Qormada shanaad ee Tixda iyo Taariikhda Abwaan Nimco-gabaydo waxa aynu ku soo qaadan doonnaa gabay la yidhaahdo “waan dhursugayaa” oo ay kula hadashay Golaha Wakiillada Somaliland.
29kii Sebtember 2005ta waxa Somaliland ka qabsoontay doorashadii Golaha Wakiillada, waxaanay dadweynuhu ku xusheen 82 mudane oo isugu jira 80 nin iyo laba haween ah. Kuwaas oo ka kala socday lixda gobol ee waaweyn. Gabaygan magaciisu yahay ‘Waan dhursugayaa’ waxa ay Nimco-gabaydo curiysay xilligii la dhaarinayay mudaneyaashaas la doortay. Waana hilaad ku beegan horraantii bisha Disember 2005ta.
Abwaannada oo sharxaysa sifaha uu gabaygani ku curtay iyo qodobadda uu xambaarsan yahay waxa ay tidhi “Galabinimadii ka horraysay subaxa la dhaarinayo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa waxa ii yeedhay muwaaddin ka mid ah kuwa aan ugu jecelahay Somaliland ee kaalinta kowaad ka qaatay taariikhdayda iyo suugaantayda. Muwaaddinkaas waxa la yidhaahdaa Cabdiraxmaan Axmed Xirsi (Xuunsho). Waxa uu aad iigu canaantay in aan ka gaabiyay kaalintaydii suugaanta, in ka gabay doorkaygii iyo aanan xawaarihii loo baahnaa ku soconnin. Waxa aan u sheegay in aan guulguulka qaadanayo, isagana tilmaantiisa aan hirgelinayo. Waxa aan ku idhi “imaka maxaan qabtaa?”.
Wuxuu yidhi “Berri ayaa la dhaarinayaa Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland, inta aan gabbalku dhicin waa inaad tiriso gabay dardaaran ah”. Markaa waxa aan curiyay gabaygan oo xambaarsan kow iyo labaatan su’aalood.
Iyada oo muddo laga joogo doorashadii Golaha Wakiillada, weli ma muuqato in laga jawaabay weydiimahaas aan u bandhigay”.
Waxa xus mudan in Golahani kuraasida ku fadhiyay muddo ku dhaw saddex-laab intii la doortay. Gabaygu waxa uu iftiiminayaa gol-daloolooyinkii jiray ee la rabay in ay Golahani buuxinayaan. Hal-abuurku waxa ay geeriyootay iyada oo wax la sheegi karo laga qabannin qaybooyinkii ay gabaygan ku sheegtay. Kal-fadhiga kowaad ee Golaha Wakiilladu waxa uu qabsoomay 29kii Nofember 2005ta, sidaas awgeed waxa uu gabaygu soo baxay 28kii Nofember 2005ta
Waxa uu yidhi:
Cabdi Dhoolla-dahablow tixdiyo, dhudihi suugaanta
Dhihiddoodi maan deyin manaan, gabin dhankaygiiye
Dheddignimo intaan ku habradeen, keli is-dhuubaayay
Marna aan nin iyo reer dhaqeen, dhalayay awlaadda
Ayay dhacantay hawraarti oo, rag iga dheereeye
Mar se haddaan dhambalo oon laftiyo, dhuuxa ka abbaaro
Carrab igu dhaliiliyo ma jiro, dheg i saluugtaaye\
Caawana dhambaalkiyo naxwaha, Mawle igu dheehay
Waa dhaabad culus iyo afeef, dhiirri-gelineede
Dhegaystoo Samaaliyo[1] Cirrow[2], yaanay idin dhaafin
Haddaad tahay indheer-garad ku mudan, dhabadintuu joogo
Aseed gabay ku dhaantaynaysiyo, maanso kuu dhaqana
Alla magan xaq baa lagu dhintaa, lagu dhawaadaaye
Kuraastiyo dhismahan baarlamaan, een ku dhaadanaynno
Qoladiinna foodku u dhaceen, dhigannayow maanta
Kuwii tobanka dhow-dhow fadhiyay, ee la dhaadhiciyay
Ma tihiin rag dhaamoo iyagu, dhaanka noo raraya?
Ma se tihiin ammmaanadan dhabtiyo, fuushay dhabarkiinna
Cirka iyo dhulkaa diiday oo, waa wax dhumuc weyne
Mataanow dhammayso u qalmoo, dhaarta oofinaya?
Saddexdaysu dhigantee anfaca, dhuunigaad karinna
Dheri laguma aammino hadday, kala dhantaalmaane
Ma tihiin dhadhaarro is-ceshiyo, dhud iyo diirkeeda
Dhuuntuba afkiyo moqorka way, kala dhex taallaaye
Idinkuna Dhammow gacalleyaal, waad u dhigantaane
Ma tihiin dhugley dawladdiyo, dhoohanow shicibka
Labadaba wakiillo u dhashoo, dhinac kasta u doorran
Ma tihiin abaal lagu dhib tiray, lagana dhawraayo
Waxa dherersadoo guda raggiyo, dhogor-yarow geele
Dar dhiilkii iyaga loogu shubay, nagu dhansiinaaya
Nimanyahaw damiirkii dhintaa, dhaadi-waa xumo’e
Ma tihiin dhibbaneyaal xilkay, noo qabteen dhibayo
Ma tihiin wax loo dhiibo iyo, dhururi laaluusha
Ummaddiyo dhulkoodiyo rag aan, dhaafsanayn calanka
Ma se tihiin dan guud waxa ku dhacay, dhaawac faraweyne
Dhakhtar lagu daweeyiyo digtoor, dhayaya boogteeda
Ma tihiin hantidan loo dhan yahay, ee dhextaal qaranka
Shaqaalaha in uu dhaco bartiyo, daallinka u dhuunta
Hanti-dhawrro daba-taagan iyo, heegan lagu dhaato
Cashuurtiyo dhaqaalaha dalkee, dhayli soo baxaya
Waxa Maxamed Xaajow dharqada, oo dhadhoonsanaya
Ayax tegay dhashuu aasay iyo, eelki uu dhigaye
Ma tihiin rag dhiig-miiratada, naga dhufaanaaya
Ma tihiin waddaniga u dhashee, dhacar ku soo doogay
Xaqiisuu la’yahayuu dhufsaday, kii ku yimi dhoofku
Gurmadkii u soo dhicin lahaa, ee u dhiidhiyayay
Ma tihiin cadliga dheelmadee, dhababka loo jiiday
Dhakhso niman u soo saarayoo, daafta soo dhigaya
Ma se tihiin dulmiga laga dhergee, ii dhadhami waayay
Dhawrsooneyaal laga nahyiyay, oon u soo dhididin
Dhulmo uu qof kale leeyahoo, dhac iyo xaaraan ah …….
Ma tihiin aqoonsiga ka dhiman, dhaaxa libinteenna
Dhudhubtana ku jira ee wax soo, dhirindhirsha u baahan
Dhaqdhaqaaq aqoonyahan ahoo, guul ka dhalinaaya
Lixdankii markay noo dhasheen, dhiilasha u culannay
Waa taad dhooy la’aan iyo fudayd, ula dhaqaaqdeene
Dhadhab lagu riyoodiyo midimo, aan dhulkaba joogin
Usha waydinkii ugu dhufteed, Xamar u dhiibteene
Qabillow[3] hir dhalanteeda ah iyo, dhir iyo ceeryaamo…
Waydinkii u dholondhoolliyee, dhu’iyay Maandeeqe
Dhanaaniyo Mareerrayda iyo, Dhooblay iyo Waamo
Labaatan iyo dheeraad sanay, Dhudi ku laalnayde
Oo ay dhirmaanyiyo yaxaas, kala dhex taagnayde
Imakana Dhammayseey halkay, taallay dhiribteedu
Dhayal iyo kumay ciyaar, dhawrto iyo doode
Dhagar iyo dagaal iyo qax iyo, dhaawac iyo geeri
Waa taan ku dhiciyeen naftiyo, maalka dhaafsadaye
Ma tihiin dhab baa loo hadlaa, sidigtan Dhaameela
Cartanow[4] dhalooti u kacdiyo, dhoobbiyaal jiraya
Mase tiin hadday dhaharatoo, rag is-dhafoor-taabto
Nabadduna dhunkaal daaqdo iyo, dhiro-qadhaadhoodka
Hubna la isku dhilo oo colaad, laysu dhigo beerka
Hadduu cadawgu meel dhaw ka yimi, oo amaba dheeryay
Axmedow[5] dhadhaab shiilcasiyo, dhamac difaacaysa
Ama geesiyaal dhiirran oo, aan dhanbacanaynnin
Hadday dhabaqdo xaajadu bulshana, dhiifi kala gaadho
Ma tihiin rag aan dhiig qubtiyo, dhiillo soo korodhay
Ka daboolin dhegahooda iyo, labada dhaayoodba
Inta dhagida Soomaalilaan, hooyo lagu dheelay
Dhugucdee sidaydaa ilmaha, kii ka dhalay noolyay
Dhexdaw xidhatayee ciilka iyo, qulubku dhaandhaamay
Dheddigguu dayacay aabbihii, dhaqi lahaa reerku
Misna yidhi “dhallaankuun korsada, dheeftana u raadsha”
Ee suuqa dhoobani ka badan, dhagaxa buuraaye
Dhabeelaha lug-go’ay ee hungada, qoomammo u dheertay
Ee dhabanna-hayskiyo ku jira, dhaygaggiyo yaabka
Ma tihiin xuquuqdooda dhiman, qaar dhammaystiraya
Iyo mudaneyaal waxa ku dhacay, hoos u dhuganaaya
Mase tihiin dhabbada toosan iyo, dhidibka diinteenna
Gole nagu dhaqaayoo xijaab, nagu “dhag” siin doona
Ma tihiin dharaaraha wakhtigu, way is dhurayaane
Car intaan shantaa sano dhammaan, een dib loo dhugannin
Dhito looga aayiyo kuwii, dhaxal-gal reebaaya
Dhambaalkii suaalaha Tukow[6], waan dhammays tiraye
Jawaabtuna dheh maahiyo afkood, kaga dhawaaqdaane
Waxan dhawri ficilkiinna oo, waan dhursugayaaye
Idinna dhool onkoday oo intuu, dhibica sii daayay
Dhudhumaha xareedduu wadhee, dhaamamkii geliyay
Dhoomaha ka buuxsaday dadkii, oon la dhugatoobay
Ayaan idinka dhigay oo ducaan, faray dhammaantiine
Ku dhaqaaqa hawshoo guntiga, dhiisha ku adkeeya
[1] Samaale: Cabdicasiis Maxamed Samaale: Guddoomiye ku-xigeenkii kowaad ee Golaha Wakiillada
[2] Cirro: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
[3] Qabille: Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, Mudane katirsan Golaha Wakiillada
[4] Cartan: Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, mudane ka tirsan Golaha Wakiillada
[5] Axmed: Xildhibaan Axmed Waysacadde, Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada
[6] Tuke: Marxuun Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) Mudane ka tirsanaa Golaha Wakiillada oo geeriyooday 2008
La soco… Hoos ka akhriso qaybihii hore.
La soco qaybaha dambe. Hoos ka akhriso qaybihii hore.
http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-4aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/
http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-3aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/
http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-2aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/
http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-1aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/