Boqortooyada caddaadiska ku dhisan ee Sucuudigu waxa ay si xirfad leh oo farsamaysan ugu waariddaa aragtiyo u adeegaya daneheeda dunida Muslimiinta ah badankeeda.
Waxay si danaysinnimo ah uga faa’iidaysataa magaalooyinka barakaysan ee Muslimiintu qadarinta iyo ixtiraamka wayn u hayaan. Haseyeeshee, dhaqankeeda toban wejiilaynta ahi waa mid aan daah saarnayn oo dadku marka ay ku eegaan indho bed qaba ay si hufan u arki karaan.
Dhowaan waxa heshiis wada gaadhay dalka Iiraan iyo dawladdaha ku jira Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan Jarmalka iyo Midowga Yurub.
Heshiiku wuxuu ku aadanaa in la soo af jaro kala shaki dheeraaday oo dawladdaha reer galbeedku ka qabeen in Iiraan rabto inay hanato hubka sida ba’an wax u gumaada oo haysashadiisu wax wayn ku kordhiso awoodda ciidan iyo diblomaasiyadeed ee dalka haysta.
Iiraan waxay iyadu si wayn ugu baahnayd in laga qaado cuna-qabatayn la saaray oo saamayn xun ku yeelatay dhaqaaleheeda si daranna u taabatay nolosha muwaadiniinteeda.
Dalal badan baa soo dhoweeyey waayo waxa furdaamo loo helay belo iyo is-diid ku raagay gobolka markiisa horeba shidaysan ee Bariga Dhexe. Waxa se jira laba dal oo si wayn uga qayliyay waa Israa’iil iyo Sucuudiga.
Sucuudigu waxuu ku dooday marar badan inay haboon tahay in lagu sii giijiyo Iiraan cuna-qabataynta, isaga oo weliba balan qaaday inuu dabooli doono baahida shidaal ee ka dhalata hoos u dhaca ku yimaada shidaalkii ay dhoofin jirtay Iiraan.
Sucuudigu wuxuu sidoo kale ku doodayey inuu hubka wax gumaado samaysan doono hadii Iiraan samaysato, taas waxa dheer in Sucuudigu ku dhiiri geliyay Maraykanka iyo Israa’iil inay weeraraan Iiraan.
Awoodda diblomaasiyadeed, galaan galkiisa iyo awooddiisa dhaqaale wuxuu ku eekeeyey Sucuudigu sidii Iiraan dambaska looga dhigi lahaa.
Taas bedelkeeda Sucuudigu iskuma dhibo inuu wuxuun ka gaysto hadalna ha noqotee dhibaatadda haysata Falastiiniyiinta ama hubka wax gumaada ee Israa’iil.
Sucuudigu khatar uma arko hubka Israa’iil haysato, waana ka raali inay haysato hubka wax gumaada iyo inay ula dhaqanto Falastiin sida ugu arxanka daran ee aadame loola dhaqmo qarniga 21aad.
Sucuudiga iyo wadamadda kale ee Gacanka Carbeed waxay gacan wayn ka gaysteen gumaadkii loo gaystay taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Masar, waxay ku bixiyeen taageero lacag, siyaasad, diblomaasiyad iyo hadalba leh, waxaanay raali ka noqdeen in madaxweyne Muslim ah oo dadku doorteen la xidho isaga iyo taageerayaashiisa, maxkamadda la geeyo oo dil lagu xukumo iyo in weliba dawladda Masar ay gaysato wax ururro badani ku tilmaameen mid ka mid ah tiradii ugu badnayd ee hal mar si wadar ah dad loogu wada dilo tobonaankii sanno ee u danbeeyey.
Sucuudigu far uma taago dadka Muslimiinta ah ee dulmiga u badani maanta dunida guudkiisa ku haysto, waa Muslimiinta degan dalka Barma oo ah dadka cadaadiska ugu xumi maanta haysto.
Sidaas oo ay tahay dawladda Sucuudigu waxay mararka qaar isku eekaysiisaa dal Muslimiinta ka naxa oo Sunniga u gar-gaara, waxa ay si bahalnimo ah u duqaysaa dadka dan yarta ah ee reer Yemen.
In kasta oo Sucuudigu aanu gaar ku ahayn siyaasadda beenta ah ee marka danta gaarka ah la leeyahay lala soo baxo kaadhka Muslinimada, hadana wuxuu isagu dheer yahay inuu ku beertay dalal badan oo Muslimiin ah rag u carbisan oo aragtidiisa gudbiya.
La yaab ma laha in qiil diineed loo raadiyay oo Hargeysa wacdi looga galay in garab la siiyo dagaalka Sucuudigu ka wado Yemen. Hadana afka xanjo ay ku xidheen isla kuwii iska dhigayay inay diinta u hadlayaan gumaadka iyo cadaadiska ka socda Masar.
Kama hadlayaan arxan daradda uu waddo keligii taliyaha ku amar ku taag leeya Masar, waayo Sucuudiga ayaa ka raali ah in dadkaas la laayo.
Markaa diintu ma waxa Sucuudigu rabaa? Maya. Maaha sidaas, balse Sucuudiga iyo caruurtiisa dunida ku filiqsani iyagu sidaas bay u arkaan.
Guuleed Axmed Jaamac
Hargeysa Somaliland