisu kala goynayaan waa moogane aan ahayn kuwa Alle sheegayo.

Ilaahay isaga oo kaa la hadlaya miyaanu ina odhan, “Dhulka si kibir ku dheehan ah u soconina; ileen socod dhulka kuma kala goyn kartaane.” Waxa ay aayaddani la hadlaysaa maalinjirka inta uu haystaa wax la tahay ee dadka kale socod ku harawsanaya.

Luqmaan oo Quraanku sheegay in lagu galladay xikmad ayaa dardaaray inankiisi, sida Quraanku soo guuriyo, “Dhulka h soconin adiga oo isqaadqaadaya, Ilahay ma jecla qofka kibirka badan e,”

Isuboggidda qofka adiga oo aan la hadlin waxa aad ka garanaysaa qaabka uu talaabada u qaado, haddii uu yahay mid si degen u socda waa mid ogsoon noloshu inta ay jirto, haddiise uu isqaadqaado oo intaa uu haysto la waynadaan waa dhoohane u baahan in loo gurmado. Socodka qofku wuxu muujiyaa aaminaadda u iska haysto, haddii u si kibir ku dheehanyay u socdo oo isu qaadqaado waa dhoohane.

Astaantani waa mid lagu garto indheergardnimada iyo xilkasnimada, waa mid caksi ku ah aqoondarrada iyo maangaabnimada. Xasiloonidaa ay dhulka ku socdaan waxa ay u sababtaa in ay hantaan aakhiro meelsan, “Hoyga aakhiro wuxu u sugnaaday kuwii dhulka dheeraadka aan ku doonayn xumihiisan ka shaqaynayn.”

Sifadan waxa aynu ka guntaynaa in aynu ka dheeraanno wax kasta oo aqoondarro inoo keenayso, ogaanno islawaynidu in ay tahay tilmaamaha aqoondarrada, inta aynu dhul-is-dhigid leenahay waa inta aynu if iyo aakhiraba sharaf leenahay.

Hoos ka akhri qaybtii 1aad

http://bandhige.com/tilmaamaha-addoomaha-alle-q-1aad-wq-sh-cabdirisaaq-cabdiraxmaan-xasan-rakuub/