Tilmaamaha Addoomaha Alle, Q.3aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

Waxa aynu ku jirnay tixidda tilmaamaha lagu garto addoomaha toosan ee Alle ku xusay dhammaadka suuradda Furqaan. Kolka ay la murmaan ama la doodaan waxmagaratu lama qastaan lamana sii murmaane hadal wanaagsan ayey ku dhaafaan.

Waa astaan muujinaysa gundheernimada qofka toosan, in aanu ahayn mid muran u taagan, mid kasta oo hadal ka bayacmushtaraynayana aan wakhti iskaga lumin, se dantii yaqaan danihiisa uun ka hadla oo dambiga iyo macsida ka dheeraada weeji addoonka Alle ee toosnaanta lagu yaqaan. Ilaahay suuradda Qasas isaga oo tilmaamaya addoomihisa waxa u yidhi, โ€œKolka ay maqlaan hadalka xun waa ay ka jeestaan.โ€

Nooluhu isku garaad iyo isku aragti maaha, dad baa jira shaqadoodu tahay hadal iyo muran, ceebayn iyo maagis joogta ah, kuwaa haddii aad la qasato iyagaad la saf noqon doonta, midda kaliya ee aad sharafkaaga ku ilaashan kartaa waa adiga oo ka gaabsada hadalkooda. Taas ayaa ah tilmaamaha addoomada Alle.

Tilmaanta saddexaad Alle SWT, waxa yidhi, โ€œWaa kuwa Allahood ku barya sujuud iyo taagni.โ€ In habeenkii Alle loo taagnaada waa calaamadaha lagu yaqaannay dadkii wanaagsanaa ee ay ugu horreeyeen ergadii la soo diray. In addoonku habeenkii xilli ka mid ah Alle siiyo oo uu hurdada uga soo tooso Alle SWT dartii waa tilmaan aad u sarraysa.

Ilaahay SWT, markii uu isbarbar dhigayey kuwa aqoonta leh iyo kuwa bilaa aqoontaa waxa uu ka sii horreysiiyey, โ€œRuuxa taagan habeenkaa qaybihiisa isaga oo sujuudsan marna taagan, aakhiro ka feejigan, rajaynayna naxariista Rabbigii.โ€ Waa sifo aad u sarraysa oo lagu garanayo aqoonyahanka Allayaqaanka ah ee qaadaya dhabbada Rabbigii oggolyahay. ย Rasuulku NNKH, waxa uu yidhi, โ€œSalaanta dhexdiina badiya, cuntada dadka siiya, tukada xilliga dadku hurdaan.โ€

Sifada kale ee Alle ku sheegay waxa weeji, โ€œWaxa ay ahayeen kuwo inyar habeenka ka seexda, suruurtana dambi dhaaf ayey waydistaan.โ€ Waa qaar xilliga aadanuhu gamaโ€™sanyahay iyagu Allahood hortaagan, salaad ku hortaagan, baryo ku hortaagan digri ku hortaagan, kuwaasi waa qaar dheeraad leh hubaal. Ilaahayna waxa uu ku sheegay sifadaa addoomihiisa dhabta ah sifadooda.

Tilmaanta afaraad Alle SWT, waxa uu yidhi, โ€œWaa kuwa odhanaya; Allahayow naga ilaali caadabka Jahannama, cadaabkeedu waa mid joogta ahe.โ€ Addoomaha Alle si kasta oo ay u cibaadaystaan maaha qaar isdhigta oo waxqabadyada san ee ay la yimaaddaan la weynyahay deeto ismahadiya se waa qaar mar kasta oo ay cibaadaysanayaan Alle ka magangalaya cadaabihiisa, waydiisanaya jannooyinkiisa. Waynagaa soo arkaynay kuwa habeenka taagani in ay u taaganyihiin rajaynta naxariistiisa iyo ka baqashada cadaabkiisa.

Ilaahay isaga oo la hadlaya nabigiisi waxa uu yidhi, โ€œU sheeg addoomahayga, in aan ahay dambi dhaafaha naxariista. Cadaabkayguna yahay cadaab daran.โ€ Aayadahaa waxa aynu ka arkayna in aynaan Alle SWT yahay dambi dhaafe, leeyahayna cadaab uu kaga aarsado mid kasta oo is kibriya. Waxa uu inna leeyahay u sheeg addoomahayga in aan janno iyo naarba leeyahay, kolkaa is dhigasho meel ma taal.

Cadaabkaa tilmaantiisa Alle kolkii uu ka hadlayey waxa uu yidhi, โ€œMeel lagu nagaado oo lagu sugnaado iyadaa u xun.โ€ Maaha wax aadane sawiran karo cadaabka Alle SWT, ugu talagalay kibraaniga addoonnimadiisa iska weyneeyey. Waa hoy u baahan in mar walba la xusuusnaado oo aan dhalanteed loo haysan, mid kasta oo is dhigtaa waa meel deeqi doonta oo uu dib u calaacali doono.

Alle SWT, isaga oo ka warramaya tilmaamaha addoomihiisa wanaagsan waxa uu yidhi, โ€œWaa kuwa marka ay wax bixinayaan aan xadgudbin, si dirqiyana aan u bixin, labadaana u dhexeeya.โ€ Shareecada Islaamku ma oggola in qofku xoolihiisa dadaadiyo oo si aan xisaab lahayn ugu tasarufo, lamanaa oggola inta sharcigu oggolyahay lala bakhaylo. Waa in si dhexdhexaadnimo ah loo bixiyaa.

Aadanuhu inta badan labadaa sifo ayuu u dhexeeyaa in uu yahay mid xoolihiisa ku tasarufa oo daadaadiya kuna loofara, deeto xoolihiisa dad iyo duunyaba ku baabiya. Waxa magaalka haysta nin lacag leh oo inanyar ku bikrojabinaya isaga oo ka faaโ€™idaysanaya baahideeda, ama saaxiib asxaabtiisa balwado xun ku baraya shilimaadkaa lagaga haybadaysanayo, hadhowna wax aan la mahadin laga dhaxlo

Midna in ay jidhkiisa ka soo goโ€™ayso ayaad mooddaa oo intii Ilaahay faray in la bixiyo ayaa loogu taag laayahay. Shaxaad uu bixiyey ayuu diiwaankiisa sakada gashanayaa, isaga oo hiiftaamaya, shilin kama baxo ilaa wayย  waa uu meeleeyaa waaba haddii wax ka baxaane. Laakiin addoonka Alle labadaa sifo ayuu u dhexeeya, maaha mid dhacdhac loola yimaaddo oo wax aan shareecadu oggolayn wax ku bixiya, mana aha wax Alle faray mid kala bakhayla.

Hoos ka akhri qaybihii hore:

http://bandhige.com/tilmaamaha-addoomaha-alle-q-2aad-wq-sh-cabdirisaaq-cabdiraxmaan-xasan-rakuub/

http://bandhige.com/tilmaamaha-addoomaha-alle-q-1aad-wq-sh-cabdirisaaq-cabdiraxmaan-xasan-rakuub/