Tolow yaa inoo maqan? (WQ: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Dhulkan yaaleh? Dalkan dadkiisi halkey mareen? miyey dabar go’een? Malaha waaney dhalaninba?! Bal adba, Waaxid iyo wadarba ummadduhu waxey ka siman yihiin lexejeclada iyo u habrashada deegaankooda waxey u tafa xaytaan sidii ay u ilaashan lahaayeen.

Halka inaguna aynu iska kaashano baabi,inta iyo bahdilaada deegaankeena, waa run biyo kama dhibcaan ah ineynu  ka adagnahay intaa oo qofkii isku daya inuu bac meel taala ka qaado aflagaado iyo cay buu kala kulmaaba oo mid wax ka sheega oo canbaareeya lama waayo.

Dhulkaagu wuxu kaga duwanyahay dhulalka kale, illahay sokadii adiga ayaa leh oo maamulanaya oo dayactiranaya halka dhulkale oo aanad dad iyo duunyo toona kulahayn aad ku tahay dulin amaba ku dul-noole oo haddba sidii la doono lagaa yeeli karo.

Waxaad haybad, bili iyo buruudba ku haysataa waa dhulkaaga hooyo, intaasi hadday kuu dhaadhacday waa inaad isweydiisaa, maxuu kaa mudanyahay deegaankaaga, dalkaaga iyo dadkaaguba? Wakhtiyada qaar marka aad dirawaladda ku tiraahdid “wadaddan aad dhex taagantahay gees uga istaag umaddu hakala socotee” waxaa qaar kamida kasoo yeedha “oo hadaanan wadada xidhin inaan dhalad ahayba miyaa lay garanayaa”.

Ma jeclid inaad meel is dhextaala oo sal ilaa baar isku jaan rogan, qashin iyo qudhuna ka buuxo aad ilbidhiqsi ku nagaadid amaba aad ka dhigatid hoyagaagi, oo waabari ilaa gabal dhac waxa wakhti badan lagu lumiyaa in aynu hoygeena kala nidaamino oo kadhigno mid lagu sal dhigi karo naftuna ku raaxaysato, halka qolqoladeena, wadooyinkeena, suuqyadeena iyo meelaha caamka ahna ay buux dhaafiyeen qashin iyo uskag aan laga digigixoonaynin waba tii lasheegayey “ bakhtiga ma cunee fuudkiisan cabaa” uskaga ma jecliye waan ag fadhiistaa.

Hadal badan haamo lagama buuxsho,e hadalka obocdiisu waxa weeye  cid inooma maqna ceelna inooma qodna,e bal aynu sidan isku dhaano oo wadankeena lexejeclo haynaga gasho oo danta guud haloo tafa xayto .

Gabagabo mudane/marwo diyaar ma u tahay inaad ka qayb qaadato mashaariic iskaa wax u qabso ah oo kor loogu qaadayo bilicda deegaankeena?

Hoos ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Ma xor baad tahay mise xayirane?

Eed ha qaadin

Hal bay ragga dheer yihiin

Balaayaa kasoo ham iyo dig leh!

Rajo qaribto “Qabyaalad”

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”

hibafaakhir@gmail.com