Waxaynu ku nool nahay Jamhuuriyada Somaliland oo ku taal Geeska Afrika gaar, dhinaca galbeedka waxa ka xiga Itoobiya, dhinaca waqooyina Jabuuti, dhinaca koonfureedna Soomaaliya, barina gacanka Cadan.
Somaliland xornimadeenii ceelka ku dhacday waxay la soo noqotay 18kii May ,1991kii taas oo kumanaan geesi ahi dhiigooda iyo naftoodaba u hureen si heeryadii cadawga iska tuuraan. Hooyooyin badanina u goblameen, xoog iyo maal waxaynu lahayna ku dhamaadeen.
Waxa maanta laga joogaa wakhtigaas muddo 25 sanno ah, oo bulshadani ay ka soo kabanaysay waxii ku dhacay, dhagahooda wali waxa kasii qaylinaya dhawaaqyadii madaafiicda iyo dhiigii hortooda qul-qulaayay dagaaladii dib u xoreynta SNM.
Muddo 25 sanno ah, waxay ummaddani ku naaloonaysay hor-u-mar iyo barwaaqo, waxaan muddadaa xukunka la kala wareegay 4 madaxwayne si xor ah iyo isku tanaasul oo aan geeskan aynu ku noolnahay ka dhacin, waxaynu hogaanka u qanabay Geeska xaga doorashoonyinka iyo isku dhiibida xilka bilaa xanaftaa ah.
Muddadaas waxa dalka ka socday hor-u-mar balaadhan oo dhinacyo badan ah oo ay ka mid yihiin dhinaca ganacsiga. Bulshada reer somaliland ayaa buuray ganacsiyo kale iyaga oo aan wax taageero caalami ah helin.
Dhoofinta xoolaha nool ayaa ah laf dhabarta dhaqaalaha dalka, dalku malaha warshado waaweyn iyo baanan maal-gashi sameeya xaga shaqada.
Meelaha ugu badan ee loo shaqo tago waa xafiisyada dawladda, ururada, hay’ado caalami ah iyo shirkadaha ganacsiga gaarka ah oo intooda badani ku xidhnaayeen Cadan oo meesha aynu wax kasoo dhoofsano.
waxa iyaduna meesha aan laga saari karin suuqa ugu balaadhan ee aynu leenahay waa Wajaale halkaasi oo aynu xidhiidh ganacsi oo balaadhan la leenahay dawladda Itoobiya, hadaba dal markuu hore u maraayo waxa u astaan u ah warshadaha, dalkena Somaliland waxaa sannadihii u danbeeyey ka bilawday warshadaha yaryar. Tirada warshadaha yar yare e waddanka laga abuuray iyo tartankooda qaybaha qaar ayaa sababay inay qaar guulaystaan, qaarna guuldareystaan, taasina waa ifafaalo hor-u-marineed.
Abuurka warshadaha yar yar ayaanay wali waddanka ka hirgelin kala xadaynta ganacsiga ama warshadaha waddanka laga sameeyey. Taas oo aan ula jeedo haddii qof ama shirkadi wax keento waa laga daba keenayaa taasina waxay faa’iido u tahay bulshada, inkastoo ganacsigu dhaqaale xumo u burburi karo.
Haddaba warshadaha yar yare ee dalkeena ka abuurmay waxa ugu badan warshadaha soo saara biyo, kuwaas oo wax soo saarkoodu ku filan yahay dalka, haddaba waxa maalmihii u danbeeyey suuqyada maagaalooyinka dalka lagu arkaayey biyo la yidhaahdo (AGMAS) oo buux dhaafiyey, kuwaas oo ay soo saarto warshada biyood oo laga leeyahay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
Waxay u muuqataa in Itoobiya Jaad badan usoo iib gaysa dalkeena oo ay ka hesho lacag adagi, ay ganacsatadeedii ay dhadhamiyeen lacagtaasi, oo ay ahayd in aynu tirada farah badan ee 80ka milyan gaadhaya aynu ku xisaabtami lahayn sidii aynu ugaadhsiin lahayn waxa aynu inagu soo saarno ay iyagii inooga horeeyeen oo ay suuq aynu inagu u noqono, taasi waa mid aan ku dhaliilaayo ganacsatada dalkeena oo aan lahayn han ganacsi, bal dib ugu noqda hankiina hana noqdo in waxa aad soo saartaan adduunka kale inuu gaadho ugu yaraana Geeska Afrika oo dad badini ku noolyahay.
Dhanka kale mar haddii wax ugu badan ee warshadaheenu soo saaraan cidhiidhi lagu galiyey gurigooda dhexdiisa waa mid dhiba oo ah in aanay gacanacsatadeenu shilin kordhi mooyee xagii hor-u-marka ka seexdeen .
Waxa kale oo soo socota in dhoofinta xoolaha nool oo ahaa waxa kaliya ee aynu dhoofino in iyagana la inagu tartamo oo gacansatada hada xoolaha dhoofisaa ay la kulmi doonaan tartan adag, sida manta aynu aragno.
Aan hoos u daadagee biyahan maanta aynu ka hadalaynaa maxay kaga duwanyihiin baad isleedihiin kuwa dalka lagu farsameeyo ee ay waliba sameeyaan gacansato wadaniyiina ah oo aynu qudh iyo maanba u garanayno.
Maxaa sababay in ay suuq helaan dad aan muwaadiniyiin ahayn iyadoo dalka aynu ka helayno waxaas ay hayaan wax la mid ah qiimo iyo tayo ahaanba kama jabna xaga qiimaha kuweena. Hadana waynu arkaynaa sida loo daabulaayo ee dhaksaha ah ee ay inagu soo gaadheen, yaa og biyaha la soo saarayo iyo dadka ka shaqaynaaya.
Sidoo kale yaa og biyahani ka iminayaan iyo dadka ka shaqaynaaya caafimaadkooda waayo imika adduunka xanuuno badan ayaa ka jira, waxanna waa biyo oo maaha cunto kulul oo iska xajin kara xanuun dhalliyaha.
Adduunkan aynu ku noolnahay imika biyaha siyaabo badan baa loo kaydiyaa, biyaha la isticmaalo ayaa dib loo nadiifiyaa, laakiin dalkerna alxamdulilaah biyaha la isticmaalaa waxa laga helaa dhulka dulyaal ama hoostiisa ku jira, biyahaas oo inagu filan hadii ayno sifayno iyo hadii kuwa caadigaa ee aynu qasabadaha ka cabno.
Ma jirto maanta baahi inoo keenaysa in aynu biyo shisheeyo keensano oo aynu shaqo abuur ugu samayno bulsho dal shisheeye, halka aynu shaqo abuur ugu samayn lahayn dhallin yarteena jaamacadaha ka soo baxday ee camal la’aantu hayso.
Maxaynu cashuurta ugu gaynaa dal shisheeye inagoo karayna in aynu dalkeena ku bixino cashuurta aynu ku bixinayno meel aan munaasib ku ahayn .
Waxaa inaga maqan ficilkii iyo qayb muwaadinimada ka mid ah baan odhan karaa, waayo waxaa lasamaynayaa dacaayado raqiisa oo odhanaya biyahan AGMAS waa biyo ay ka shaqeeyeen khubaro qiyaasta oo dawlad la ictiraafsanyahay kaantaroosha inaga laynama aqoonsana.
Anigu waxaan qabaa in aanay jirin biyo ka fiican kuwa dalka lagu sameeyo meeshay dooonaan ha laga keene, waayo asaliyanba biyaha dalkeena waana biyo macaan oo sideedaba iskaga filter garaysan.
Waxa kale oo aan odhan lahaa kalyo xanuunka dadkeena hayaba waxa looga dhigayaa in ay ka qaadeen biyaha aynu muddaa dheer cabaynay ee muwadiniinta Somaliland soo saaren.
Taasna cida wadaa dad muwaadiniin ah oo u adeegaya ganacsato shisheeye, iyagoo iyagun keensan kara warshado yar yar oo ay biyahay ku sifeeyaan iyo kuwa kaleba oo shaqo u abuuri lahaa dhallinta dalkeena.
Rooble Axmed Cumar
O63-4381017