Toddobadaas Sheey waxey kala yihiin:-
1. Salaada lagu sugo salaada kale: Rasuula CSW, wuxuu yidhi:- Qofkiin hadu fadhiyo halku Salaada ku tukaday uusana Adduun ka Shekayn (Ama Aysan Weysadu ka Jabin) Waxa u duceysa malaa’ikta, waxeyna dhahan:- Alloow u dembi dhaaf oo u Naxariiso adoonkaaga.
2. Qofka Salaada ku tukada safka hore iyo safka labaad: Nabiga CSW, wuxuu yidhi:- Allaah SW iyo malaa’iktiisa waxey u duceyaan qofka ku tukada safka hore, asxaabta waxay yiraahdeen:- Rasuul alloow safka labaadna? Nabiga CSW, wuxuu yidhi: haa waa ka mid yahay Safka labaadna.
3. Qofka Salaada Subax ku tukado Jameecada: Nabiga CSW, Salallaahu Caleyhi Wasalam Wuxuu yidhi:- ruuxii salaada subax tukada, oo fadhiista halku ku tukaday salaada, waxaa u duceysa Malaa’ikta, waxeyna dhahaan:- Alloow adoonkaaga u dembi dhaaf oo u Naxariiso.
4. Qofka salaadiisa aamiinta ku daro markasta: Nabiga CSW, wuxuu yidhi:- ruux Ma Jiro yidhahda Aaamiin xiliga salaada ilaa Haddu Jiro, Aamiintiisa haddu Alle waafajiyo xilliga ay Malaa’ikta aamiin dhaheyso waxaa loo dhaafaa dembigiisa hore iyo kiisa Dambe.
5. Ducada Qofka walaalkiis Muslimka ah u duceeya isagoo ka maqan: Rasuulka CSW, wuxuu yidhi:- qofkii u duceeya walaalkiisa Muslimka ah isagoo ka maqan, waxaa madaxiisa istaaga Malag loo soo wakiishay ilaa uu ducada ka dhameeyo, wuxuu leeyahay malagu aamiiin, adigana waxaad leedahay Inta ugu Duceysay oo kale.
6. Qofka Allaah dartiis u bixiyo Xoolahiisa: Nabiga CSW, wuxuu yidhi:– Ma jiro qof bixiya Xoolo ilaa haddu jiro, waxaa soo Dega labo malag, kan koowaad wuxuu dhahaa: ilaahoow Sii wuxuu bixiyay oo kale, midka labaadna wuxuu dhahaa: ilaahoow wuxuu Heysto u Barakeey.
7. Qofka dadka bara khayrka iyo Wanaaga: Rasuulka CSW, wuxu yidhi:- Allaah SW, iyo malaa’iktiisa iyo reeraha samawaadka iyo reeraha dhulka iyo khudhaanjada godkeeda ku jirta ilaa Kalluunka badda ku jira, waxay u Duceeyaan Qofka dadka khayrka Bara.