Togdheer iyo ummadeedu arrimaha siyaasadeed ee Hargeysa laga soo xawilayo sinaba u aqbali-mayso (WQ: Abokor Ismaaciil Maxamuud)

Gobolka Togdheer iyo ummaddeedu  uma baahna   khilaaf iyo is qab qabsi, aan waxba ugu jilayn . Waxa deeqa  ummadda Gobolka Togdheer waa Xubnaha  Golaha degaanku inay noqdaan  kuwii ay balan-qaadeen inay noqonayaan . Sidda oo kale inay gawaan- raacan ma ah  Doodaha sharciga iyo qaybuunka ah ee Golaha,Wakiillad  ka jira iminka Maxkamadda u galay .  Arimaha Siyaasigga ee Hargeysa   ka jira in markiiba Togdheer loo soo xawilo waa ayaan darro ayaa la odhan karra.  Waxii   Xubnaha Golaha Degaanda Degmad Burco dhexdooda ah inay si waafaqsan xeerarka  ay u mareeyan ayaa haboon ee ma wanagsan inay markiiba warbaahinta isla soo tagaan  halkaan kala aragti-duwaanshoohood iyo doodahood ay  gaadhsiyaan meel aanay mudneyn inay gaadhan .  Si kasta ahaate  ahaate  Xubnaha Golaha Degaanka Degmad Burco  , waxa  ummadu Gobolka Togdheer  ka doonaysa , ka filanaysay , kartiddii aqoontii , waayo-aragnimadii iyo mamul yaqaanimadii  ay  sheegateen inay  wax kasto la soo gudboonaad aad kagaga gudbaan  ,balse  ma ah waxay  ,Maanta  ay la soo shir-tagteen in ka mid ah  wax  ummadda qancin karra haddii xita ay jirto  arimaha aad ay tibaaxdeen.

Waxa la  gudboon Xubnaha iyagga ah    ku dhamaan eedaha iyo  tagri-falkaa ay  sheegeen  iyagoo  aan Warbaahinta la hadal inay u gudbisaan  ayey aheyd Haya,daha iyo lamaha dawlad ee  ku shaqadda leh .    Qaabka  deg deg iyo hufanan la la,anta aha ayaa ba    tilmamaya inay iyagga laftigood qaabka mamulka iyo hanankiisa waxba ugga baxsaneyn . Khiilaf  hore  ayaa degmooyinka kale ka jiray   qaar ka mod ah  welina waa jira si kasto in Golaha degaanka  degmooyink ah ku dhaqaaqen  talaabooyin haddanna waxba lagam qabban  taa laftigeed inay dhuuxan ayey aheyd  oo  ka tusaale qaataan.

Waxa hadal ku dhan yahay Togdheer iyo ummadeed  arimaha siyaasiga ah e  Hargeysa    ka jira  si kasto laysugu day in Degmad burco loo soo xawilo u aqbalimayaan , Togdheer iyo ummadeed  Midnimada ,waxwada  qabsiga  iyo  waddajir ayey ka xigataa kanna dugsnaysa wakhtigan isagga ah ,   kala aragtid-duwananta Xubaha Golah degaanku waxa dhamantood ku waajib ah  wadda shaqayn ,  is qancin iyo u hgaansan ka hananka iyo Xerarka degmadda ee mamulkeed u gaar ah ku shaqeeyan .

Abokor Mohamud

abokor_14@live.co.uk.