Tilmaamaha Wadahadalka Somaliland iyo Somaliya (WQ: Prof Cabdi Cali Jaamac)

Tilmaamaha Wadahadalka Somaliland iyo Somaliya

Dadka Somaliland-diidka ahi waxay rabaan in ay talada innaga lumiyaan. Tusaale, maalin dhawayd waxa la rabay in la igu casuumo dood uu qabanayay TV ga Universal; waxay rabeen qolada TV gu in ay isa soo hor fadhiisiyaan dad reer Somaliland ah oo dhinac yahay  Maxamed Baashe iyo Fosiya X. Aden, dhinaca kale na Dr Bulxan iyo qof kale; waxan ka mid ahaa dadkii la la soo xidhiidhay; runtii waan ka dhacay, sababaha soo socda awgood:

1- haddii laga doodayo mawduucaas ma aha in aan kala doodo Maxamed iyo Fosiya, ee waa in dhinaca kale la soo fadhiisiyaa laba qof oo reer Somaliya ah; sidaa darteed, mar hadduu sidaa u dhigay TV ga Universal, qaabka caynkaas ah waa hiil uu ka hiiliyay qaddiyada Somaliland, dhexdhexaad na kama noqon karo qadddiyadeena.

2-Maxamed iyo Baashe iyo Fosiya anigoo ixtiraamaaya qofnimadooda, waa laba qof oo dadkoodii ka dhex baxay oo ka tashaday, oo si shaqsi ah u go’aansaday in ay ku biiraan dhinaca Somaliya; marka laga yimaaddo talo-goosigaa ay qardajeexeen oo dadkoodii xero ka waydaarteen, waxa aan daw iyo gar ahayn iyaduna in haddana isla iyagii ay horseedaan ama hagaan qaabka Somaliland iyo Somaliya u wada hadlayaan, taasi waxay noqon kartaa lafo maroodi iyagaa la isku jabiyaa; ma aniga ayaan garan geela doofaarku laayay!

3-fikirka iyo talada in Somaliya lagu biiro, oo mar danbe laga tashado gooni isu taaggii Somaliland ee sida sharciga ah loogu dhawaaqay 1991, Burco, way jiraan ashkaas qabta in taladaa dib loogu noqdo, laakiin wali fikirka shacbiyadda lihi waa gooni-isu taagga Somaliland; sidaa darteed, in shacbiyad gacan ku rimis ah loo sameeyo midnimada Somaliya waxay ka soo horjeedda dimuqraadiyadda iyo xaqa ay u leeyihiin ummaduhu in ay aayahooda ka tashadaan, iyaguna waxaba ay ku doodaan waa la cabudihiyaa dadka!!!

4- qodobada sare waa haddii dad rayid ah ama shicib ah doodayaan, haddiise ay noqoto in dawladuhu wada hadlaan, iyadana lama ogola in uu dhicaca kale soo fadhiisto qof ka soo jeeda dhulka Somaliland.

Guntii iyo gebogabadii, marka shicibku doodayo iyo marka dawladuhu wada hadlayaan labadaba talada waxba kuma laha kuwa qardajeexay, ee kaligood talada gaadhay; Somaliduna waxay tidhaa nin taladiisa oo kaliya ku guuray, waa nin orgi rartay!!