Tolow maxaa jaadlaha loo laayay? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waa su’aal is waydiin leh. Anigu ma taageersani qaadka, oo qaadka dheeftiisa iyo dhibtiisaba culumada iyo dhakhaatiirta ayaa ka hadlay, laakiin anigu dhacdadan ayaan ka hadlayaa, dadkaa aan waxba galabsan lagu xasuuqay hadafka laga leeyahay aragtidayda.

Tolow sidee ayay dhacdooyinku u socdaan, wadanku laba halbawle oo dhaqaale ayuu lahaa, mid waynu usoo taagnayan iyada oo la wareejiyay, waa dadkada Barbara, ta kalena waa qaadkaa wajaale ee la laayay dadkii ka shaqaynaayay ee isna sidaa ku xidhmay.

In labadii illood ee dhaqaale ee wadanku lahaa mid colaad ku xidhanto, midna inaga oo indhaheenu shan yihiin la wareejiyo, in ay sidaa wax u dhacaa,( is it coincidence or intentional), ma wax isku beegmaybaa mise waa qorshe, wadanka qalalaase lagu galinaayo.  Iyada oo waliba xaalad kala guur inagu soo beegantahay.  Waxaas oo dhan inay iska dhacaan ma caqlibaa, anigu waxaan u arkaa qorshe ah in wajigii labaad aynu galayno ee laynoogu talagalay.

Aduunyada wax isk dhacaa ma jiraan waliba arimo siyaasadee qorshe ayaa laga leeyahay, hadii aad fahamto iyo hadii kalaba.

Wajiga labaad oo ah, dadku waxay ka daaleen xisbiyadan khayaalka ah, ee kolba mid odhanaayo xisbi hebel waan ka baxay waxaanan u digarogtay xisbi hebel, iyo xisbiyadan laysku wareejinaayo ee la leeyahay reer hebel ayaanu ku wareejinay, kuwa kalana odhanayaan waanu ka gudoonay, sowtii layna lahaa waa xisbiyo qaran waa maxay waxan laysku warwareejinayaa.

Midda kale dadkuna qabyaaladii ayay ka daaleen, ninka siyaasiga ihi ku guurayay.

Mise waxay gaadhay waqtigii layna kala diraayay, kuwii ina yab yabayay ayaa  qorshohoodii gaadhay, yaab.

Mise cisaabadii kolba dhinac kuu didin jirtay, kolna koonfur kolna woqooyi, ayaa waxay kuu diyaarisay wajigii labaad ee magac wadaadka lagu guuraayay, tolow qorshuhu ma sidaasaa, iyaga oo iskaga kaa dhigaya inay ku badbaadinayaan marka aad qalalasahaa aad gashid ay kuu diyaariyeen, ayay doonayaan inay shaadh wadaad kuu soo xidhaan.  Illaahay baa og, laakiin waxaa cad in qorshe soo socdo, qorshahaas labadii illood ee wadanku lahaa xidhay.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Maxay u noqdeen wadaadadu daadxoor?

Mar walba qorshe ayaa laguu diyaariyay

Yaa dadka ugu maqal wanaagsan? 

Maxaa liiska argagixisada laynoogu daray yaab

Halkee ayay wax ka qaldan yihiin 

Dadkeenu xor maaha

Faataa dhugleh

Dadku maamul xumo ayuunbay ka cabanayaan uun 

Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga 

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Ribo 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com